Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Arraar
Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham Qaybtii 1aad.

Qof kasta oo xilkas ah, waddani ah, Isla markaa fahansan qiimaha iyo ahmiyadda ummadeed ama qarannimo ee dejinta Manhaj laga dhalinayo muwaadin akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaan ba hodan ah oo dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa ba anfaca. Qofka intaasi u muuqato xil baa ka saaran oo way dhibaysaa qabyada Manhajka Waxbarasho ee waddanku.

Sidaa awgeed, ayaan aniga oo jecel qabyo-tirka Manhajka goor haatan gu’ iyo dheeraad laga joogo aan fekerkayga sigib-tirka Manhajka qoraal iyo af ba ugu gudbiyay saddexdan Mas’uul ee kala ah;

 

1. Cabdilaahi Ibraahim Habbane: Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

2. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye: Agaasimaha Xafiiska Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

3. Cabdiraxmaan Nuur Cigaal: Guddoomiyaha Shirkaddii Manhajka daabacday ee Hema. Mas’uuliyiintaa waxa aan la wadaagay gefefkii iiga muuqday Manhajka, aniga oo buugta ardayda qaarkood soo calaamadiyay.

Hawshaas oo aan si tabaruc ah u galay, dhowr goor oo dambe oo aan dabagalay na waxa aan dareemay in gefefka ii muuqday aanay sidaa ugu weynayn mas’uuliyiintaa. Intaa kaddib, waxa ila habboonaatay in dhawaaqayga aan sare u qaado, si hawsha dad badani ugu baraarugaan. Maadaama aan dhalliishii si toos ah ugu gudbiyay ciddii ay khusaysay, waxa aan u arkay in aan waajibkaygii gutay. Haatanna qoraalkaygan waxa aan uga golleeyahay in sixitaan ka dhasho.

ii. HORDHAC

ka hor inta aanan qoraalkaygan bilaabin waxa aan soo akhriyay sagaal buug oo Manaahijta ka hadlayay iyo lix maqaal, sida oo kale Manhajkii xilligii Kacaanka la qoray ayaan isha soo marayay waxa kale oo aan akhriyay Manhajkan cusub laba maaddo mooyaane. Waxa aanan kalsooni badan ku qabaa in aan wax ka odhan karo shaqadii Manhajka. Ugu horreyn se mas’uuliyiintii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta ee isku hawlay hir-gelinta midayntii manaahijtii Waxbarasho ee kala geddisanayd ee waddanka laga adeegsan jiray. Intii ogaalkayga ahayd hawl aad u adag oo waddanno, Hay’addo, ururro iyo shakhsiyaad qolo ba cid ku xidhnayd oo dantooda ay ka dhex arkayeen Manhaj gaar ah, in waxaas oo culays loo dhabar-adaygo ugu dambaynna la hir-geliyo Manhaj qoraalkiisa iyo daabacaaddiisa ba aan u madax-bannaan nahay oo shirkad Waddani ah oo Hema la yidhaa daabacday. Intaa haddii aan ku ekeeyo bogaadintii shaqadii wanaagsanayd ee Manhajka haatan aan uga gudbo meelaha ay iila muuqato in goldaloolooyin ay ku jiraan.

QODOBBADA DHALAY GEFEFKA

B. Xafiiska Manaahijta oo aan dhisnayn shaqadiisuna ku soo ururto hal mas’uul iyo hawshan oo ka weynayd mid qof keli ah ka dabbaalan karo.

T. Shaqadii qoraalka Manhajka oo la siiyay wakhti aan ku filayn.

X. Siyaasad cad oo qoraal ah oo hagaysay hawl wadeennada Manhajka ku foog naa oo aan jirin.

Kh. Shaqada oo si habqan ah loo qaybiyay oo qof ba wax loo diray iyada oo aanay jirin wax guud oo isku haya shaqadaa. Sidaa darteed ayaad buugta ardayda ugu arkaysaa cashar fasalka lixaad lagu soo qaatay oo fasalka sagaalaad soo noqonaya iyada oo aan wax ba laga beddelin.

D. Dadkii qoraalka Manhajka galay oo ay aad ugu yaraayeen xirfadleyaasha qoraalku taasina waxa ay horseedday gefef tiro beel ah oo xagga higgaadda ah.

R. Ugu dambaynna jiritaan la’aanta Tafatire guud ayaa iyana horseedday booshaaqa dhacay.

Gunaanadka waxa aan halkan idin kula wadaagi doonaa guud ahaan akhriskaygaa wixii iiga baxay aniga oo xoogga saari doona khaladdada aadka u culculis oo manhajka ku jira.
LA SOCO