Share this:

" />
Published On: Sun, Dec 20th, 2015

Maxaa ka khaldan Warbaahinta Geyiga Soomaalida, Sideese Loo Sixi karaa?

Smiley face

Weriye Khadar Nuux YoonisWeriye Khadar Nuux Yoonis
Hordhac: – Saxaafadda Somalidu waxa ay ay soo martay marxalado kala duwan oo ku jaan go’an siyaasadda socdaalkeedu aanu wali saldhigin ee imanaysa marba marka ka dambaysa,taasi oo jaranjarooyin adag kaga soo gudubtay sannado.

Shaqada Saxaafaddu waa mid adag oo u baahan shuruudo, iyadoo qofka suxufiga ah looga baahan yahay inuu derso bulsho dhan kaasi oo saamaynaya dal dhan,markaasi waa in sida sharcigu dhigayo loo raacaa.

Haddaba xog-baadhkan waxa aynu ku eegi doonaa saxaafadda Somalida waxyaabaha ka khaldan iyo sida aynu isleenahay xalku wuu ku jiraa inagoo u kala qaadi doona gobolada Somalidu kala degto sida Somaliya,Djibouti ,dawlad deegaanka Somalida Ethiopia,Somaliland iyo Puntland.

Warbaahinta Soomaaliya;

Sannadkii 1973kii ayaa warbaahinta Somaliya loo aqoonsaday maalinta saxaafadda Somaliya,iyadoo laga jooga 42 sannadood,waxa ay soo martay marxalado aad u deg oo ku habsaday xoriyadatul qawlka

Intii u dhaxaysay 1973-dii ilaa 1990-kii gudaha cariga Soomaaliya ma jirin idaacado iyo jaraa’ido madax bannaan oo ka turjumi jiray dareenka bulshada isla markaana ka hadli jiray dhacdada dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Radio Muqdisho,Radio Hargaysa,Tv-ga Qaranka iyo Jornaalka Xidigta October ayaa ka jiray gudaha dalkii Somaliya oo hoos imaan jiray Dawladii milatariga ahayd ee Somaliya.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-dii Saxaafada Soomaaliya ayaa u muuqata mid ka hadasha dano khaasa oo shaqsiyadeed, waxaana ay la kala safatay dhinacyadii ku dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya.

Somaliya waxa wakhtigan ku yaala in ka badan 20 Idaacadood oo dhammaantood aan soo dhaafin magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran,hal jaraa’id iyo Laba Tv oo Muqdisho ka warama,halka sidoo kale ay xarumo ku leeyihiin Tvyo deegaannada kale ee Somalida laga leeyahay.

Warbaahinta Somaliland;

Warbaahinta Somaliland oo soo martay marxkalado kala duwan ayaynu dib u yara eegaynaa taariikhada qayb ka mid ah warbaahinta Somaliland.Waaxdii ugu horraysay oo ah Radio Hargeisa waxa la aasaasay sannadkii 1942 (waxa la odha jirey waqtigaasi ‘Radio Kudu’), waxana aasaasay maamulkii Ingiriiska ee waqtigaasi xukumi jirey Somaliland.

Muddo ka bacdi, waxa loo sameeyey oo loo dhisme cusub oo ah xarunta haatan ee Wasaaradda Warfaafinta, waxana loo bixiyey Radio Hargeisa. Maamulkii Ingiriisku xilliyadii danbe wuxu ku kordhiyey qayb qaabilsan sawirrada iyo filimada, iyo weliba wargeys toddobaadle ah oo ku soo bixi jirey af-Ingiriisi oo la odhan jirey ‘War-Somali-Side’.

