Madax iyo Minjo Gurmad Qaran iyo Qorshe loo dhan yahay, ayaa lagu samato-bixin karaa bulshada ku tabaaloobay Duufaantii SAGAR…

Mid kamida Waayeelka Deegaamada ay ku habsatay Duufaanta SAGAR oo diif iyo daranyo la nool

1.Sharaxaad ku saabsan xogta laga hayo Baaxada Khasaaraha.
Todobaadkii la soo dhaafay maalmo ku taariikhaysan 19-kii iyo 20-kii Bisha 2018, Duufaan iyo roobab dabeylo wata ayaa ku dhuftay inta badan deegaamada Xeebaha Somaliland, Lawyo Cado ilaa Laas-qoray, kuwaasoo sababay dhimashada in ku dhow 50 Qof, dhaawac intaa ka badan oo dad ah, Caydh, baro-kac, bur-bur ku yimi Magaallooyin, Beero iyo dhamaan kaabeyaashii aasaasiga ahaa ee bulshada-na geystay.
Deegaamada ay duufaantu ku dhufatay qaar, waxay gadhsiisay khasaare kooban, marka la bar-bar dhigo kuwo ay dad ku laysay, xoollihii ku le’deen, midhihii Beeraha daadka iyo dabeyshu qaadeen, dumeen guryihii hoyga ahaa, dhismeyaashii Ganacsiga, Ceelashii biyaha laga cabi jiray, xarumihii Caafimaadka iyo dugsiyadii Waxbarashada, kaddibna dadkii iyagoo faro-madhan naftooda ay badbaado kula eersadeen, halka qaarkoodna waa deegaamada Duufaantu ku dhufataye dhibaato culusi soo gaadhay, hase ahaatee aanay u baabi’in sida Lughaya iyo deegaamada hoos-yimaada xaalkoodu noqday.
Wali xog dhamaystiran iyo xaqiiqo cad lagama hayo sidii wax u dhaceen, miisaanka dhibaatada iyo meel walba khasaaraha u gaarka ah, waxaaase hubaal ah in bilow wanaagsan lagu waajahay samato-bixinta dadkii ku go’doomay deegaannada qaarkood.
Dheg ka maqal iyo dhaba-gal aan dhaafsiisnayn Hargeysa iyo dhambaal-wareedyadii ay soo gudbiyeen Masuuliyiinta Dawladda ee booqday deegaamadaasi, waxa ay tibaaxayaan in ugu yaraan nus-milyan Qof (650,000 ilaa 700,000 qof) ay mashaqadani saameysay, kuwaasoo ay ugu daran yihiin kuwo waayey dad iyo duunyaba oo qof iyo laba ka badbaadeen, iyada oo ilaa kun Beerroodna (1000) ay meesha ka baxeen, saracii ku yaallayna daadku qaaday, isla markaana in xoolo gaadhaya toban kun oo Neef ay dhinteen (10,000).
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay mahlakada duufaanta, ayaa sheegay “waxa ku dhintay 49 qof oo ay 5 Carruur tahay. Todoba qof ayaa la la’yahay inay badda ku dhaceen iyo in beriga Maydkoodii yaallo”ayuu yidhi isagoo intaa ku daray inay jiraan deegaamo wali go’doonsan oo aan gaadiid iyo lug toona lagu tegi Karaynin ilaa iminka.
Alle ha naxariisto intii ku dhimatay Nimcadaa nusqaanta yeellatay. inta ku dhaawacantay alle ha shaafiyo.kuwa ku caydhoobayna alle bedel khayr qaba ha siiyo, wixii ay waayeenna dad iyo duunyo Samir haka siiyo.
2.Gurmadka la sameeyey
Dawladda Somalilandiyo Jamhuuriyada Djibouti, ayaa maalin kaddib markii dhibaatadu dhacday wefti xaqiiqo raadin ah u diray deegaamada Aafadu ku habsatay, waxaana hogaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kuwaasoo Diyaarad ku tegay Lughaya jiidaha ku xeerran.
Maalintii xigtay waxa Mucaawimo raashin ah iyo diyaarado gurmadka lagu sameeyo u soo diray Somaliland Dawladda Imaaraadka oo noqotay dalkii labaad ee si toosa oo hagar la’aan ah gacan mugle uga gaystay jalka iyo dhiig-joojinta dhaawaca Qaranka ka soo gaadhay Duufaantaasi.
Inkasta oo warka ku saabsan tirada dadka lagu samata-bixiyey gurmadkii diyaaraduhu wali dhinaca Dawladda baaqi ku yahay, haddana waxa xaqiiqo ah in lixdii maalmood la soo dhaafay howsha gurmadku labada gelinba socotay, Warbaahintuna si kor ka xaadis ah oo aan dhaafsiisnayn taakuleyntii dadka halkaa warbixino uga soo tebinaysay.
Ma jirto ilaa hada Dawlad kale oo gurmad iyo gacan toona ka geysatay waxyeellada dhibaatadan dabeeciga ah eek a dhacday Somaliland, wallow ay Hay’addaha qaramada midoobay iyo Ururrada aan dawliga ahayn ee dalka ka shaqeeyaa ka dhex muuqdaan howl-galad socda.
