Share this:

" />
Published On: Sun, Dec 20th, 2015

Noloshiisa Waxa Galaaftay Sawir Uu Doonayay Inuu Mobilkiisa Iskaga Qaado

Smiley face

Araweelo News Network
metroBusRawalpindi– Pakistan (ANN)Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Pakistan, ayaa tareen kuwa xawliga u socda la tegay, isagoo qorshaynayay inuu waddada badhtankeeda iskaga qaado Mobaylkiisa sawirka (Selfie) ee kurka ah sida ay sheegeen saraakiisha dawladda dalkaas.

Mr. Jamshaid Khan, 22 jir shaqaale ka ahaa waaxda waddooyinka tareennada, ayaa isku dayey inuu moobaylka sawir iskaga qaado, kadibna dhex istaagay waddada badhtankeeda, taasina keentay in tareen ku socday Rawalpindi uu la tago.

“Jamshed Khan oo deggenaa degaanka Dhok Ratta ee magaalada Rawalpindi ayaa tareen jiidhay, isagoo sawir kur ah (selfie) iskaga qaadaya waddada. Tareenka . kadibna uu jiidhay oo markiiba wuu dhintay.” Sidaa waxa yidhi Deeba Shahnaz oo ah saraal sare oo ka tisan waaxda badbaadinta Pakistan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Sidoo kale, booliska ayaa caddeeyey geerida wiilkan, balse aabbihii ayaa aqbali waayey in wiilkiisu ku dhintay sawir kur (Selfie) oo uu iska qaadayey.

“Jamashed aabbihii Muhammad Pervez ayaa sheegay in wiilkiisu shil ku dhintay isagoo waddada dhaafaya,” ayuu yidhi sarkaal boolis ah.

Waqtiyadan dambe ayaa da’yarta caalamka caan ku noqday sawirrada kurka ah ee moobillada la iskaga qaado, iyagoo ku baahiya mareegaha lagu sheekaysto (Social Media) sida Facebook iyo Twitter-ka. Meel kasta oo ay tagaan moobaylka casriga ah (Smart Phones) ayey sawirrada noocan ah iskaga qaadaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face