Share this:

" />
Published On: Sun, Feb 15th, 2015

Qormo Muhiim ah: Waadigii Xawaaladda oo sii Gudhaya. By, Rashiid Sulub Caalin

Smiley face

rashiid sulub
Anigoo ah Rashiid Sulub Caalin kana mid ahaa saraakiishii sar-sare ee Bangigii Ganacsiga iyo Kaydka wixii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, isla markaana waayo-aragnimo 30 sanno ku dhow oo la xidhiidha baannanka aan leeyahay, ayaa waxay ila noqotay inaan ka hadlo joojinta xawaalahada laga joojiyey shaqada dhowaan, maadaama ay ina wada saamaynayso guud ahaan Soomaalida.
Haddii aan yara taabano marxaladihii iyo sida ay u soo bilaabmeen xawaaladaha lacagtu, iyadoo sannadihii 1970 ilaa 1980-kii ahaa 10 sanno oo ay dhaceen waxyaabo fawqal-caliya oo dhinacyada nolosha khuseeya, kuwaasoo uu ugu xumaa markii Kali-taliyihii Siyaad Barre dhegta dhiigga u daray waddaadadii iyo saraakiil sar-sare oo ciidanka ka tirsanaa. Sannadkii 1974-kii iyadana waxa dhacday abaartii ugu xumayd ee soo marta Soomaalida, looguna magac daray Daba-dheer. Waxa kale oo dhacay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya oo ujeedooyin iyo qorshe khalad ah lagu galay. Sidoo kale waxa magaalooyinka ku soo faafay dad badan oo ahaa reer guuraa iyo beeralay. Waxa isaguna wakhtigaas soo bilaabmayey bacaadkii beeraha oo dhulkii webiyada khatar weyn ku hayey, halka ay sidoo kale soo baxeen is-xag-xagashadii iyo dhibaatooyin badan oo ay maamul-xumo keentay oo ay hagayso siyaasad qaldan, laguna dagaalamayey kursiga.
Waxyaabaha wanaagsanaa ee dhacay 10-kaas sanno waxa ka mid ahaa; barnaamijkii lagu barayey dadweynaha Afsoomaaliga miyi iyo magaalaba, taasoo adduunweynuhu la yaabay sida uu u hirgalay. Waxa kale oo si fiican loo maareeyey, looguna maamulay fikrad saliima abaartii dhacday ee Daba-dheer, iyadoo dadkii faro-madhnaa ee masiibadu ku dhacday , biiraha iyo xoolihiina ka baxeen loo daad-gureeyey dhulkii ay webiyadu mushaaxayeen, loogana sameeyey beero ay fashaan (sida uu aabbahay ii sheegay waxa uu ka mid ahaa dadkii kula taliyey Siyaad Barre in fikirkaas la sameeyo, iyada iyo arrimo kale oo fiicnaa oo uu kula taliyey oo ay ka mid ahaayeen cida looga dhigayo badhasaab Hargeysa, isagoo kula taliyey in looga dhigo Bile Rafle.) Waxa kaloo si fiican loo gaadhsiiyey tacliintii gobolkasta iyo degmo kastaba. Intii iskuuladaas la dhisayeyna waxa tababar macallinimo oo degdega loo fidiyey muddo 2 sanno ah ilaa 2 kun oo macallin, iyadoo tacliin heer sare ah la siiyey, markii loo dhammeeyeyna ay ka shaqo galeen dugsiyadii waxbarashada.
Kuma soo koobi karno halkan waxyaalihii wanaagsanaa ama khaldanaa ee wakhtiyadaas dhacay, laakiin waxa la odhan karaa wakhtigaai Soomaali way is baratay, waana wakhtigii ay bilaabantay mowjaddan xawilaaddu aakhirka sannadkii 1970-kii. Sidoo kale waxa qorshe xumi ku timi markii beeralaydii iyo dadkii xoolo-dhaqata ahaa ay isa soo tumeen magaalooyinkii oo aan loo diyaar garayn sida waxyaalihii nolosha aasaasiga ah ku xidhnayd, loona qorshayn.
Intaa ka dib Ilaahay wuxuu il u furay dadkaas magaalooyinka soo galay, isla markaana fursad qaaliya ahayd, wakhtigaasna waddamadii Carabtu lacagtii saliidda ay ka helayeen ayey ka faa’iidaysteen oo waddamadoodii ay ku dhiseen, taasina waxa loo baahday farsamayaano iyo shaqaale ka xoogsada shaqooyinkaas, halkaas ayeyna ka bilaabantay inay dad badan u shaqo tagaan waddamada Carabta, iyadoo dowaladdii Soomaalida ee markaas jirtayna door biday inay oodda ka qaado dadkaas si ay uga badbaado rabshado. Wakhtigaas aynu ka warramayno horraantiisii waxa jiray niman badda ka shaqaysan jiray iyo maraakiibta u kala gooshta adduunweynaha (sea men) iyo kuwo reer Cadmeed ahaa oo dadkooda wax u soo diri jiray, oo qofkii lacag u diraya waddanka jeebka uu qof kale ku soo qaadi jira, waxaana markii dambe lagu faafay dibadda, dadkaas qurbaha tegayna waxay lacagta u soo marin jireen xawaalado kala duwan oo wakhtigaas abuurmay, soona maray heerar kala duwan.