Markii Somaliland iyo Somalia ay xoroobeen ee ay isku biireen, qaybtii warfaafinta ee Somaliland waxa lagu daray wasaaraddii warfaafinta ee Somalia. Hasse ahaatee Radio Hargeysa iyo waaxyihii kale ee warfaafinta ee ku yaallay ‘Waqooyi Galbeed’ sida tiyaatarradii iyo madbcadihii, waxay si weyn ugu dhex tabaaloobeen dagaalladii sokeeye ee Somalia ee socdey ilaa 1991-kii. Ciidamadii xukuumaddii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, waxay duqeeyeen oo si weyn u burburiyeen Radio Hargeysa, Tiyaatarradii, iyo madbacadihii, wixii qalab iyo agab yaalleyna way bililiqaysteen.

Markii dib loo xoreeyey Somaliland Somaliland sannadkii 1991, waxa la bilaabay in dib loo yabyabo Warfaafintii Somaliland oo Radio Hargeysa ugu horreeyey. Waxa bilaabmay soo-bixitaankii Jaraaidka oo ay ay ka mid ahayd jariidaddii Wasaaradda warfaaintu soo saari jirtey ee Maandeeq iyo madbacaddii qaranka.

Sidoo kale Somaliland waxa ka hirgalay warbaahinta Madaxa banana oo ay Somaliland gudeheeda ka soo baxaan 12 joornaal, saddex Tv gudaha laga leeyahay,halka ay sidoo kale ka hawl galaan ku dhawaad 9 Tv oo xaruno wartabineed ku leh caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Warbaahinta Puntland

Maamulka Somaliyeed ee Puntland waxa ka hirgashay warbaahinta xorta,kuwaasi oo u badan idaacaddaha maqalka oo ay ka hawl galaan in ka badan 7 Idaacaddood oo dad gaar ahi leeyihiin ,2 joornaal iyo Tv qudha oo baahiya wararka xukuumadda,sidoo kale waxa xarumo wartabineed ku leh Tvyo Somaliyeed oo goobo kala duwan laga leeyahay.

Puntland waxa wakhtiyadan dambe ku soo badanaya habka cabdhunta saxaafadda xorta ah,iyadoo aanay u madax banaanayn gudbinta waxyaabaha xaqiiqda ah ee ka jira deegaanka Puntland,sababtoo ah dhammaaan xarumaha warbaahineed ee maamulka Puntland waxa ay kala taageersanyihiin siyaasiyiin taliya ama soo talinjiray iyagoo qora afkaaraha ay aaminsanyihiin.Waxaanay bulshada ku dhaqan deegaanka Puntland waxa ay ka radanyihiin cid uga waranta dhinacyada arimaha bulshada maadaama saxaafaddii ku koobnaaatay dano siyaasadeed iyo mid shaqsi.

Warbaahinta Jabouti;

Dalka Jabouti oo uu gumaysan jiray dalwaynaha Faransiisku,waxa ay leedahay warbaahin dawli ah oo kaliya waana dalka aanay wali ka hano qaadin warbaahinta xorta ah ,waa deegaan uu ka jiro cabudhis badan oo dhinaca warbaahinta xorta ah.

Warbaahinta shisheeye ee ka hawl gasha dalka Jabouti waxa u shaqayn kara oo kaliya suxufi ka hawl gala warbaahinta dawlada ama u soo shaqeeyay,iyadoo aan dalkaasi laga ogolayn warbaahin madax banaan oo si madax banaan ugu hawl gasha.

Cadaadiska,cabdudhinta iyo saxaafadiidka dalka Jabouti ka jira wuu yar yahay dal kale oo geeska Afrika ah oo uu ka jiro. Jabouti waxa ka jira faaf-reeb badan(Censorship )oo ku waajahan warbaahinta ka hawl gasha deegaannadaasi.

Dalka Jabouti waxa ku yaalla idaacad kaliya iyo Tv labaduba ku hadla afka xukuumadda markaasi talisa,kama jiraan warbaahinta daabacaada ama baahinta online ka ah,iyadoo website yada wax ka qora Dalka Jabouti laga xanibo guud ahaanba booqashada hawada Djibouti.

