Siciid Saalax Shire Maareeyaha Madbacadda Qaranks Somaliland

Siciid Saalax oo noqday maareeyihii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara madbacada qaranka. Garawshiyaha si dhab ah qof loogu garaabaa waxa uu sabab u noqdaa in la kala saaro hogaamiyaha iyo maamulaha. Waxa halbeeg u ah oona lagu kala saaraa hadba sida ay ula dhaqmaan shaqada iyo shaqaalaha.

Maamuluhu waa qof ka adag ilaalinta waxa loo dhiibo laakiin hoggaamiyuhu waa qof waxa loo dhiibo wax ku sii kordhiya oo horumar balaadhan ku tallaabsada. Siciid Saalax waa hoggaamiye ma aha maamule.

Siciid markii uu madbacada maamulkeeda la wareegay waxa uu la wareegay afar qaybood oo dadku ugu muhiimsan yahay iyo mid shanaad oo la raadinayo, waxana ay kala yihiin :: 1. Dhisme 2. Qalab 3. Shaqaale 4. Alaabo qaydhin 5. Dhaqaale

Tallaabadii koowaad ee uu qaaday waxay ahayd agaasin balaadhan. Afartii qaybood ee uu haystay ayuu isku duba riday si uu dhaqaale u sameeyo. Ilaahay mahadii tallaabadaas wuu ku guuleystay; waxana uu horumarin balaadhan ku sameeyey afartii qaybood ee uu la wareegay, sida dhismihii, qalabkii, shaqaalihii, iyo alaabadii qaydhineyd; waxana la odhan karaa hanaankii hore u jiray waxa uu ku kordhiyey macne weyn.

Waxyaabaha u saamaxay in uu ku tallaabsado horumarkan aadka u balaadhan waxa sabab u ah saddex arimood: waxa uu lahaa yool (Vision), waxa uu la yimid ikhtiraac (innovation), waxa uu aad ugu dedaalay gaadhitaanka riyada madbacada, dhawrida wakhtiga, daryeelka shaqada, shaqaalaha iyo qalabka madbacada.

Fiiro gaar ah: xiligii kala guurka labada madaxweyne ayaa waxa dhacday in dakhligii madbacada uga soo xaroon jiray hay’adaha dawlada uu ku yimaado hakad, taasina ay keento in shaqaaluhu ay sugaan saddex bilood mushaharkood; lagana sugo inta laga ansixinayo miisaaniyada dawlada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa se taa ka duwan in talefisahnka Eryal ay maareeyaha weydiiyeen sababta shaqaalaha meel uun looga sii dabari waayey, balse dhibaatada jirtaa waxa ay tahay, waxa maamulkii hore madbacada uu ka hoos saaray waxyaabo kala duwan oo shaqaalaha lagu dabari lahaa sida : Liisamadii, wado maristii, buugii mulkiyada baabuurta iyo manhajkii waxbarashada.
Hawl iyo Higsi Qaran
Allaa Mahad Leh

 

Mohamed Abdikariim Ahmed shiil