Share this:

" />
Published On: Wed, Sep 27th, 2017

Mucjisada Garashada Dahsoon ee Dhirta

Smiley face

W/Q. Axmed-Nimcaan Cali

 

Muuqalka geed jka badbaaday dhuxusha

Dhibica roobka ayaa hoggaansha in ay suurtogal noqoto soo awaal baxa dhallaanka dhirta, walaw ay jirto marmar, kaabayaal ka qayb qaata firidhka iyo fogaanta dhallaanka, haddana mesha kama maqna xeerkii waalidnimo ee ahaa ogolaanshaha in agtiisa la joogo oo lagu koro.
Si ay u suurtowdo gelitaanka hayaan dheer oo dhallaanku ku noolaado meel ka fog waalidka, waxa lagu gadaamaa iniinta inta ay yartahay qolof adag oo ka difaacda dhibaatooyiinka cimilo ee jira, haddana waxa saad looga dhigaa in lagu lifaaqo qalabkii caawin lahaa oo samayskiisu ku xidhanyahay hadba gaadiidka la raacayo, sida dabaysha, biyaha iyo noolaha kale.

Sida aadamaha oo kale, qoyska dhirtu waxa uu ka bilaabmaa geed. Geedo isku qaab ah amma isku cimilo ah ayaa la yidhaah qoys. Qoys dhireedku waxa uu halgan u galaa wada noolaanshaha, wada shaqaynta iyo is difaaca intaba in ay iska kaashadaan, marmar waxaad odhaynsaa malaha dhirtu qabyaaladda way taqaan, marka aad aragto dhirtii isku bahda ahayd oo kaligeed rabta in ay ku noolaato goob magacaaban.

Sidaa aawadeed, ku tartanka khayraadka dabiciiga ah ee uu Allaah (SWT) ku mannaystay koonka waxa ugu loolan badan dhirta. Qoys dhireedku waxa uu ciidda kala baxaa macadnata uu rabo ee qaybta ka ah noloshiisa, dhulkana waxa ay ugala baxaan si u tudhid ah, hayeeshee mar iyo laba wixii ka badan goobtaa qoys dhireedku waa uu xaalufiyaa. Inta lagu gudo jiro nuugida nafaqada waxa la difaacaa goobtaa nafaqada laga qaadanayo oo looma ogola in dhir kale oo intan ka badan ay dhulkaa u soo dhawaato, waxa ay ku buufiyaan sun wixii ay u garan waayaan meeshaa.

Mar kale, waxa loolan loo gala kala hor helida ilayska qoraxda, tartanaka xaga tamarta iyo dabka waxa guulaysta kuwa isticmaala xeelada ah isku marida jiridaha awoodaha leh ee geed kale iyo soo hor baxida amma in uu geed ku ka dheeraad inta la nool oo uu hadheeyo, si looga hadho amma ay u dhintaan inta kale.
Khayraadka ugu daran ee helitaankiisa ay dhibaato badan ka dhacdaa waa biyaha. Si ay suurtogal u noqoto helitaanka biyaha waxa uu geed kastaa adeegsadaa awoodiisa u dambaysa. Hadba sida loo kala xeelad bato ayaa loo kala helaa biyaha, iyadoo ay caawinayso muddada uu jirayo geedku. Inta badan, geed gaabka oo cimrigiisu yaryahay waxa uu aad u cabbaa biyaha, korriinkiisa waa degdeg, hayeeshee, hore ayuu u dhintaa.

Xilliga noloshiisa waxa dhex mara isaga iyo faca la nool ee tartan ku dhex marayo loolan culus, ugu dambayna waa la isla dhintaa, balse, haddii mid la jabiyo waxa uu ka bartaa cashar oo waxa uu galaa is difaac, isaga oo wax ka beddela habkii uu waa hore u noolaan jiray. Taa waxa tusaale u ah dhirta ka baxda dhul-beereedka ee loo yaqaan haramaha marka muddo la buufiyo waxa uu bilaabaa sika difaacid iyo in uu noloshiisa waxa ka beddelo, taas ayaa keenta in hidda sidihiisa uu iska beddelo, waxa u soo baxa ubad ama fac adkaysi u leh isbeddelka nololeed ee hadda dhacaya.

