“Tab looga hortegayo Inxiraafka Diinta iyo Faafinta fikirka qaldan”

Halkan waxa aynu kaga warami doonaa insha allah laba qodob oo muhim ah oo kala ah: waajibaadka wasaarada looga baahan yahay oo u qaybsama : mid dastuuri ah iyo mid idaari ah, iyo qodobka labaad oo ah Talo-bixin.

(I) Waajibaadka Wasaaradda diinta iyo awqaafta:

(i) Waajibaad Dastuuri ah:

Sida ku xusan: QODOBKA 5AAD, faqradiisa (1aad iyo 2aad) ee Dastuurka JSL wasaarada waxa laga rabaa:
1) Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.
2) Dawladdu waxay oogaysaa shacaa’irta dimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.

(ii) Waajibaad Idaari ah:

Sida ku xusan: XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA WASAARADAHA IYO HAY’ADAHA XUKUUMADDA Xeer-nidaamiye Lr.01/2018
Qodobada, (1aad, 2aad, 3aad, 7aad, 13aad iyo 16aad) wasaaradda waxa laga rabaa:
1) Inay kala taliso xukuumadda arrimaha ku saabsan diinta iyo shareecadda islaamka. (1)
2) Inay xaqiijiso inaan diin kale lagu faafin dalka JSL. (2)
3) Inay ka hortagto hab dhaqanada ka baxsan Diinta iyo dhaqanka suubban ee umadda JSL. (3)
7) Inay wanaaga iyo samaha dadka farto xumaha iyo fisqigana ka reebto. (7)
13) Inay ka hortagto in dalka la soo geliyo ama laga abuuro fisqi iyo wixii wax u dhimaya dhaqanka islaamka. (13)
16) Inay Ka hortagto in kooxaha fidiya waxa lagu tilmaamo diimaha ee ka baxsan diinta islaamku dalka soo galaan ama wax soo geliyaan. (16)

(I) Talo-Bixin
Maadaama Diinta Qaranka Somaliland ay tahay Diinta lslaamka; ayna geyiga Somaliland ka reebbantahay faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamku,
Maadaama Dawladdu ay oogayso shacaa’irta diimiga ah (umuurta Diinta); ayna fulinayso axkaamta Shareecadda. Sidoo kalena ay ka hortegayso fisqiga iyo anshax- xumada,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay kala taliso xukuumadda arrimaha ku saabsan diinta iyo shareecadda islaamka,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay xaqiijiso inaan diin kale lagu faafin dalka JSL,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay ka hortagto hab dhaqanada ka baxsan Diinta iyo dhaqanka suubban ee umadda JSL,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay wanaaga iyo samaha dadka farto xumaha iyo fisqigana ka reebto,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay wanaaga iyo samaha dadka farto xumaha iyo fisqigana ka reebto,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay ka hortagto in dalka la soo geliyo ama laga abuuro fisqi iyo wixii wax u dhimaya dhaqanka islaamka,
Maadaama ay tahay wasaaraddu Inay Ka hortagto in kooxaha fidiya waxa lagu tilmaamo diimaha ee ka baxsan diinta islaamku dalka soo galaan ama wax soo geliyaan,
Ka xukuumad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba, waxa aan halkan uga soo jeedinayaa talo ku saabsan sidii wada jir la isaga kaashan lahaa ka hortegida shiicaynta shucaa’irta diinta islaamka, Inxiraafka iyo khalkhal gelinta diinta islaamka dibed iyo gudeba:
1) In ay toosiso oo ay hagto dadyowga bulshada kamidka ah ee umada u soo gudbiya arimaha ku saabsan diinta islaamka, sida cilmi baadhayaasha, qorayaasha, macalimiinta, ardayda, culimada da’da yar iyo dadka aan aqoon dheer u lahayn diinta,
2) In ay liisto ka soo saarto magacyada culimada diinta ee shiicada, si looga taxadaro,
3) In ay liisto ka soo saarto kutubta diiniga ah ee ay qoreen culimada shiicadu, si looga taxadaro,
4) In ay liisto ka soo saarto wargeysyada, magaazaanada, website-yada, channel-ada Youtube-yada soo gudbiya culuumta diiniga ah ee culimada iyo aqoon yahanada shiicadu ay ka faafiyaan dacwada, si looga taxadaro,
5) In ay liisto ka soo saarto Jaamacadaha diiniga ah ee shiicadu ay leedahay, si looga taxadaro,
6) In ay hubiso oo baadho oo dhinac walba ka eegto kutubta diiniga ah ee qalinleyda guduhu ay soo saaraan ka hor inta aan la daabicin ee aan bulshada loo gudbin iyo in ay ka hortagaan kuwa dibeda lagu soo saaro ee gudaha dalka soo gaadhay si khataraha ku hoos jira ay uga digaan; ugana badbaadiyaan mujtamaceena muslinka ah.
Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)
E-Mail: moxamedshiil@gmail.com