Xawaaladuhu waxay sahleen isku gudbintii lacagta, iyadoo dagaaladii dambe ee Siyaad Barre ku tuntay dadweynaha Soomaalida qaarkood, gaar ahaan dadka Somaliland ayaa waxa faa’iido noqotay in dadkii dhibanaa ee u qaxayItoobiya ama Kenya ay dadkii dibadda joogay u soo diraan lacag ay ku noolaadaan, soona mariyaan xawaaladaha. Waxa kaloo ay faa’iido sii yeelatay markii nidaamkii iyo kala dambayntii caadiga ahayd ay meesha ka sii baxday, xilligaasoo lagu reeyey xawaaladaha, halkaas oo nolol laga yagleelay, iyadoo qofka dhintay ee saacad sii mootanaa ehelkiisu uu kasoo gaadhsiinayey wax lagu aaso. Xawaaladahaas oo faa’iido weyn u keenay dadkii maatida ahaa ee dagaalada ka soo noqday, iyadoo dhallinyaro badana waxbarasho laga bixiyey, dadkii xannuusanayna caafimaad loogu raadiyey, qaar kalena ay guryihii dunsanaa ka hagaajiyeen, arrintaasoo lagu mahadiyey.
Dhinaca kale, waxyaalaha saameeyey dadweynaha Soomaalida ee yareeyey wax-soo-saarkooda waxa ka mid ahaa, iyadoo dadweynihii ay is dhigteen xagga talada iyo wax-qabsiga, la iskuna iloobay lacagtaas la soo diro. Waxa kale oo ay khasaare keentay inay xawaaladihii oo batay ay lasoo baxeen kaadhkeenii xumaa ee qabyaaladda ahaa, iyadoo gaadhay reer-reer ama qoys-qoys wax la isugu diro. Dhibta kale ee ay keeneen xawaaladuhu waxa la odhan karaa dad badan oo dibadaha ka shaqaysan jiray la xaalufiyey oo ay kayd la’aani ku dhacday. Waxa kale oo ay dhib keeneen markii dowladaha reer galbeedka loo qaxay, ee iyagoo afka ku lugaynaya ay Soomaalidu galeen, wadammadaasina siiyeen tacliin, caafimaad, hoy iyo lacago caydh ah oo weliba la siiyey shaqooyin ay ka heleen dhaqaale, iyadoo Soomaalida lagu soo dhaweeyey dalalka caalamka, loogana garaabay dhibka haysta.
Dadka qurba-jooga ah looma samaynin waxyaalo tansiilaada oo dowladaha kale ay u sameeyaan dadkooda lacagta waddanka soo galiya. Waxa markaa is waydiin leh xaaladda maanta taagan in lagaga gudbo wixii inala gudboon, taasoo ah taladii abwaankii weynaa Cabdillaahi Suldaan Tima-cadde Alla ha u naxariistee sheegay dhowr iyo soddon sanno horteed ee uu yidhi; ‘qof walowba hoos u dhugo wixii kula gudboon.’
Haddaba, waxyaabaha dhibaatooyinkaas lagaga gudbi karo waxa ka mid ah; in boqolaalkan xawaaladood ay isku tagaan, dibna isugu habeeyaan, iskuna biiraan, kuna horumariyaan ururada ay leeyihiin, isla markaana ay tahay inay fahmaan sida loola hadlo dalalka caalamka ee ay ka hawlgalaan si wax loogu qabto ama loo qancin lahaa, iyadoo la raaco sharciyadda iyo nidaamka u yaal waddamadaas ajnabiga ah ee laga soo xawilayo lacagta.
Sidoo kale, cid walba dowladeedu ay xoog saarto sidii ay waddamadaas ugala hadli lahayd xalka arrintan, iyadoo ay tahay in laga waantoobo ama la beddelo dowladahaas galbeedku waxay ka dideen.
Waxaan rumaysanahay marka la eego dhacdooyinkii 60-kii sannadood ee u dambeeyey, in sida ay culimadu sheegeen calaamadihii qiyaamuhu ku woodii yar-yaraa la wada arkay, saacaddiina iska soo dhowaatay markaad daristo siday arrimuhu adduunkan u socdaan. Waxaanay ila tahay dadyowga jooga dalalka caalamka ee qurba-jooga ah in wanaagii ay waddamadaas ka helayeen iska soo dhammaaday, waxaana la yidhaahdaa ‘wax kastaba waxay ku noqdaan aalkiisii hore’ ama wax kastoo socda ama dheeraada way istaagaan oo dhexday ka jabaan.’