Warbaahinta dawlada-deegaanka Soomaalida Itoobiya (Ethiopia);

Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya oo hoos taga dawlada dhexe ee Federalka Itoobiya,kama jiraan warbaahin xor ah waana ka mamnuuc inuu suxufi shisheeye ama mid gudeed kaga hawl galo shaqo warbaahineed,tabinteeda iyo sawirideeda.

Waa deegaanka labaad ee Somalid degto ee dalka Djibouti la wadaaga cabudhinta warbaahinta xorta ah . Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxa hore u galay dhawr suxufi oo Somali ah kuwaasi oo la kulmay xadhig.

Deegaankan waxa ka hirgalay saxaafad online ku daabacan oo ka soo horjeeda maamulka wakhtigan ka dhisan deegaanka,kuwaasi oo daabaca warar ka dhan ah xukuumadda,iyagoo suxufiyiintu si qarsoodi ah uga hawl gala ama shacabku u gudbiyo warbixinaha iyo dhacdooyinka ku lidiga ah Xukuumadda.

Habddaba, innagoo gudaha ugu dhaadhici doona waxyaabaha ka khaldan warbaahinta Somalida ayaynu si dhammaystiran isku dul taagi doonaa warbaahinta Somaliland iyo khaladkeeda,madama aynaan xogo sharci ama dheeri ah oo dhammaystiran ka helayn Deegaanada kale ee Soomaalida .

Maxaa Ka khaldan warbaahinta Soomaalida;

Warbaahinta amma Saxaafadda waa tiirka amma awoodda afraad ee waddamada dimuqraadiga ah, waana doorka ugu muhiimsan ee lagu ogaado, laguna baadho falalka iyo tallaabooyinka ay ku kacaan masuuiyiinta awoodda dawladdu gacanta ugu jirto, dadka shacabka magaca ku dhex leh iyo kuwa awoodda shakhsi ahaaneedba leh, iyadoo bulshada lagu wargelinaayo in ay u taagan yihiin sharciyada ama danaha bulshada, taas macnaheedu maaha in saxaafiyiinta laftarkoodu aanay khaldamin, balse waxa loo baahan yahay inuu qofka suxufiga ah noqdo mid madaxbannaan, anshaxa minhadiisa ilaalinaaya, la xisaabtankana u diyaar ah haddii uu wax khaldo.

Saxaafadda xorta ah ee madaxbannaan waxay awood u leedahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, sababtoo cilmi-baadhiso tiro badan oo dunida laga sameeyey waxay iftiimiyeen in xidhiidh ka dhaxeeyo madaxbannaanida warbaahinta iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, sidaa darteed haddii saxafigu si daacad ah oo anshaxaha xirfadiisa waafaqsan ugu shaqeeyo, shacabka wax ka sugaayana siday wax yihiin ugu soo gudbiyo waxa uu gutay waajibaad saarna.

Si gaar ah warbaahintu waxay door muhiim ah uga ciyaarta

Soo bandhigida wixii musuqmaasuq ah.
Ka wacyigelinta bulshada waxyaabaha saamaynta xun ku leh.
Dhiirigelinta midnimada iyo isla xisaabtanka
Caqiiadada iyo cibaadooyinka bulshada
Muujinta horumarka bulshadu gaadhay, dawladooduna gaadhsiisay.
Qodobada Saameeya Sharafta iyo Karaamada Saxaafadda;

Warbaahintu in ay fuliso waajibaadkeeda saaran ee ah in ay noqoto meel ilaalisa danta shacabka, xuquuqda muwaadinka iyo masuulkiisa, noqotana il dabagaleen (Watchdog) waxa hor istaaga arrimo badan oo ay ka mid yihiin.

