Share this:

" />
Published On: Sun, Mar 20th, 2016

Muwaadin Mudaharaad Uu Keli Ku Noqday Oo Xanbaarsan Fariimo Lagu Diidanyahay Musuq-maasuqa Ka Dhigay Golaha Wakiiladda Ee Fadeexadu Hogganay

Smiley face

Araweelo News Network

mudaharaadqotiHargeysa(ANN)Muwaadin Magaciisu yahay Maxamed Faarax Qoti oo ah qoraa mawaadiic kala duwan iyo arrimaha xidigista inta baddan wax ka qora, ayaa saaka ku keliyaysatay mudaharaad xanbaarsan fariimo kala duwan oo dareenkiisa uu ku muujiyay sida uu u diidanyahay musuq-maasuqa.
Muwaadinkan, ayaa xarunta dhimaha aqalka Baarlamaanka ee golaha wakiiladda iyo guurtida barxadiisa la galay Kartuun uu sida shaadhka u gashaday oo uu kusoo qoray hal-kudhegyo iyo fariimo uu ku cabirayo dareenkiisa, wuxuuna qaar ka mid ah fariimihiisa ku sheegay inuu taageersanyahay warbixin Xildhibaan Maxamed Cali Obama oo ahaa Guddoomiyihii gudida dabagalka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka kasoo saaray xukuumadda iyo golaha wakiiladda ee uu xubinta ka yahay.

Fariimaha muwaadinka Maxamed Faarax Qoti la tegey golaha wakiiladda Somaliland iyo qaar ka mid ah xarumaha wasaaraddaha saaka ee uu ku xardhay Kartuunka kadibna sida shaadhka u gashaday, ayaa ahaaa sidan: –
1- Waxaanu garab-taaganahay xil-dhibaanada gollaha wakiilada kuwa daacada ah, ee diintooda ,dalkooda iyo dadkoodaba jecel. Musuq-maasuqu ha dhaco

2. Inta Damiirkeena lagu arkayo shaqsi ka dhiidhiya xumaha, wali weynu nool-nahay

3. Haddii dadka daacada ah lagula dhaqmo cadaalad darro kama saarto dadnimada, ee kuwa ku dhaqmaya laftigooda ayey kharibtaa,

4. Haddii si toos ah wax looga qaban waayo dhamaan goobihii musuq-maasuqa lagu sheegay war-bixintii ay soo saareen xildhibaan obama, waxaanu shaacin doonaa mudaharaad.
jiijimusuqmaasuqa

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face