Waxa kaloo jirta arrin ama xaalad inagu xeeran oo aynan dhinacna uga bixi karin, taasoo ah inuu nin waliba halkiisii ku noqdo kii beero falan jirayna uu beerihii ku noqdo. Kii xoolo dhaqan jirayna uu xoolihiisii dhaqdo, Ilaahayna la baryo roobkan yaraaday, oo la rajeeyo raxmadiisa.
Waxa kaloo aan rumaysanahay in lacagaha la soo diro dhibaato ku noqdeen dhallinyarta, gaar ahaa kuwa dibadaha lacago looga soo diro, taasoo sababtay inay shaqaysan waayaan, lacagtaas bilaashka ku soo gashana u isticmaalaan mukhaadaraad qaadku ka mid yahay, iyadoo ay haboon tahay in qofka da’yarta ah la baro sidii u shaqaysan lahaa, dhaqaalena ula soo bixi lahaa.
Waxaana hubaal ah in nolosheennu dhakhso isku beddeli doonto markii ay dhacday in lacagtii adkayd ee sabbaynaysay waddankeennu xadhkaha goosatay, taasoo aan meelna saldhigayn, loona samaystay aalado carsi ah oo si dhibyar lacagaha la isugu gudbiyo, taasoo waxyeelo ku ah sugnaanshaha dhaqaalaha mar haddii lacagtii ka baxayso gacmaheenna, noqotayna wax wareeray oo aan faa’iido keenayn.
Dhibka kale ee jira ayaa dhulka qiimihiisu waashay, ee meel yar oo laamiga ku taal ama u dhow la kala siisanayo $300,000 dollar (saddex boqol oo kun oo dollar) la kala siisanayo, taasoo dhinaca dhaqaalaha keenaysa dhibaato. Waxa kaloo aynu arki doonaa raashinkii aynu waddankeenna ka beeran jirnay oo aynu u soo jeedsano, isla markaana bariis, baasto iyo wixii ay dabada ku wataan aynu faraha ka qaadno.
Balwadaha qaadku u horeeyo, ayaa sidoo kale hoos u dhici doonaa, iyadoo dadka cunaa yarayn doonaan, laga joojin doono, halka sidoo kale la arki doono shaqo loo abuuro dhallinyarada. Waxa kale oo la arki doonaa tahriibtii oo cirka isku shareerta, da’yartuna ku qanci waayaan, una samri waayaan inay la qabsadaan cahdigan cusub ee wax walba asalkiisii laga soo bilaabayo. Waxa kale oo la arki doonaa dowladaha waddanka soo mari doonaa in dad badan oo dibadaha ka yimi ama gudaha joogay, aqoon maamulna leh ay tubta wanaagsan ku hagi doonaan waddanka, iyadoo si wanaagsan loo qorshaynayo dheefta waddanka ka soo baxda qaybinteeda, oo ay sandulle ku noqoto inay wax walba iska dhigaan oo ay shaqo dhallinyarada u abuuraan.
Arrimahaas aynu kor ku soo sheegnay iyo dhibaatooyin badan waxay hurinayaan inaynu waajihi kari wayno ama u adkaysan wayno duruufaha kolba inaga hor yimaad, iyadoo sidii aan barnaamijkii Qiimee Qofkaaga in badan kaga hadlay ay noloshan cusub isku beddeli karto inaynu is qiimayno, is-addarino, gacmahana is qabsano si aynu ula qabsano nolosha cusub. Ta kale inaynu ogaano waxyaalaha dib inoo dhigaya ee ay ka mid tahay dadka inala nool ee la hayb-sooco, inay dhinac walba ay ka muuqdaan nolosha.
Waxa kaloo dhib jirta ah hablaha yaryar ee aad mooddo xuural-caynta, akhlaaqdooduna wanaagsan tahay ee guur-doonka ah, ee ay dhalinayaradu baal marayaan, iyagoo sababo khiyaali iskugu sheekaynaya inay guursadaan oo ay reero dhisaan, taasoo aan ahayn xaq in hablaha qaarna ay raaxaysanayaan, qaarna ay gaboobaan.
Inta la qubayo dhiigga dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka birimagaydada ah, lana wado xumaanta jiri maayaan wax xawaalad ah ama wanaag ah oo si fiican ugu socon doona xawaare sare, waxaanna haboon in laga shaqeeyo wanaaga, nabadda, is-jacaylka, la iskana qabto kuwa dhibka wada, iyadoo laga baqayo Ilaahay (SWT).
Sidaan wada ogsoonahay waadigaas xawaaladuhu aynu nidhaahno ‘haddii Ilaahayow aad gudhisid wax kaloo khayr qaba noogu beddel, haddii sii socoshadeedu khayr noo leedahayna Ilaahayow noo barakee.’
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:fatxisulub@gmail.com Tel:0634426781

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face