In Caddaadis la saaro saxaafadda xorta ah
Suuqeeda warbaahinta oo hoos-u-dhac ku yimaado
Anshax la’aan iyo aqoon darro suxufiyiinta ka timaada
Xadidaada in shacabku helo warbaahin ku filan oo dawladda ka timaada
Tababar iyo farsamo la’aan ku dhacda wariyaha.
Dhaqaale yaraan amma mushaharka oo aan ku filnaan suxufiga
Sharciga iyo dabar la’aan aanay lahayn warbaahintu.
Siyaasadda dalka ka jirta oo aan ahayn mid furfuran oo ogol warbaahn xor ah.
Xeerarka caalamiga ahi xorriyatul-qawlka aad bay u ilaaliyaan, gaar ahaan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal-insaanka (UDHR) qodobkiisa 19aad iyo Heshiiska ee Xuquuqaha Madaniga iyo Siyaasiga (CCPR) qodobkiisa 19aad waxay xusaan in xorriyatul-qawlku ka mid tahay xuquuqaha aasaasiga ah ee bani’aadamka, dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobayna ay ku khasban yihiin, halka Somaliland dastuurkeedu xuso in ay ixtiraamayso shuruucda caalamiga ah ee aan madaxbannaanida Somaliland ka hor imaanayn.Haddaba, haddii suxufigu fahmi waayo xaqaas uu leeyahay, waxa uu lumiyey hub uu ku hawlgeli lahaa, macnaheeduna maaha in uu xadhkaha goosto.

Sharciyadda lagu dhaqo Saxaafadda;

Warbaahinta dawladdu leedahay (State owned media)
Warbaahinta gaarka loo leeyahay (Private Cooperation Media)
Warbaahin ummadda ka dhaxaysa (Public Service Broadcasting).
Warbaahinta dawladdu waxay ka warranta oo ay u xaglisaa dawladda, waxaana loogu talagalay in ummadda la gaadhsiiyo wixii horumar ah ee la gaadhay, shuruucda la soo saaray, ogaysiisyada iyo wareegtooyinka, waxaanay ku hadasha inta badan kolba afka xukuumadda dalka maamulaysa. Waxaana ka mid ah Radyaw Hargeysa, Telefiishanka Qaranka iyo Wakaaladda Wararka ee Qaranka.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay (Private Cooperation Media), waxa inta badan loogu talagalay in ganacsiga lagu baahiyo, waana mid ka waranta hadba ganacsigu heerka uu maraayo, waana ilo xayeysiiska lagu baahiyo, halka labada soo hadhay ee kale ay u adeegaan shacabka, looguna talaglay in bulshada ay warar dheelitiran u soo baahiyaan.

Laaluushka iyo warbaahinta Soomaalida.
Waxa jira dunida oo dhan dad iyo hay’ado warbaahineed oo laaluushka aqbala, si ay wararkooda ugu baahiyaan cid gaar ah amma danaha cid gaar ah, iyaguna u helaan faa’iido, iyagoo mararka qaarna lacagta loo siiyo si aanay u baahin waxyaabo uu diidan yahay masuul qaran, dawladda oo kaliya maaha, xataa mucaaridka laftarkiisa amma ganacsade amma qof ummadda meel sare ka taagan.

Somalida waxa jira erayo (Terminology) loo bixiyey laaluush suxufiyiintu qataan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Qabax, Shuruur, caano iyo qaar kale oo badan, sababtoo ah saxafiga waxa waajib ku ah in qofka uu warka ka qadaayo sida ugu caddaaladaysan uga qaado, balse haddii uu lacag ka qaato siduu wax uga sheegaya, ilayn xikmadu waata tidhaa ‘Af wax cunay xishood,’sharci ahaana waxay ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo anshaxa saxaafadda, sababtoo qofka looma baahan inuu duloobo, magaca saxaafadda karaamada ka qaado.

Arrintana waxa ugu wacan tababar la’aanta, aqoon la’aanta iyo mushahar xumida ay hay’adaha warbaahintu ku dileen da’ yarta u baahan gacan qabashada si ay u fahmaan awoodda saxaafadda iyo qiimaha ay leedahay, ugana fogadaan magacyada waxyaabaha ay ula baxeen.

Si guud mar ah waxa aynu khaladka warbaahinta ku soo koobaynaa qodobadan.

