Published On: Sat, Mar 14th, 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Baanka Dhexe Iyo Masuuliyiin Kale kadibna Magcaabay Wasiiro, Wasiir Dawlayaal Iyo Masuuliyiin Cusub

Smiley face

madaxweyne SilanyoxafiiskaHaregysa(ANN)Qoraal kasoo baxay caawa Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo masuuliyiin kale, iyadoo isla markaana la magcabay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, wasiir dawlayaal iyo masuuliyiin kale.

Qoraal saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo kale.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday

1 In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha

2 In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somalilan.

3 In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somalilan.

4 In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5 In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6 In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

7 In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

8 In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

9 In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeedo: Xil ka-qaadis Ku: Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL

Ku: Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL Ku: Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka . Mudaneyaal, Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face