araweelonews-300x168

Hargeysa(ANN)Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Somaliland, balse inta baddan saldhigiisu yahay Dalka Djibouti, ayaa todobaadkii u danbeeyay ku hawlanaa sidii uu qodxaha uga guri lahaa dhabaha Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Cabdi u marayo mustaqbalka hoggaaminta talada Dalka, isla markaana u noqdo musharaxa sida rasmiga ah ugu taagan marka la gaadho doorashada wixii ka danbeeya mudada Madaxweyne Siilaanyo sii joogo.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo todobaadkii hore kusoo laabtay Dalka, isagoo kasoo kicitimay dhinaca Dalka Djibouti, wuxuu bilaabay kulamo daran-dooro ah oo uu la yeeshay masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kaga jira deegaanka uu kasoo jeedo, Odayaal iyo waxgarad isagu jira madaxdhaqameedka kasoo jeda deedaanka Woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa.

Xoggo la xidhiidha kulamadaa oo ay shebekada Araweelo News Network heshay tibaaxo la xidhiidha, ayaa sheegay in kulamadaa oo ahaa kuwo hoose dhamaantood uu Ganacsade Maxamed Aw Siciid kala hadlay Masuuliyiintii, Odayaashii iyo Madaxdhaqameedkii uu la kulmay ujeedada iyo qorshaha uu u socday oo ahaa inuu meesha ka saaro muran iyo khilaaf marar baddan soo noq-noqnayay oo la xidhiidhay loolan siyaasadeed oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo ka mid ah kooxda ugu awooda baddan xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, isla markaana dhawr goor ku celiyay inuu yahay musharaxa Madaxweynaha marka la gaadho dhamaadka mudada Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Samaale inkasta oo isaga iyo kooxdiisu doonayeen in ay gacanta ku dhigaan Hogaanka xisbiga Kulmiye sida qorshohoodu ahaa, balse waxa uu ka tanaasulay iyo isaga iyo kooxdiisa wadadaada awooda baddani damacoodii hogaanka xisbiga shirweynihii Kulmiye , kaas oo hogaanka xisbiga dib loogu doortay Guddoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee hogaaminta xisbiga ay wada tirsanaayeen, balse Wasiir Cabdicasiis, ayaa markaa ka dib sheegay in tanaasulka hogaanka Xisbiga aanay ahayn macneheedu inuu ka tanaasulay qorshihiisii musharaxnimada jagada Madaxweynaha wixii ka danbeeya mudada xilka Madaxweyne Siilaanyo.

Dhawaaqa wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, ayaa loo arkayay mid weli taagan oo abuuri kara xilkasta carqalad siyaasadeed iyo muran sabab u noqon kara khilaaf mar kale Xisbiga dhexdiisa ka bilaabma marka la gaadho doorashada xiliga teeramka labaad ee Madaxweyne Siilanyo oo aan la ogayn xiliga uu noqonayo, wuxuuna Wasiir Samaale wixii ka danbeeyay shirweynihii Kulmiye ee natiijadiisu sababtay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaanka Xisbiga, kaas oo gaadhay in kooxda wasiir Samaale oo Madaxweynaha la safan iyo kornaylada hogaanka Kulmiye ka dhex abuurantay muran siyaasadeed oo xaalada dalka iyo nidaamka deganansho ee Somaliland saamayn khatar ah geliyay, kadib markii Guddoomiye Muuse Biixi sheegay inuu yahay musharax Madaxweyne marka la gaadho doorashada aan weli la cayimin ee 2015, isla markaana uu xisbiga kula tartamayo Madaxweyne Siilaanyo.

Hase yeeshee arrintaa oo loo rakayay in ay xidhiidh la leedahay loolanka u siyaasadeed ee u dhexeeyay Kooxda wadaada awooda baddan ee shidhka ugu jira Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa iyo askarta hogaamisa xisbiga, waxa soo dhexgalay Ganacsato ay hormood u ahaayeen Maxamed Aw Siciid iyo xubno kale, kuwaas oo tanaasul ka keenay Guddoomiye Muuse Biixi in aanu Madaxweyne Siilaanyo kula tartamin teeramkiisa labaad, balse uu noqdo musharaxa Madaxweynaha ee ka danbeeya, taas oo Guddoomiye Muuse Biixi qaatay. Sidaana gamcaha laysugu saaray isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo oo khilaaf siyaasadeed oo cakirmay la dhex dhigay.

