Share this:

" />
Published On: Sun, Jan 7th, 2018

Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland, Xaggee Hayaanku Foolka Ku Hayaa?

Smiley face

Qaybta 8aad, Qarda-jeexda Marinka Aqoonsiga
iyo Mudnaanta Dalalka Loo Marayo.
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri


Aqoonsiga Somaaliland waxaa uu wax weyn ka tarayaa dalku inuu awood buuxda u yeesho sugidda nabadgelyada gudaha iyo xuduudaha, la dagaalanka argagaxisada iyo budhcad-badeedda iyo dardar gelinta hannaan dimuqraadi oo tilmaam u noqda, guud ahaan, Afrika. Halka, aqoonsi-la’aantu ay dalka ka gayeysiisay in uu duleedka ka joogo bahweynta caalamka iyo inuu ka qado hannaanka isdhaafsiga xogeed, waxtarka horumarineed iyo xoojinta nabadgelyo ee heer caalami.

Hase ahaatee, waxba kama noola riyadii israaca. Kuwa ku dhololaya midnimada, waxaa xujo ugu filan 70% bulshada Somaaliland in ay da’doodu ka hoosayso 30 jir kuwasoo ku dhashay, kuna soo hanaqaaday dhulka hooyo. Somaaliya waxaa ay u gacan-haadinayaan dad aanay dhaqan wadaagin oo aan habeen qudha ku soo dhaxin agtooda. Dadkaasi waxaa ay ku soo kacaameen dhegaysiga dhibaatooyinkii “oday ka sheekee” ee waalidintood ka soo maray, ka hor xornimadii 1991, Somaaliyana waxaa ay ugu suntan yahay aafada ay ka dheehdaan warbaahinta.

Xilligan, dalkeennu waxaa uu ku sugan yahay kala-guur iyo duruufo aad u qallafsan oo ka dhashay aqoonsi la’aanta. Waxaa jirta shaqo-la’aan (60-70%), saboolnimo (80%) iyo daryeel-xumo (dadka 35% aan sii wadan karin waxbarashada iyo 73% aan heli karin daryeel caafimaad). Hase ahaatee, waxaa gobbonimo ah, dadkeennu, weli, in ay ku taamayaan, kuna sii mintidayaan, wax kastoo awoodooda ah, in ay u huraan nabadgelyada, deris-wanaagga iyo dhismaha hannaanka dawladeed ee ku qottoma doorasho iyo nidaamka xisbiyada badan.
Hase ahaatee, khubaro daneeya nabadayntu ayaa ka sii degaya in aanu dalku ku sii jiri karin aqoonsi la’aanta. Haddii sidaa uu ku sii socdo dulmiga iyo wadar-ciqaabeedka lala beegsaday Somaaliland, shacabku waxaa uu isu rogi karaa miino Geeska Afrika ugu filanaata burbur iyo halaag laga sinnaado. Wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay tiro dhallinyaro ah waxaa ku soo arooray, “haddii uu caalamku ku adkaysto in Somaaliland ku sii waarto duudsiga iyo saboolnimada ay ka dhaxashay aqoonsi la’aanta, in ay galaafan doonaan shisheeyaha isu kaashaday waxyeeladooda”. Adduunku, gaar ahaan, dalalaka Geeska Afrika, indhaha kama sii qarsan karaan qadiyadda iyo ictiraafka uu dalkeennu mudan yahay taasoo shacabku u dul qaadanayay muddo 27 sannadood ah. Xaalku haddii uu sidiisii ku sii negaado, waxaa uu horseedi karaa waxyeelo ku timaada nidaamka agoonka ah ee aan soo yabyabnay. Allah innaguma keenee, burbur ku yimaada Somaaliland, durbaba, dabkiisu waxaa uu si degdeg ah u qabsan karaa deriska sida Jabuuti, Ethiopia, Somaaliya iyo Yemen. Isla markaa, waxaa uu soo dedejin karaa rogmadka G. Afrika iyo inuu ku sii fido Afrika iyo adduunka.

Haddaba, si looga badbaado dhibaatadaa, Ethiopia waxaa ay ka mid tahay jidadka soke ee loo qardo-jeexi karo ictiraafka. marka laga eego xidhiidhka wanaagsan ee innaga dhexeeya iyo baahida weyn ee labada dal isu qabaan. Sidaa awgeed, dhambaal Safaaradda Maraykan ee Addis Ababa ay u dawisay xafiiskooda arrimaha dibedda, ayaan halkan ku soo tebinaynaa kaasoo tibaaxaya sheeko dhexmartay Ra’iisal Wasaarahii hore ee Ethiopia iyo Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykan.