Inaanay dadka ku jira warbaahinta Somalidu aqoon buuxda oo tababaran lahayn
Inay ka liitaan dhinaca tayada war tabineed,hal-abuureed,maaliyadeeda oo ka dhigtay inay hoos u dhac wayni ku yimaado.
Inay ka liidato dhinaca xidhiidhka bulshada ay la leedahay oo loo haysto dad aad u hooseeya aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba.
Inay jiraan cabaqabado dhinaca xoriyada ah oo haysta warbaahinta Somalida inteeda badan.
Inay jiraan dad badan oo ehelka warbaahinta ahayn balse si dadban u soo galay mihnada warbaahineed.
Inay jiraan warbaahin qalad fahantay xoriyada oo u adeegta siyaasiyiin ama qab-qablayaa dagaal oo dadka Somalida kala xigtaysta.
Inay jirto cabsi dhinaca maamulka deegaanka ay warbaahintu ka hawl gasho kuwaasi oo marin habaabiya sax ahaanshaha tabinta wareed.
Hadaba bal aynu si gaar ah u soo qaadano oo faahfaahsan dalkan Somaliland iyo cabqabadaha warbaahinteeda haysta inagoo ku dabaqayna wacdiga wakhtigan taagan.

Warbaahinta Somaliland iyo Sharciga;

Sharcigu waa waxyaabaha lagu kala baxo ee garnaqa iyo xalinta khilaafka lagu dhammeeyo. Waxa uu sharcigu tilmaama, hagaaga, sheegaana shaqada uu qofku qabanaayo oo qeexan, haddii uu shaqadiisa ku takri falo, si xun u isticmaalo xayndaabkana dhaafo waa ka qabta. Sidaa darteed warbaahinta Somaliland waxyaabaha haysta waxa ugu horreeya caqabad sharci.

Maadaama saxaafaddu ay seef laba af leh tahay waxa ay u baahan tahay xeer xakameeya oo u dhiga xayndaab aanay ka gudbi Karin, dhinaca kalena ilaaliya xuquuqahooda aasaasiga ah. Hadda waxa jira xeer la yidhaa (Xeer No. 27/2004) oo lagu dhaqo saxaafadda. Xeerkan ma sheego wax ciqaab ah oo ka dhalanaya haddii qofka suxufiga ah uu mihnadiisa dambi ciqaab ka dhalanayso galo, inkastoo dood ka taagan tahay in saxafiga lagu xukumo ciqaab amma madani, haddana waa sababta garsoorku ula tiigsadaan xeerka ciqaabka, gaar ahaan qodobada aflagaadada (defamation), maadaama aanay hayn xeer anshax marineed.

Geesta kale, ma jiro xeer anshax marineed (code of conduct) oo lagu maamulo bahda warbaahinta, marka laga reebo Xeer Lambar 27/2004. Inkastoo mararka qaar ay jiraan xeer anshax oo ka hadla doorashada oo warbaahintu ku dhaqanto waqtiyada doorasho socoto. Xataa wax siyaasad ah lagama dheegin xeerka saxaafada si loogu dhaqmo oo ay beddel loogu kaabo galdaloolooyinka caqabada xeer ee warbaahinta la soo darista.

Iska daa in warbaahinta anshax marin xeerkan u yeesho ee waxa aanu si fiican u difaacay xuquuqahooda xorriyatul-qawlka, galdaloolooyinka uu leeyahay iyo ceebaha sharci ee ku duugana waxa ay ku sababi karaan in siyaasiyiintu iyo cid kasta oo lidi ku ah u adeegsadaan oo ay suxufiyiinta xuquuqahoodu dayacmaan.

Xuquuqta Maal-maskaxeedka (copy right);

Ilaa dhawr iyo labaatankii sanno ee Somaliland madaxbannaanideeda haysatay wax sharci ah oo ku saabsan xuquuqal maalka maskaxda (Copy right or Intellectual property) ma jiro, taasina waa qabada keentay in saxaafaddu kala xaddo qoraalo iyo muqaalo cid kale ku daashay oo xirfadaysan.

