Share this:

" />
Published On: Sat, Mar 25th, 2017

Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI iyo Weftigiisa Oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Shaffeild

Smiley face

Araweelo News Network


sheffield(ANN)-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdullaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayey isla mar ahaantaana socdaalka ku joogay dalweynaha Ingiriiska, ayaa xalay fiidkii kulan ballaadhan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield ee dalka Britain.

Kulankaa oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda laamaha xisbiga ee magaalada Shaffeild, taageerayaasha xisbiga iyo dad kale oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Shaffeild, waxa guddoomiye Cirro ku weheliyey guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbigaasi xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayeyaal, siyaasiyiin, xildhibbaano iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Ujeedada kulankaa, ayaa lagu sheegay inuu daarnaa qaadhaan ururin halkaas looggu sameynayey dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland, waxaana ugu horreyn qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland iyo madaxda Xisbiga WADDANI ee laantaasi halkaa oo hadalo ka jeediyay dhammaantood sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay kulan iskugu yimaadaan madaxda Xisbiga, waxaana ay tilmaameen in ay ka jaaliyad ahaan ay aad ula dhacsan yihiin siyaasadda Xisbiga WADDANI iyaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi la dareen ah shacabkiisa, isla mar ahaantaana ay ka aqbaleen kulankan qaadhaanka looggu ururinayo dadka abaarahu saameeyeen oo ay sheegeen in ay si mugle uga qeyb-qaadanayaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI, La taliyaha arrimaha dibadda ee Murrashaxa Madaxweynaha WADDANi, Kaaliyaha arrimaha Warbaahinta ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa si aada ugu dheeraaday xaaladda dalku marayo iyaga oo tilmaamay in ay Somaliland ay gashay marxaladdii ugu adkeyd oo ay dad iyo duunyaba si aada u saameeyeen abaaro baahsan oo dhimasho sababey, waxaana ay sida oo kale xuseen in cadaaladda darada, musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo sinnaan la’aantu-ba ay iyaguna marayaan meelo aad u daran oo fool xumo ku ah dhaqanka dawladnimada Somaliland, waxaana ay cod dheer kaga codsadeen in jaaliyadda Sheffield in ay kala qeyb-qaataan siddii loo badbaadin lahaa qaranka Somaliland.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa aad ugu dheeraaday in ay ka xisbi ahaan mar walba la dareen yihiin dadka shacabka Somaliland isaga oo xusay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii keli ahaa ee habeen iyo maalin ba ka qeylinayey, isla markaana ku baaqayey in loo gurmado dadka abaarahu saameeyeen, waxaana uu tibaaxay in dawladnimadana uu keliya badbaadin karo Xisbiga WADDANI.

Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdullaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa jaaliyadda Somaliland ee Shaffeild uga mahad-celiyey sida diiran ee ay u qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminaayey, waxaana uu tilmaamay in wefti ahaan aanay dalka Ingiriiska u imanin arrimo siyaasaddeed, balse keliya ay u yimaadeen siddii dhawaaqa shacabka tabaaleysan ee Somaliland ay u gaadhsiin lahaayeen beesha caalamka sida oo kalena ay ula soo wadaagi lahaayeen walaalahooda reer Somaliland ee ku dhaqan dalalk Yurub si ay qeyb weyn uga noqdaan gurmadka abaaraha ee lagu badbaadinaayo dad iyo duunyoba isaga oo sidoo kalena xusay in dawladnimadii Somaliland ay marayso meel aad u adag oo loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face