Taariikh, 31/01/2008, Addis Ababa, muddo 2 saacadood ah waxaa kulansanaa Ra’iisal Wasaarahii hore ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykan Marwo Jendayi Frazer. Waxaana ay si qotto dheer uga wada hadleen Qadiyadda Somaaliland. Labada masuul waxaa ay isla afgarteen aqoonsiga Somaaliland in, marka hore, laga soo ambaqaado Midowga Afrika.

Marwo Frazer waxaa ay hadalka ku daahfurtay, “arrinka Somaaliland waxaan ka la hadlay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Alpha Oumar Konare, waxaana uu ku xujeeyay shuruudo aan suurtagal ahayn, sida in ay Somaaliland la xajooto xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Muqdisho ama ta soo socota.” Intaa waxaa ay ku ladhay, “waxaa kaloo uu qabaa in la helo taageerada dawladaha Geeska Afrika”. Frazer waxaa ay sheegtay labadaa qoddob midna in aanu keeni karayn natiijada ay rabto.

Ra’iisal Wasaare Meles waxaa uu ku warceliyay, “duruufaha siyaasadeed ee Midowga Afrika weli uma ay bislaan in si dhab ah loo guda galo arrimaha Somaaliland.” Waxaana uu ku eedeeyay Madaxweyne Rayaale inuu ka dhabqiyay talo uu siiyay si arrinkooda loo soo hordhigo Midowga Afrika. “Waxaan ku la taliyay inuu Midowga Afrika u soo gudbiyo qoraal rasmi ah, kuna codsado in waqti loo muddeeyo Qadiyadda Somaliland. Hase ahaatee, waxaa uu soo diray qoraal aan ka duwanayn kiisii hore oo uu ku codsaday aqoonsi iyo in ay xubin ka noqdaan Afrika. Balse, waxaa ay ahayd inuu codsado in waqti loo muddeeyo Somaaliland.” Meles waxaa uu sheegay, “haddii Riyaale talada raaci lahaa in si degdeg ah loo gudo geli lahaa arrinkooda.” Waxaana uu ka digay, Guddoomiyah soo socda ee Midowga Afrika inuu noqon karo, sidii Konare, mid sii ragaadiya Qadiyadda Somaaliland.

 

Dhambaalka, waxaa ka muuqda Ethiopia iyo Marykanku in ay danaynayeen aqoonsiga Somaaliland, balse, ay ka gaabisay xukuumadii dalkeennu. Sidaa darteed, Ethiopia waxaa ay horseed ka noqon kartaa aqoonsiga haddii la helo xukuumad si dhab ah uga xaajoota waxii dalkeennu uu mudan yahay. Isla markaana, si adag uga garnaqsata rubuc qarniga uu shacabku ku samraayay duudsi. Waxaa la rabaa in laga xisaabtamo kaalinta adag ee dalkeennu kaga jiro la-dagaalanka argagaxisada, budhcad-badeedda, iyo doorka uu ku leeyahay nabadda iyo xisilloonida gobolka. Wax kasta ka hor, si shurrud la’aan ah ciidamada JSL waxaa ay difaac adag kaga jiraan nabadgelyada xuduudada Ethopia iyo Jabuuti. Hase ahaatee, hadda waxaa loo soo gaadhay xilligii laga xisaabtami si loo helo waxii ay innoo goyso.
Intaa waxaa dheer, dhaqaalaha oo ah furaha lagu furdaamiyo albaabada xidhan, waxaana isweydiin mudan waxa Ethiopia ay innagaga iibsanayso adeegsiga Dekedda Berbera oo ay ugu baaqan karaan USD boqolaal milyan oo kaga bixi lahaa dekedaha kale. Waxaana la yaab leh, dalkeennu inuu ku naaloodo USD 440 milyan oo shirkadda DP World, muddo 30 sannadood ah, ku maalgelinayso Dekedda Berbera, innaga oo aan weli qalinka u qaadan lacagta ku dhow oo sannad kasta (ogow ma aha 30 sannadood), sannad kasta, dalkeennu ku shubo khasnadaha Ethiopia.

Ethiopia, sannadkii 2013, waxa ay Somaaliya oo kaalinta kowaad kaga jirtay dalalka ay wax u dhoofiyso, waxaa ay u soo rartay badeecad u badnayd “QAAD” oo qiimaheedu uu gaadhayay USD319.8. Run ahaantii, Somaaliyada la soo sheegayo waxaa ay tahay Somaaliland, marka laga reebo 15% loo dhoofiyo Puntland. Haba yaraatee, ma uu jiro ganacsi ka dhexeeya Ethiopia iyo Somaaliya.
Sidoo kale, 2015/2016 Ethiopia waxaa ay Aasiya u dhoofisay 37% wax dhoofinteeda, Europe 34% iyo Africa 21% (taasoo 58% loo dhoofiyay Somaaliland marka laga reebo 15% Puntland). Qiimahu Guud ee badeecaddu waxaa uu dhammaa US$2.6 billion. Sidaa awgeed, sannadkii 2016 badeecaddii innaga soo gaadhay Ethiopia waxaa lagu qiimeeyay USD316.8 milyan. Haddaba, maxaa dalkeennu lacagtaa kaga bedeshay Ethiopia?