Suxufiga wargeys ka shaqeeya inta badan iskuma hawlo inuu goobaha wararka tago amma diyaariyo warbixin u gaar ah, maadaama uu si fudud iyagoo diyaarsan uga xadaayo amma ugala baxaayo degellada internetka amma mareegaha (Websites), halka kuwo kalena telefiishannada ka duubtaan, dibna u qoraan, halkaasna waxa ku lumaysa hal-abuurnimo, qof wax ku hawshoodayna si dhayal ah baa maskaxdiisa looga kalluumaysan kara, iyadoo aan ogolaansho la waydiisan amma aan la xusin xaqa uu leeyahay.

Saxaafadda oo aan lahayn cid looga cawdo;

Cabashada ka dhanka ah warbaahinta Somaliland waxa ay si toos ah u tegta garsoorka, gaar ahaan Maxkamadaha, sababtoo ah ma jiro dhinac kale amma meel kale oo looga wareego oo doorasho u noqon karta (other Alternative action), kaasoo dadka dhibanayaasha u ah saxaafaddu (Saraakiisha dawlada iyo kuwa shacabkaba ah) ay cabashadooda gaadhsiin karaan.

Somaliland warbaahinteedu waxa ay u baahan tahay guddi amma xubno madaxbannaan oo anshax marineed oo aan ku milmin cid gaar ah sida dawladda, xisbi siyaasadeed, ganacsato amma dane gaar ah oo warbaahineed aan lagu ogayn. Guddi la’aantan waxa ay keentay in saxaafaddu aanay lahayn cid gaar ah oo ay ka cabsooto, ugana baqo khaladaadka ay ku dhacdo, waana ta keentay in warbaahintu ku milanto siyaasadda iyo dhinaca ganacsatada. cid kasta oo awood dhaqaale lehna ay maamuli karto amma jihayn karto saxaafadda.

Geesta kale, waa in guddidan magacaabisteedu ku dhisnaada xeer si fiican u qeexaya awoodaheeda oo ansaxintiisana sharc-dejinta laga xalaalaysto si aan cid gaar ah u walaaqan xeerka.

Diiwaangelinta amma ruqsad siinta Warbaahinta;

Marka hay’ad warbaahineed la diiwaangelinaayo amma ruqsad la siinaayo waxa muhiim ah in tayadeeda iyo sharciyada ay dhexdeeda ku aasaasan tahay la eego iyo siyaasadda dhexdhexaadnimo, waana mid lagaga bixi karo tayo darrada warbaahinta ku habsatay.

Waxa kale oo ruqsadu faa’iidaynaysa in qaranku dakhli ka helo warbaahinta kala duwan ee diiwaangashan, sida sharciga ahna u hawlgasha, balse Somaliland diiwaangelinta warbaahintu waa mid fudud oo aan wax cashuur ah amma dakhliya qaranka u soo hoyn, inkastoo arrimo siyaasadeed dawladdu u hakiso. Haddii qof aan tayo saxaafadeed amma aqoon mihnada ah lahayn ku biiro warbaahinta waxa ay keenaysa in qofkaas uu ku soo biiriyo waxyaabo aan waafaqsanayn shuruudihii looga baahan saxafiga ee dhexdhexaadnimada iyo caddaaladnimada amma ashax ilaalintu ugu horreeyeen. Suxufiga iyo hay’ad warbaahineed in la diiwaangeliyo oo la yaqaan inta dalka ka hawlgasha waxa ay fududaynaysa in tayadoodana kor loo qaadi karo.

Dhaqaale;

Marka aan ka hadlayno warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland waxa aynu u jeedna hay’adaha warbaahineed iyo saxafiyiinta ka hawlgala (Media outlets and journalists), dhaqaale ahaan waxa jira nidaamo loo abuuro dhaqaalaha oo xirfadaysan (Marketing system or sale system), taasina maaha mid xirfadeeda ay leeyihiin. Waxa ay suuq geyntooda ku doonaan war ka baxsan anshaxa saxaafadeed, kadib marka dhaqaale badan ay soo saari kari waayaan.