Haddaba, Masiibo kasta, Mashaqo ku haleelsha iyo mushkilad walba alle ayaa qadaray. Qadarka allena malleha muran iyo maxay iigu dhacdaye? waxa kula gudboon maareynta wixii kaa soo gaadhay oo uu allle SWT kuu dhib-yaraynayo markaad ku samirto, kuuna idmayo talaabo kasta iyo toobiye kasta oo aad kula tacaalayso xal u helida dhibaatadaas.
3.Maxaa la gudboon Qaranka Somaliland oo dhamaystiran si Kaalmo iyo ka soo kabasho loo gaadhsiiyo Kumanaanka Qoys ee ay dhibaatadu soo gaadhay?
A. Waa in Madaxweyne Muuse magacaabaa Guddi ka kooban laamaha Dawladda oo xaqiiqo raadin ku samaysa baaxada Khasaaraha ka dhashay duufaanta, guddidaasoo marka ay xog dhamaystiran soo uruuriso, soona qiimeyso sida ay u kala muhiimsan yihiin baahiyaha aasaasiga ah, agaasinta sida Taakuleyn loogu fidinayo Dadka ku tabaaloobay waxyeellada Duufaantaas.
B. Waa inay Guddidaasi marka u horaysa diyaariyaan wixii ay Dawladdu Qasnaddaheeda caawimo ka bixin karto oo cad, kaddibna kulamo deg deg ah la qaataan qaybaha Bulshada, sida Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo Hormuudka kale ee Shacbiga, una sharaxaan mugga iyo miisaanka Khasaaraha dhacay iyo Kaalmada loo baahan yahay.
C. Waa inay guddidu sameysaa Sanduuq deg deg ah oo lagu urruurinayo Qaadhaanka gurmadka Mashaqadaas, kaasoo wixii kharash iyo hanti Mucaawimo ah soo gaadha Qorshe lagu bixinayo, iyadoo laga duulayo xogtii la diyaariyey iyo sidii loo qaabeeyey ka jawaabista baahiyaha taagan.
D. Waa inaanay Mucaawimadu noqon dookh ama doorasho iyo adduun meel fog laga doonayo oo Jal iyo jidiin maalmeed ku koobane ee xoogga la saaraa sidii Hu, Hoy iyo Hanti dib u xooleyn ah loogu heli lahaa, loona gaadhsiin lahaa Dadka caydhoobay ee Xoolihii ka dhinteen, si aanay ugu baro-kicin Magaalooyinka, ugana soo kabtaan Mushkilada kediska ah ee ku habsatay.
E. Waa inay Culimada, Ururrada Bulshada rayidka ah, Madaxdhaqameedka iyo Ganacsatadu si madaxbanaan isugu abaabulaan Taakuleynta Dadkaasi, Dawladduna dusha kala socoto, diwaan-gelisaana wixii gurmada ee ay bixiso cid aan dawladda ahayni.
F. Waa in Bulshada Xoolla dhaqatada ah ee Gobollada dalka oo dhan Xoollo nool laga soo uruuriyaa, si loo siiyo Qoysaskii Xoolluhu ka dhinteen, Dadka Magaallooyinka iyo kuwa Beer-falatada ahina Xaafad-xaafad iyo Degmo degmo isaga Uruuriyaan Raashin, Hoy, Hu iyo Siidh-beereed qolo walba waxa ay haynteedu tahay oo lagu shubaa Sanduuqa Gurmadka, iyadoo arrintaas abaabulkeeda iyo howl-socodsiinteeda ay hogaaminayaan Maamuleyaasha Dawladda ee Degmooyinka oo kaashanaya Culimada iyo Waxgaradka Bulshooyinkooda.
G. Waa in Qof waliba dareemaa ama la dareensiiyaa, mid dalka joogga iyo mid Qurbe joogg ahba, in kuwa ay dhibaatadu haysataa ay yihiin, Ubadkiisa, Walaalihii, Hooyadii, Abbihii, Awoowyaashii, abtiyaashii, eeddooyinkii iyo Ehelkii, Shay kasta oo uu bixin karo-na loo baahan yahay, isna ay u tahay Sadaqo If iyo Aakhiraba anfacaysa.
H. Waa in Qoys kasta oo Maal-qabeen ah iyo mid Sabool ahba laga wada qayb-qaataa Caawinta Dadka dhibaatadu la soo deristay, iyadoo uu qof kasta iyo qoys waliba Karaankiisa bixinayo, halbeegna laga dhigtaa in hugeena iyo maacuunta Guryaheena taalla aynu wax ka siino walaaleheen, ruux kastaana fahmaa haddii uu laba dheri haysto inuu mid caawimo u bixiyo, isagoon meel kaleba wax ka doonin, oo qof waliba Dharka uu xidho ee uu iminka haysto badh la baxo, qofkii karayaana Hanti mood iyo Nool nooca uu haysto bixiyaa, iyadoo ujeedka iyo micnuhu uu yahay in la caawinayo hoy beelay, hanti beellay oo aan haysan Kab, Karin, waxay karsadaan iyo nool ay dhaqdaan midna.
4.FG: waa inaan la siyaasadeyn, lana qabyaaladayn gurmadka lagu badbaadinayo umadda tabaalowday oo ay qaybaha Siyaasadda iyo sama-faleyaashu dhinac qudha u wada jeestaan.
Allaa mahad leh
W/Q: Suxufi Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Email: curad1986@hotmail.com / editor@gobanimonews.com