Share this:

" />
Published On: Mon, Dec 11th, 2017

Prof Iid Cali Salaan Oo Ka Hadlay Xiliga Lagu Jiro, Tallooyinka Ku Haboon Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland

Smiley face

Prof. Iid Ali Salaan

Horta xaqiiqada dhabta ah marka laga hadlo, sida ay wax u socdeen intii lagu gudo jiro waqtigii kaambaynka iyo xaaladii dalku galay, aduunyada kale iyo gudaha dalkaba waxa la filayay inay dhibaato iyo fad-qalalo siyaasadeed waddanka ka dhacaan, yacnii xaqiiqada dhabta ah, laakiinse ilaahay kama dhigin waxay noqotay inay nabad galyo iyo wanaag inoogu dhacday doorashadii waana wax Ilaahay loogu mahadiyo, umadda reer somaliland waxay muujiyeen bisayl siyaadeed iyo laxejeclo ay dalkooda ka qabaan iyo inay wax walba ka horumarinayaan ilaalinta nabadgalyada iyo adkaynta wadajirkooda.
Kanbaykii iyo Doorashaddii dalka ka dhacday waa wax ay maanta caalamka oo dhami ogyihiin, si dhaw ula socdaan, majeeranayaana.
Intaan Hargeysa joogay waxaan la kulmay ninkii watay qolooyinkii koob-joogayaasha caalamiga (Obervers) ahaa Mudane Michael Wallas waa nin wax ka dhiga jaamacad ku taala London, waa nin aan aad u aqaano wakhti badana inala soo shaqeeyay, waxay eegayeen kooxda uu madaxda u ahaa inay wax badan oo khaladi dhacaan, imika waad ogtihiin waxa uu soo saaray warbixin cajiiba oo uu aad ugu ammaanay sida habsamidda leh ee hawlihii codbixinta doorashadu u dhaceen.
Maanta Somaliland mucaarid, muxaafidba iyo xaataa dadka codkooda dhiibanayay ammaan weyn ayay kasbadeen sida dadkaasi u foodeen oo ay codkooda u dhibteen waa cajiib, waana tallaabo ku dayasho mudan.
Waxyaalaha aynu ku aragnay ee cajaa’ibka waxaa ka mid ah, qof weyn oo laga yaabe inaanu kici karayn oo kursi sita oo kolba la siqaya ilaa uu ka gaadhayo meeshii laga codaynayay dabadeed uu sidaa ku codeeyo, Adduunyada meelna laguma arag, taasina waa mid Ilaahay loogu mahadceliyo waana qisooyinka aynu leenahay.
Barigii SNM-ta, waxa ay Itoobiyaanku keeni jireen Askar badan marka ay SNM-tu shirayso baqdin dhexdooda ah waayo waxay moodi jireen hadalka aynu isleenahay in aynu is dilayno, marka danbe ayuun bay arkaan raggii wada qaylinayay oo haddana wada socda, Taasina waa wax Ilaahay ina siiyay innaguna mannaystay sidaa inaynu nahay oo u kala dambayno.
Runtii aad iyo aad baan u hambalyaynayaa dadka reer Somaliland sida ay u foodeen mucaarid iyo muxaafidba.
Ta labaad maanta madaxweynaha la doortay waxa laga yaabaa inaan aqoon dheeraada u leeyahay, waayo, isku da’ baanu nahay, wax badana waanu soo wada marnay, SNM baanu soo wada marnay, anagoo yaryar banu isnaqaney, Sidaa daraadeed waa nin aan aqoon durugsan isku lee nahay. Gadaal baanan kaga hadli doonaa taariikhdiisa qodobo cajiiba oo wakhtigii halganka ah oo uu gaar u lahaa qaarna ka wadashaqaynay.
Haddaba, maanta dalkeenu wuxuu haystaa nabadgalyo, waana waxa ugu wayn ee Ilaahay umad siiyo. Anigu horta maan qayli jirin Ilaahay baa igu og casarkii markay tahay baan suuqa yara mar mari jiray farxad daraadeed mar mar baan iska qosli jiray, siday dadku nabadgalyada u haystaan ee ay iskaga Adeeganayaan, Mobiladoodana u sitaan ee ay u faraxsan yihiin waa nimco Ilaahay, waa laga yaabaa xaga faqriga inay cidhiidhi nolosha ka dhigto oo dalkeenu waa sabool 70% ilaa 80% maantana waxay ku noolyihiin nolol aad u adag.
