Share this:

" />
Published On: Sun, Apr 10th, 2016

Muqdisho: Toogasho Lagu Fuliyey Laba Nin Oo Ku Eedaysnaa Dilka Gabadh Weriye ahayd

Smiley face

Araweelo News Network

toogasho puntlandMuqdisho(ANN)Laba nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, isla markaana ku eedaysnaa inay qarax miino ku dileen gabadh weriye ahayd oo la odhan jiray Hindiyo Xaaji Maxamed sannadkii la soo dhaafay, ayaa lagu fuliyey xukun dil ah shalay.
Labada nin oo magacyadoodu ahaayeen Cabdirisaaq Maxamed Barow iyo Xasan Nuur Cali, waxa lagu toogtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya shalay, kadib markii maxkamad millatari oo kiiskooda dhegaysatay ku xuntay dil, kuwaasoo laga diiday racfaan ay ka qaateen xukunka lagu fuliyey.
“Labada ninba waxa lagu helay dambi ah inay khaarajiyeen Hindiyo Xaaji Maxamed, taasoo baabuur ay wadatay lagu qarxiyey bishii December ee sannadkii 2015.” Sidaa waxa yidhi Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Millatariga Soomaaliya oo la yidhaa Cabdillaahi Xuseen Maxamed oo saxaafadda la hadlay shalay.

Gabadhan weriyaha ee la odhan jiray Hindiyo Xaaji Maxamed, waxa la qarxiyey xilli ay soo baxday jaamacad ku taal Muqdisho, iyadoo horena loo dilay ninkeedii oo isna ahaa suxufi sannadkii 2012.
Dalka Soomaaliya, ayaa ku jira dalalka suxufiyiinta ugu badan lagu khaarajiyey, iyadoo ururka Al-shabaab halkaas kula dagaalamayo ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face