Habka aroorka ee dhirta waa wayni waxa uu u dhacaa sida tan;
Aqoonyahanada qaar ayaa ku dooda in garaadka geedku ku jiro xididka, waxana ay taas ku caddeeyeen, habka maamul-wanaaga ee uu xididku maro ama uu u dhaqmo.

Inta uu geedku korayo waxa uu xooga saaraa xididka adag ee loo yaqaan udub-dhexaadka, si geedka loogu hubsado dhulka, suurtogalna ay u noqoto iska caabbinta dabaylaha ruxaya iyo rujinta xoolaha amma dadka.

Labada qolo, ee rujiyeyaasha ah (dadka iyo xoolaha) waxa ay iskaga difaacaan ur, qodax, dhadhan iyo qolof adag (jidhif). Xididka waxa afka hore kaga yaal wax u eeg koofiyad yar oo ka samaysan unugyo firfircoon oo wax dareema.

Si ay u suurtowdo aroorka biyaha ee geedku waxa amar la siiyaa xididada yaryar ee tiftaafyada loo yaqaan, xididadaasi waxa ay ku amranyihiin in ay soo helaan biyo ama ay keenaan war sheegaya in biyo meelahaa ka dhawyihiin.

Haddii uu xidid yari ku guulaysto helitaanka biyha, waa uu soo nuugaa, abaalkiisuna waa koriin iyo inuu waynaado oo uu ballaadhiyo awoodda soo nuugida ee biyaha. Haddii uu xidid keeno war ah in biyo meelahaa ka dhaw yihiin, hasa ahaatee ay jirto caqabad ah dhagax aan la dhaafi karin, waxa amar lagu siiyaa xididada oo dhan in ay dhagaxa dhinacyada uga wareegaan oo si uun loo dhaafo, haddii lagu guulaysto wanaagsan, haddii se la kari waayo in la dhaafo oo ay ballaadhato baaxadda uu ku fadhiyo dhaguxu, waxa la isku dayaa in loo diro xidid yar oo aad u tamar daran, waxa na uu fooda saaraa dhagaxii, waa uu taabtaa, waxana la siiyaa aaladii iyo farsamadii uu ku daloolin lahaa dhagaxa, waxa uu raaca tallaabooyin isku xigxiga, waxan ay u dhacdaa sida tan:

Salaam iyo is barasho kadib, xididku waxa uu siiyaa dhagaxa dheecaan oo uu kaga biiyo madax adayga (laaluush ahaan). Marka uu dhagaxu macaansado qoyaankan ayuu dabcaa oo uu si dhiibaa. Haddana waxa uu xididku kordhiyaa saamiga dheecaan ee uu siinayay, waxaana uu hore ugu dhaqaaqaa in yar xaga gunta.
Waxa aad moodaa marka uu xididku ku soo dhaqaaqo xaga gunta in uu leeyahay “aan quudiyo qaybahaaga kale ee haraadan”. Markan waxa uu xididku u galay gudaha, waxana uu fahmayaa jihada ay ka xigaan biyuhu. Marka ay suurtawdo in dhagaxa dhexdiisa la maray oo la helay jihadii biyaha, waxa uu gudbiyaa war baxin ah in la helay biyihii, markaa si loo hubiyo waxa uu gudbiyaa biyihii ugu horeeyay ee sheegayay muunaddii koowaad. In muunad biyo ah la soo qaadayna waxa laga gartaa haddii geedku haraadanaa, dhinaca uu xigo xididkaa biyaha soo qaaday, caleemaha qaybaas ayaa firfircoonaada oo cunto sameeya si kayd fiican loogu sameeyo xididkaa shaqada bilaabay ee keenay biyaha, waxana lagu abaal mariyaa in isaga la ballaadhiyo oo lagu gadaamo qolof adag, oo uu iskaga difaaco dhagaxa dhibaatadiisa, marka uu muddo sidaa u koro waxa meesha timaad laba midkood, in la dalooliyo dhagaxa oo sidaa lagu joojiyo koriinka xididka ama in dhagaxa lagu fido oo xoog lagu kala jabiyo dhagaxa oo meesha oo dhan lala wareego.
Waxa la yaab leh, sida aanay waxba ugu tarin isu ekaanta iyo midnimada curiyeyaasha uu ka kooban yahay dhagaxu, waxa se dhexda ka jabiyay qaadashada aan xishoodka lahayn ee dheecaanka geedka.

