Share this:

" />
Published On: Sat, Feb 20th, 2016

Muran Hadheeyay Doorashadda Uganda Iyo Natiijadda Hirdhaca Ah

Smiley face

Araweelo News Network

Muzeveni UgandaKampala(ANN)Muran ayaa hadheeyay natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxay doorashooyinka madaxtinimada ee dalka Uganda kadib markii natiijooyinkaasi muujiyeen in Madaxweynaha xilka haya, Yuweri Museveni hoggaaminayo, waxaana lagu daaadiyay wadooyinka ciidamo.
Gudida doorashada ee Uganda ayaa hore u sheegay inay ku dhawaaqayaan natiijada ugu dambaysa ee doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuwa Baarlamaankaa maalinta Sabtida.
Balse muran ka bilaabmay Cod bixintii dhacday Khamiistii, ayaa sababay banaan baxyo rabshado watay oo ka dhacay qaybo ka mid ah Caasimadda ka dib markii xabsiga loo taxaabay hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye, kaas oo lasii daayay Habeennimadii Jimcaha.

Wararka qaar ayaa sheegaa in la tiriyay ilaa rubac ka mid ah codadkii la dhiibtay 60%,haysto Mr Museveni, oo xiligan 71 jir ah, isla markaana xukunkana soo hayay muddo 30 sano ah, wuxuuna aad uga horreeyaa ninka ugu soo dhow tartanka ee Kizza Besigye. Sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Dib u dhacyo ku yimi goobaha codbixinta qaarkood maalintii shalay ayaa keentay in maanta codbixintu sii socoto. Siyaasiyiinta mucaaradku waxay dib u dhacyada ku tilmaameen kuwa ula kac loo sameeyay oo loo jeeday in Museveni looga faa’iideeyo.
Qaar ka mid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegaya in doorashadu aanay ahayn mid xor ah. Laakin xukuumadda Ugnda , ayaa beenisay dhaleecayntaa.
Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa la loollamaya 7 musharrax, wuxuuna rajaynayaa inuu ku guulaysto doorashaa, iyadoo durba Natiijooyinka hordhac ah oo ka soo baxaya guddiga doorashadu muujinayaan in Madaxweyne Museveni uu haysto in wax yar ka badan 60% codadkii la dhiibtay.
Ninka ugu weyn mucaardka ka hor jeeda, Kizza Besigye, oo ku xiga, ayaa haysta 30% natiijadii ilaa hadda lagu dhawaaqay.
Hase yeeshee mucaraadka ayaa sheegaya in arrinta uu muranku ka taagan yahay tahay in agabkii codbixinta meelaha qaar dib uga dhaceen, taas oo lagu dhaliilay.
Madaxweyne Museveni, wuxuu canbaarayn kala kulmay xadhiga ninka la loolamaya iyo qaabka xukuumaddiisu u maamushay arrimaha doorashooyinka.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face