Share this:

" />
Published On: Mon, Jan 18th, 2016

Qiimaha Sarifka Dollarka Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacay Suuqyada Hargeysa Iyo Doodaha Ka Dhashay

Smiley face

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Muuqaalka suuqa sarifka dollarka ee Hargeysa

Muuqaalka suuqa sarifka dollarka ee Hargeysa

Hargeysa(ANN)Qiimaha Sarifka Dollarka, ayaa si weyn hoos ugu dhacay maalmihii u danbeeyay.kadib markii Todobaadkii hore Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay in qiimaha sarifka dollarka ay Xukuumad ahaan hoos u dhigayaan.

Dhawaaqa Xukuumadda, ayaa saamayn ku yeeshay Suuqyada sarifka lacagta qalaad ee magaalooyinka Somaliland, iyadoo qiimaha halkii dollar uu gaadhay 7,300- 7.500 Slsh, balse qiimaha sarifka oo aan ahayn maalmihii u madanbeeyay mid fadhiya, isla marlaana meelaha qaar uu jiro qiime si hoose uga socda suuqyada sarifka lacagta qalaad, gaar ahaan dollarka.

Weriye ka tirsan Shebekadda Araweelo News Network oo booqday suuqa ugu weyn sarifka lacagta qalaad, gaar ahaan dillarka ee magaalada Hargeysa, ayaa la kulmay qaar ka mid ah sariflayaasha oo jawaabo kala duwan ka bixiyay arrinta hoos u dhaca sarifka iyo dhawaaqa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

“Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waan uga mahad celinaynaa tallaabada uu qaaday ee sarifka dollarka, dadkuna waa ku taageersanyahay, waana arrin loo baahnaa, Dhawaaqa Madaxweynaha ayaa qiimaha dollarka gaadhsiiyay halkaa uu hoos ugu dhacay, iyadoo aan wax ficil ah la samayn. laakiin waxan usoo jeedinayaa wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga Dhexe inaan arrinta halkaa lagaga hadhin oo laba daba taagnaado.” sidaa waxa tidhi Marwo Farax Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah dadka Suuqyada sarifka lacagta qalaad ee Somaliland, isla markaana sarifka lacgata u leh in ku dhow labaatan sannadood oo khibrad ah.

Marwo Farax Xasan Sheekh, waxay sheegtay in loo baahanyahay inay dadku aaminaan lacagtooda, halka ay dollarka ka aamineen si Lacagta shilinka Somaliland qiime u yeesho, waxayna xustay in aaminada lacagta dalku ay tahay mid qiime weyn u leh jiritanka qaranimada Somaliland, waan leeyahay dadweynaha sida aad qadiyada Somaliland iyo qaranimadiina u jeceshihin u jeclaada lacagta Somaliland, markaa ayay lacagtu qiime yeelanay ayay tidhi Marwo Farax oo ka mid ah Sariflayasha ugu waaweyn suuqa Sarifka ee Caasimadda Hargeysa.

Hase yeeshe mid ka mid ah Sariflayasha Suuqa Sarifka lacagaha qalaad ee Hargeysa oo magaciisa ku sheegay Ilyaas, ayaa yidhi, “Waxan qabaa in aanay qiimaha sarifka Dollarka oo la jebiyaa aanay waxba kordhinayn haddii aanay maceeshadu la soconayn qiimaha sarifka ee dhacay, waana mid Nollosha Bulshada danyarta ah saamayn xun ku yeelanaysa, markaa maaha inay xukuumaddu ku mashquusho sarifka oo keliya ee waa inay maceeshadda qiimaheeda la socotaa.” ayuu yidhi ILyaas.

Qaar ka mid ah dadka ka ganacsada sarifka, ayaa iyagu tallabada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee qiimaha sarifka dollarka ku tilmaamamay mid aan ku dhisnayn caqli sax ah, isla markaana ku tilmaamay tallabada xukuumadda mid aan waaqica ku dhisnayn, waxayna usoo jeediyeen xukuumadda inay iyadu joojiso qaabka ay u maamusho dhaalaha dalka, gaar ahaan mashaariicda iyo qandaaryadda ay bixiso iyo sidoo kale lacagta ay soo daabacato ee suuqa lasoo geliyo, taas oo ay sheegeen inay qayb weyn iyo door ka ciyaarto qiimaha dollarka ee kaca .

Balse kuwo kale oo ka mid ah dadka ka ganacsada suuqyada sarifka oo ka gaabsaday in magacooda la sheego, ayaa arrimaha sarifka lacagta ee qiimaha dollarka sabaysiiya ku tilmaamay kuwo ay sabab u yihiin Kooxo iyo shaqsiyaad ay ka gaabsadeen inay magacooda xusaan oo ka tirsan Masuuliyiinta sare Maaliyadda, Bangiga Dhexe, Shaqsiyaad sariflayaal ah iyo shirkaddo ganacsi, kuwaas oo ay sabab uga dhigeen inay maamulaan suuq madaw oo ka dhigay sarifka dolarka mid gaadha meel aanu weligii gaadhin. kadib markii qiimaha halka dollar gaadhay 8, 000 slsh, taas oo ahayd markii ugu horaysay taariikhda sarifka dollarku gaadho halkaa, balse uu dhawaaqii Madaxweyne Siilaanyo ee maalmihii lasoo dhaafay hoos ugu dhacay 7, 300-7,500.slsh.

Dhinaca kale, dad aqoon u leh sarifka lacagaha iyo dhaqaale yahano ka mid ah qaybaha Bulshada Somaliland, ayaa dhaliilay qaabka Xukuumaddu u waajahday qiimaha sarifka dollarka, waxayna ku tilmaameen nasiib-daro in Madaxweyne Siilaanyo oo bartay Cilmiga Dhaqaallaha uu ku dhawaaqo inay sarifka u goynayaan qiime go’an, taas oo ay ku tilmaameen mid abuuri karta suuq madaw oo xaalada uga sii dara, isla markaana ka hor imanay suuqa ganacsiga xorta ah iyo nidaamka shuruucda iyo qaanuunka Somaliland qaadatay ee ganacsiga xorta ah.

si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in qiimaha dollarka ee hoos u dhacay aanu wax saamayn ah ku yeelan maceeshada iyo shidaalka, iyadoo Somaliland ka mid tahay meelaha ugu qalisan dunida, isla markaana ganacsatada Somaliland caan ku yihiin in aanay qiimaha ay kordhiyaan marnaba hoos u dhigin si kasta oo sarifku hoos ugu dhaco, taas oo saamayn weyn ku yeelata nolosha Bulshadda danyarta ah, isla marakana ka dhigta suuqa ganacsiga mid fowdo ah oo aan lahayn xuduud iyo xadhko midna, balse qof walba ganacsigiisa ku xisabtamo oo kleiya inuu mar keliya helo macaash fara baddan, balse waxa la filayaa tallaabada xukuumadda ee ku xigta hoos u dhiga qiimaha sarifka iyo inay saamayn ku yeelato maceeshada iyo daruuriyaadka Bulshada.

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face