Aniga iyo saddex khubaro oo wax ka dhiga Cardiff University ee dalka Ingiriiska, waxaannu ka samaynay cilmi-baadhis, waxaananu ogaanay 70% ilaa 80% dadkeenu inuu maanta ku noolyahay waxa la yidhaa Informal Economy, waa islaanta yaree xabxabka iibinaysa, islaanta tammaandhada iibinaysa, caano-layda iyo qaar kale oo badan oo ah dadka quutal daruuri gooda dirqiga ku hela.
Afartan ama tobankan taajir ha u qaadanina inu dalkeenu hodan yahay ee dalkeenu waa sabool, markaa horta maanta waa inaynu taa wax ka qabanaa oo dawlada cusubi wax ka qabataa waa mid loo baahan yahay, waana muhiimada ugu weyn waayo dhibaatada waxa keenayaa waa fakhriga.
Waxaan idiin sheegayaa maanta inay jiraan dadbadan oo aqoonle iyo waayo-arignimo leh oo arrintaa wax ka qaban karaa. Anigu imika saddex biloodba waxaan la shaqaynayay markaan dalkii joogay Baanka Dhexe oo aanu u wadnay tobabaro iyo Qorshihii Baanka.
Somaliland haddii aanay yeelan Baan Dhexe oo adag waddan hore u mara noqonmaayo, Baanka Dhexe (Central Bank) ayuunbaa waddan dhaqaalihiisa wax ka qaban kara, imminka waxaannu soo dhammaynay shanta sanno ee soo socota (2008 -2022) qorshihii baankaasi ku shaqayn lahaa ee uu dalka ku horu marini lahaa, Alxamdulilaa, waanna la hor dhigay madaxweynaha cusub, markaa taasi waxay siinaysaa dariiq cad nimanka halkaa joogana ee baanka ka shaqeeya aad iyo aad baan u hambalyaynayaa.
Saylac, Ceerigaabo iyo Ilaa Laascaanood wixii maamulayaal ahaa meesha ay isagu yimaadeen, dhallinyaro oo aqoonyahanno iyo dad waaweyn oo khibrad leh way leeyihiin. Maanta qorshahoodii way hordhigeen madaxweynaha sida ay uga baxayaan ee dalkan Bangi Dhexe oo tayo leh u yeelani lahaa waddankuna haddii aanu yeelan Bangi Dhexe, waxaynu noqonaynaa uun Xawaalado ma noqonayno wax hore u soconaya. Baananka maanta jira xawaalado uun bay noqonayaan ee ma noqonayaan baannan taam ah oo awood leh, laakiin marka uu Baan Dhexe oo awood lihi samaysmo iyaguna waxay noqonayaan Bangiyo ganacsi (Commercial Banks) awood taam ah leh
Aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa madaxweynuhu inuu arrinkaa la hirgaliya oo uu qoladaas Baanka Dhexe la shaqeeyo waa niman aan aad ula soo shaqeeyay, una heelan in la dhiso Baan Dhexe oo awood leh. Anigu waa talooyinka aan siinayo Madaxweynha ee aan leeyahay qorshahaasi waa inuu sidiisa u socdaa Insha Allaah.
Qodobka kale ee aan ka hadli lahaa waxa weeyi dadkeenu maanta doorashadaa ay galeen way ku kala fogaadeen, waxaanna samaysmay laba xisbi oo xoog ah, laakiin waxyaalo badan sidii hore looga hadlay oo ay qabyaaladdu ku jirto oo dhibaatooyin kale ku dhex jiraan ayaa yaala, madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa waxaannu Ilaahay uga baryaynaa sida ay dadkaa u midayn lahaayeen, una walaalayn lahaayeen Ilaahay inuu waafajiyo.