Dhinaca kale, Ethiopia waxaa u qorshaysan in ay Dekedda Berbera ka soo rogto 30% badeecadaha uga soo dega dibedda. Waxaana loo qoondeeyay in ay Dekedda ku yeelato saami dhan 19% ka dib markii, kal hore, xukuumadda Somaaliland ay la gashay shirkadda DP World ee Imaaraatka heshiis lagu casriyaynayo dekedda..

Sida weyn ee Ethiopia ay u danaynayso heshiiska waxa laga garan karaa, Ra’iisal Wasaarae Hailemariam Desalegne, inuu saddexdii murrashax madaxweyne ee Somaaliland ku martigeliyay Addis Ababa, doorashidii horteed, si uu u helo ballanqaad in aan midkoodna wax ka bedeli doonin heshiiskii ay saxiixday xukuumaddii Madaxweyne “Siilaanyo” ee xilka ka sii degaysay.

Hore, waxaa aan u sheegnay danta Ethiopia in ay ku jirto aqoonsi la’aanta Somaaliland, iyagoo haddaba dalkeenna ku la jira heshiisyo nabadeed, isdhaafsi xogeed, ganacsi, iyo isu socodka gaadiid (Huliaras 2002, 170). Sidoo kale, waxaa aan baqe ka muujinnay in Ethiopia ka feejigan tahay aqoonsigu inuu jidka u jeexo Gobolka 5aad ee Somaalida Ethiopia. Distuurkooda ayaa u jideynaya in ay goonni isu taagi karaan, markastoo ay sidaa dan moodaan. Sidaa awgeed, Ethiopia had iyo jeer waxaa ay ku afgobaadsataa aqoonsigu inuu yahay arrin u taalla dadka Somaalida (Bryden 2004, 177).

 

Dhinaca Jabuuti, waxaa xusid mudan Wasiirkii hore ee Gaashajan-dhigga, Mudane Ougoureh Kifle Axmed, inuu shaaciyay in ay suurowdo dalkiisu inuu aqoonsado Somaaliland. “Albaabku waxaa uu u furan yahay wax kastoo suurtagal ah iyo in ay wax iska bedelaan soohdimahii hore,” ayuu Wasiirku u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Wasiirku, xilligaa waxaa uu hoggaaminayay ergo dalka Jabuuti u soo diray munaasibaddii 18ka May, 2011. Hase ahaatee, ma ay jiraan wax ku soo kordhay weedhaas oo hadda laga joogo lix sannadood. Balse, mar kasta, waxaa ay u sii janjeedhay dhinaca Somaaliya. Dhowr jeer, Jabuuti, waxaa ay gogol nabadayn u fidisay Somaaliya. Waxaana lagu soo dhisay dawladdii Shiikh Shariif ee Somaaliya. Mar walbana, waxaa ka soo yeedhayay dhawaaqyo lagu taageerayo israaca Somaalida ((Johnson 2009, 49). Waxaa muuqata, Qadiyadda Somaaliland in ay Jabuuti ku xaraashto danahooda ganacsi. Waxaana ay qabaan dabka ka baxaya Suezka Masar iyo ka Mombasada kenya, inuu saddex ku ahaado, keliya, dabka Dekedda Jabuuti (Helander 2000).
Wax kastoo jira, xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa laga dhowrayaa, sidii uu ballan qaaday, inuu si adag ula garnaqsado (gar cadaawe) Somaaliya, Jabuuti iyo Ethiopia iyo inuu ku go’aan qaato kolba warcelinta kaga soo noqota, isagoo huba in aanay caano ka daadanayn dalkiisa. Waxaa habboon derisku inuu garowsado danahooda iyo istaraatajiyadda nabadeed ee dalalkooda taasoo ku jirta xurmaynta, aqoonsiga iyo u xaqsooridaa waxii Somaaliland ay daw u leedahay.

La soco Qaybta 9aad, Kenya: Dalka Kowaad ee Geeska Afrika ee Aqoonsan Doona Somaaliland, Xassan Cumar Hoorri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa – HID), Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac #horrimania (Twitter).

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face