Tira badnaanta warbaahintu waxa ay hoos u dhigta dhaqaalaha warbaahinta Somaliland waxaanay kor u qaada tayo darrida, maadaama aanay lahayn xirfada dhaqaalaha lagu abuuro.

Suxufiga Somaliland ka hawlgala ka kuwa ugu mushaharka badan celcelis ahaan waxa ay qataan $250 doollar, celcelis ahaan ka ugu yarina $50, taasina waxa ay fududaysa in suxufiga laga leexsan karo jidka saxda ah dhexdhexaadnimo (Transparency and just), maadaama aanu qaadan dhaqaale ku filan.

Hay’adaha warbaahinta dakhligooda walaw aanay xog celcelis ahaan ah laga hayn, haddana dhaqaale ku filan oo ay goonnidooda isugu taagi karaan ma helaan, mana soo xaraystaan, taasina waa ta keentay in aanay waxyaabaha qaar oo keeni kara khatar badan in aanay diidin amma ku dhiiradaan in ay soo dayaan, baahiyaan amma daabacaan.

Caqabad Aqooneed;

Aqoontu waa waxa keenta in qofku shaqadiisa haddii uu aqoon u leeyahay uu si fiican uga soo bixi karo, tayana yeelan karo waxa uu soo saaro. Ma jirto Jaamacad amma goob waxbarasho tayo leh oo mihnada saxaafada lagu barto aan ka ahayn dugsiyada gaarka loo leeyahay ee loo samaystay in dakhli laga helo, muddada ay baraana yar tahay, dadka baraana laf ahaantoodu aanay aqoon ahaan dhisnayn.

Warbaahinta dawliga iyo kuwa gaarka ah ee Somaliland ma helaan tababaro mihnadooda ku saabsan oo tayo leh, kuwaasoo ay ku ogaan karaan, kana heli karaan waayo aragnimo, haddii ay helaana ma wada gadhaan oo in yar oo gacanta ku dhigta ku celceshata.

Qofku marka uu ku soo biiro saxaafadda looma sheego waxa uu qabanaayo waxa ka reeban ee aanu qabanayn, anshaxa mihnada ma yaqaan, waxa loo dhiiba rikoodh, kamarad, qallin amma buug, iyadoo loo tilmaamo inuu si toos ah u aado goobaha wararka, taasina waa ta keenta in mashaqadu ka dhacdo. Maadaama aanu qofku anshax iyo aqoon toona lahayn waxa uu u nuglaada in la iibsado oo uu qaato qabax/sharuur saxaafadda lagu garto ha yaraato amma ha badnaato.

Bulshada waxa uu u soo tebiya tayo ma yeeshaan, inkastoo warbaahinta Somaliland aad ugu foognaato soo daynta siyaasada oo arrimaha bulshada aanay baahin, hadday baahiyaana tayo aanay lahayn, yaraana ku darsadeen.

Dhinaca kale, Somaliland iyo waddama jaarka la ah inta badan waxa loo haysta in saxaafaddu tahay xirfad amma mihnad aan u baahnayn aqoon iyo tababar kor loogu qaadaayo aqoonta sida ay warbixin daraasadeed ku soo saareen Terje S. Skjerdal & Charles Muire Ngugi oo si gaar ah uga diyaariyey xogtooda Bariga Afrika waxa ay ku doodeen in tababarida suxufinimo ee bariga Afrika ay keento dhib iyo in halgan loo galo, sababtoo ah suxufiyiinta oo aan ogolaan in ay aqoon kasbadaan (Skjerdal & Ngugi 2007), dhab ahaantiina Somaliland kamay reebanayn daraasadan la mid bay ahayd dalalka kale.

Caqabad Hal-abuurnimo;

Maadaama saxafigu aanu lahayn aqoon waxa meesha ka baxda hal-abuurnimo, inkastoo saxafiyiin aan aqoon lahayn, balse waayo-aragnimo iyo hal-abuur isku darsaday la helaayo, haddana ma tiro badna oo curinta iyo hal-abuurnimada tayada ku dhisan waxay ka mid tahay caqabadaha keena in saluug weyn laga muujiyo warbaahinta dalka hadday tahay hay’ad iyo suxufigaba.