Ta kale, waxa weeyaan musuqmaasuqa oo Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi ka hadlay. Musuqmaasuqu waa cudur, xaqiiqada dhabta ah marka aad eegto musuqa maanta halka uu innaga gaadhay waa waxa aan la qiyaasi karin, waana cudur cad oo meesha yaala. In lala dagaalamo musuqmaasuqa ha ahaato xaga ugu saraysa ama xaga ugu hoosaysa arrinkuna wuxuu ka bilaabmayaa ninka midida daabkeeda haya waa inaad tusaale ahaan dadka ku wadaa (Lead by Example) waan ku boorinaya Madaxweynuhu inuu si adag ula dagaalamo musuqmaasuqa xadhiga goostay.
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu waa inay dawlad tayo leh keenaan, waddankeena Ilaahay baa nimco ina siiyay, Tusaale haddii aan u soo qaato roobka sannadkii shan bilood buu da’aa, shantaa bilood haddii aan laga faa’iidaysan oo aan roobkaa la qabsan dee meel ma gaadhayno markaa anigu waxaan odhan lahaa ciddii uu madaxweynaha cusubi dooranayo waa inuu aqoon iyo khibrad ku dortaa waanay joogaan, waanay buuxaan dad aqoon iyo khibrad ba lihi.
Maanta haddii dad tayo le oo cilmi le haddii Somaliland loo dhiibi waayo dee waxa weeyi waynu isku meeraysani uun bari shanta danbe uun baynu haddana isku imani doonaa, laakiin maanta haddii ay noqoto in aqoontii lagu shaqeeyo waxaan filayaa Ilaahay nimcadaa uu ina siiyay inaynu ka midho-dhalin karno, inaynu dadkeena saboolka ah, islaanta xabxabka iibinaysa ama caanaha iibinaysa ee lixda carruura ee midi jaamacadda ugu jiro leh inla taageero ayaynu u baahanahay.
Anigoo soo gaabinaya waxa weeyi Madaxweyne Muuse Biixi noqotay sidaan idiin sheegay horta aniga iyo Muuse isku da’ baanu nahay isku wakhti baananu ahayn wuu nasiib badan yahay, sababta ayaan idiin sheegayaa, dagaalkii aynu galnay ee Buuraha 1984 waxa innagaga dhintay dad fara badan, Baabuur maynu hayn waxba maynu hayn. Markii laga soo baxay ee dagaalkaasi dhammaaday waxa weeyaan mooraalkeenu dhulka ayuu yaalay, Muuse wuxuu nagu soo maray Jabuuti sannadkii 1985 horaantisii ayaanu ka dirnay Jabuuti, waxa kale oo warqad noo soo qoray Allaah ha u naxaristee Aadan Shiine oo ahaa Wasiiru Difaaca uu ku leeyahay haddii aydaan baabuur soo dirin waanu ka baxaynaa annaguna, horta waxaa Ilaahay mahadiiya oo noo hirgashay inaanu Jabuuti ka dirno 17 baabuur o waaweyn, Muuse Biixi-na wuxuu ku biiray SNM.
Xasan Ciise Jaamac oo dhawan ka hadlay waxaannu yidhi wakhtigii SNM Muuse waxyaalo badan buu beddelay, xaqiiqada dhabta iyadoo mooraalku dhulka yaalo dagaalkii Buuraha 1984 kadib waxay noqotay Muuse inuu qayb weyn ka qaato isbeddel iyo dardar hore leh dagalkii SNM kula jirtay Faqashtii .
Maanta waxaan leeyahay in kastoo mooraalku wanaagsan yahay, haddana ama dhaqaale xumo ha ahaato ama kala qaybsanaan ha ahaato amba qabyaalad xadhigga goosatay ha ahaato wakhti yar adag baynu ku jirnaa waxaan leeyahay Muuse ha ka faa’iidaysto fursadan dahabiga ah sidii aad tii horeba ee 1985 uga faa’iidaysatay oo dadka sin oo caddaaladda sin oo labadii wiil ee kala xariifsanaa ee kii laga xariifsanaa gacanta la qabanayo, kii xariifka ahaana waxba waayayo baabi’i oo jooji taasiba waa musuqmaasuq ee si caddaalad ah ha loo maamulo.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face