Share this:

" />
Published On: Sat, Feb 7th, 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Beddel Ku samayeeyay Masuuliyiin Kadibna Aqbalay Is Casilaad

Smiley face

araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa xil ka qaadis iyo isku shaandhayn ku sameeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, sidoo kalena aqbalay dalabka is casilaad kaga timi masuul.
Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed caawa kasoo baxay qasriga Nadaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2946/022015 uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:   Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyay:  Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu La Tashaday:    Madaxda ay hawshani khusayso; Markuu Arkay:   In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday

1.     In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland,  (Bedel Gudoomiyihii hore ee Sanaag)
2.      In Mudane, Axmed Cabdi Falay, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3.      In Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4.      In Mudane, Cali Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar Jamhuuriyadda Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenada

5.      In Mudane, Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6.      In Mudane, Xaamud Xuseen Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ø  Xilka Qaadis
1.      Ku:      Mudane, Maxamed Faarax Aadan
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sool
Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo:          Xil ka-qaadis
Mudane, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Sool aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Sool.

2.      Ku:      Mudane, Axmed Cali Nuur
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Saraar
Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeedo:          Xil ka-qaadis
Mudane, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Saraar aan kaa qaado una magacaabo mas’uul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Faarax oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saraar.

3.      Ku:      Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf
Guddoomiye  Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer
Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Xil ka-qaadis
Mudane, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

4.      Ku:      Mudane, Khadar Cali Cilmi
Guddoomiye  Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saaxil
Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Xil ka-qaadis
Mudane, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Ø  Aqbalaad Is-casilaad Gudoomiye
5.      Ku:      Mudane, Cabdoo Axmed Aayir
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Awdal
Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Aqbalaad Is-casilaad
Mudane, Tixraac qoraalkaaga summaddiisu tahay XMGA/B/02/286/2015, kuna taariikhaysan 07/02/2015, ujeedadiisuna tahay is-casilaad.

Sidaas darteed, waan kaa aqbalay is-casilaada aad ii soo gudbisay, waxaanan kaaga mahadinayaa muddadii aad haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
Haddaba, waxaad xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal ku wareejin doontaa Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Sidaa awgeed, waxa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu dhamaan masuuliyiintaasi u kala wareejiyo xilka Gudoomiyeyaasha, Gudoomiye ku xigeenada Gobolada ee kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH
ayaa lagu yidhi qoraalka caawa kasoo baxay qasiga Madaxtooyadda.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face