Degellada Internetka (Website);

Wakhtiyadan dambe oo Somaliland ay aad ugu soo bateen, iyagoo markii horeba ku cusbta degellena internetka amma mareegaha waxa ay keeneen dhibaato weyn, sababtoo ah waxa jira dad u samaystay danayaal gaar ah oo ka baxsan darriiqa mihnada saxaafadda. Qof kasta oo aan aqoon u lahayn saxaafaddu waxa uu samaystay degel uu waxa uu doono ku qoro. Ma jiro sharci si gaar ah uga hadla ciqaabta ka dhalan karta cida degel internet ah wax ku qorta. Inta badan waxa daabaca dad aan dalka joogin amma lama yaqaan qofka wax soo geliyey, taasina waxa ay leedahay dhibaatadeeda.

Maxaa u xal ah warbaahinta Soomaalida;

Si saxaafadda Somalidu uga baxdo waxybaaha khaladka warbaahineed keenaya waxa loo baahan yahay in qodobadan la is la meel dhigo.

In la soo saaro suxufiyiin aqoon fiican leh oo anshaxaha iyo shuruucda saxaaafadda garanaya.
In mushaharka ay qataan lagala simo shaqaalaha dalka ka shaqeeya kuwooda ugu fiican.
In la xoojiyo ururka suxufiyiinta oo laga dhigo mid awood u yeelan kara inuu tallaabo ka qaado warbaahinta xayndaabka ka baxda.
In la sameeyo guddi anshax marineed oo warbaahintu isla ogoshahay suxifi iyo mulkiilaba.
Laaluushka wariyayaashu ka fogadaan oo ashaxaha saxaafadda racaan.
in Xeer-anshax marineed loo sameeyo warbaahinta, looguna sameeyo madal la isla wada ogol yahay, ka horna la sameeyo daraasad madaxbannaan ku saabsan sida loo samayn karo.
In loo sameeyo kala mudnaan sida ay u soo kala horeeyeen ah
In ay la yimaadaan suxufiyiintu hal abuur warbaahineeda kaasi oo gaadhsiin kara horumar
Inay guud ahaanba joojiyaan lacagaha(qabax/shuruur) siyaasiyiinta laga qaato taasi oo dulaynaysa suxufiga ama ka dhigaysa mid bilaa qiimo ah .
In warbaahinta la dhiso tayadeeda war tabineeda,iyadoo dhex u ahaanaysa Somalida ay wararka ka soo tabinayso.
In la dhammaystiro xeerarka sharci ee warbaahinta Somalida oo deegaano badan uu qabyo yahay,halka deegaannada qaarna aan lagu dhaqmin.
Gunaanad;

Warbaahinta Somalidu cidday doonto ha yeelato, balse dadka mulkiilayaasha ah waxa looga baahan yahay in hay’adooda sharafteeda iyo karaamadeeda ilaaliyaan, shacabkana ugu adeegaan sida saxda ah ee u baahan in wararka, aqoon iyo run loo baahiyo, iyagoo ka fogaanaya in ay ku xad-gudbaan anshaxaha.

Suxufiyiinta laftar ahaantoodu waa in ay iska ilaaliyaan masaalixda is khilaafaya (Conflict of interest), waana in aanay haybadooda iyo sharaftooda lacag amma shilimaan siisan si loo karaameeyo.

Khadar Nuux Yoonis

knyonis@gmail.com

Hargeisa,Somaliland

Tixraac –
http://www.un.org/en/universal-declaration-human-rights/

http://www.tandfonline.com/doi/abs/10.1080/02560054.2007.9653365

http://www.somalilandlaw.com/press___media__law.htm

FAALLO:38-sano Kadib iyo Saxaafada Soomaalida

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face