Published On: Sun, Mar 22nd, 2015

Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Denbiile U Aqoonsatay Gen. Cali Samatar

Smiley face

Ali SamatarWashigton(ANN)Maxkamadda Sare ee Dalka Maraykanka, ayaa u aqoonsatay General Maxamed Cali Samatar inuu gabood falo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha ka gaystay Somaliland xiliyadii sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii oo uu hormood u ahaa Taliskii Maxamed Siyaad Bare oo kumaan qof oo aan waxba galabsan ku xasuuqay Somaliland oo xiligaa ka mid ahayd dhul weynihii Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay.

Xubno ka mid ah Qareenadii dacwada ku oogay dhagar qabe Cali Samatar ayaa sheegay inay tahay Guul taariikhi ah oo laga gaadhay Mid ka mid ah Dhagar qabayaashii xasuuqa ka gaystay geyiga Somaliland.

Dhowaan, ayay Maxkamadu ku gacan saydhay dalab uu Gen. Cali Samatar ku doonayay in uu gabood ka dhigto dhawrsanaanta, ama xisaanada dublamaasiyada, taas oo Maxkamadu gacafka ku dhifatay, iyadoo cadaysay in denbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo gaboodfaladu aanay ahay kuwo lagaga badbaadi karo dhawrsanaan iyo xasaanad.
Gen; Cali Samatar ayaa hore Maxkamad ku taal Maraykanku ugu xukuntay lacag 1milyan dolar ah, taas oo ay sheegtay inay noqonay magdhaw dadkii uu xasuuqa u geystay, isagoo aan dafirin denbiyadii iyo xasuuqii dadka shacabka ah.

Halkan Ka daawo Go’aanka Maxkamada Sare ee Maraykanka Riix

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face