Dhowaan ayay soo baxeen warar sheegaya in kulan Madaxweyne Siilaanyo ku dhexmaray qasriga Madaxtooyadda ka hor intii aanu bishii hore safar ugu bixin dalka Britain in laga wada hadlay doorashada aan weli la cayimin waqtigeeda iyo qorshe siyaasadeed oo xisbul xaakimka iyo xukuumadda lagu axadhay sida laga yeelayo arrimahaa, waxaana wararka lasoo geliyay saaxada siyaasada ee laga soo xantaystay kulankaa sheegeen in laysla soo qaaday muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo in kale maadaama ay muuqato qabyo la xidhiidha doorashadii Madaxweynaha iyo doorashada baarlamaanka ee wakiiladda oo muddo dhaaftay, balse ma jirin war cad oo kasoo baxay kulankaa iyo waxa laysla meel dhigay, waxase la rumaysanyahay in aanay sida wax u socdaan isugu biyo shubanay muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo laba sanadood, ama sadex sanadood dhex taagan, isla markaana mucaardka oo aan ka fogayn rabitaanka muddo kordhinta, ayaa ka cabsiqaba in doorashada Baarlamaanka ee wakiiladda lasoo qadimo, waxayna iyagoo ka cabsiqaba qorshahaa kaga gaashaanteen in doorashada Madaxweynaha iyo ta wakiiladda lays raaciyo si garoonka Ciyaaarta loo wada galo oo cid walba nasiibkeeda uga qaado.

Hase yeeshee Muuqaalka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid ee xiligan, ayaa muujiyay in ay miiska saarantahay muddo kordhin loo samaynayo xukuumadda, sidaa awgeed kulamadiisa Odayasha iyo masuuliyiinta xukuumadda ee deegaankiisu ay la xidhiidhaan in ka hor inta aan la gadhin doorashada muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo uu dhabaha u xaadho Guddoomiye Muuse Biixi, isla markaana meesha ka saaro turun-turooyinka iyo jilaafooyinka siyaasadeed ee ay sababi karaan Cabdicasiis Samaale iyo kooxdiisu, wuxuuna sida ay xoogahaasi sheegayaan kulamada gaadhsiiyay deegaanka gaarka ah ee uu kasoo jeedo Cabdicasiis Samaale, taas oo sababtay in marka laga reebo koox yar oo Jifadiisa ah ay aqbaleen qorshaha ganacsade Maxamed Aw Siciid.

Sidoo xogaha shebekada Araweelo News Network ka heshay kulamadaa, ayaa sheegaya in Xubnaha Wasiirada ee ganacsade Maxamed Aw Siciid ay kulmeen oo dhamaantood kasoo jeeda deegaanka Woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, ay u guuxeen qorshahaa, marka laga reebo Wasiirka Maaliyada cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo muddooyinkan danbe ku jiray is xulufaysi ay doonayaan in ay kaga hortagaan damaca siyaasadee ee Muuse Biixi oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye, balse xubnaha Wasiirada ee ku gacansaydhay qorshaha ganacsade Maxamed Aw Siciid ku doonayo inuu qodxda kaga gurro dhabaha Muj. Muuse u marayo hoggaaminta dalka, ayaan waqtigan wax taageero ah oo la xidhiidha qorshohooda siyaasadee ka haysan Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha haatee shirarka uu todobaadkii u danbeeyay sida gooni gooni ah ugu jiray ganacsade Maxamed Aw Siciid, ayaa u muuqda kuwo dhabaha u xaadhay hanka siyaasadeed ee Guddoomiye Muuse Biixi ku doonayay in inuu hogaaminta talada dalka gacanta ku dhigo marka Madaxweyne Siilaanyo dhamaysto muddo xileedkiisa.

Warbixin: Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com