Geedku ma moogana in uu leeyahay cadaw ku hareeraysan oo ah isla bahda dhirta ee kale sidii aynu hore u soo sheegnay, waxa uu awood u leeyahay in geedku is difaaco amma u dab xidh isku sameeyo si aan loogu soo dhawaan. Dhammaan dhirtu taa waa ay sameeyaan, se waxa ay ku kala duwan yihiin hadba habka iyo xeelada ay raacaan.
Marka aan eegno, sida tix-raaca ku qoran, filimka laga diyaariyay sida ay dhirtu isku difaacdo waxa tijaaabo lagu sameeya qaar ka mida dhirta qodaxda leh oo ay ugaadhi daaqday, kadibna mid ka mid ah ugaadhu dhimatay, markii baadhitaanka lagu sameeyay waxa la ogaaday in geedku sii daayay ur, oo geedaha kale uu u sheegay in weerar la soo qaaday, dhirtii kalena ay difaac gashay.
Markii ugaadhii ay u gudubtay geed kale ayaa geedihii kale sii daayeen maadada loo yaqaan methanol, kadibna uu halkaa ku qudh baxay noolihii daaqaay dhirta kala duwan.

Saynisyahanada qaar ayaa ku dooda, tusaale ahaan geedka qajidu kulaylka uu soo saaraa in ay tahay xaalad difaac oo uu isku ilaalinayo. Halka aadamuhuna uga faa’iidaysanayo in ay dhadhansadaan amma abateedka u furto.

Dhinaca kale, marka aan ka istaagno nolosha dhirta, waxa inoo muuqata in dhirtu tahay boqortooyo cajiiba ah oo deeq badan, waxaana siisa uumane badan oo aan la koobi karin, mar haddii aaanay cuntadeeda meel fog u doonan, waxa aad moodaa in ay noolaha kale ugu jirto madbakha (kijada) cuntada oo ay u heelan tahay cunto siinta iyo u gargaarida caafimaad ee bulshooyinka kale ee la nool amma ku dul-nool.

Maxaan ka baran karnaa boqortooyada dhirta?

1. Meertada nolosha dhirtu waxa ay tusaale cad u tahay isa soo saarka aakhiro- sida uu qur’aanku tilmaayay- iyo sida uu u gaabanyahay geediga nolosha adduunyo ee habboon in aan la isku ilaabin.

2. Dhaxal-reebka iyo ka fikirka aayaha jiilka soo socda, waxana caddayn u ah sida ay dhirtu u daryeesho dhallaankeeda (iniinta) soo awaal baxasya.
3. Adkaysiga iyo la jaanqaadka hadba waayaha jira.
4. Ka fogaanshaha isdhigashada iyo mooganaanta, waayo? Geedku isaga oo og baaxadda biyaha ee uu helay ayuu kaydiyaa biyaha dheeraadka inta kalena waa uu tashiilaa.
5. Ka dhabsheegida hadafka nololeed iyo ka gudbka caqabadaha nolosha inta ay doonto ha qaadatee.
6. Isku xilqaanka in waxa laga taro nolosha cidda kula wadaagta koonkan (dhir, xayawaan iyo dadba).
7. Abaal-marinta iyo u mahadnaqidda cidda danta guud waxa ka tarta, iyada oo aanay eex iyo nin-jelcaysi midna ku jirin.
8. Ilaalinta xoriyadda dhaqan dhaqaale ee bulshada aad ka tirsantahay.

W/Q. Axmed-Nimcaan Cali Maxamed.
Tix-raaca.
1. Qur’aanka (aaydo badan ayaa lagu tusaaleeyaa dhirta)
2. Biology books (chapters/plant anatomy and physiology).
3. How plants communicate/documentary/national geography/Youtube.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face