Madaxweyne Silanyo iyo Eng Cali Xoor XoorHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa lagu boobay dhanbaalo Tacsi ah. kadib markii uu cariga Dalka Britain ku geeriyooday Walaalkii Jaamac Maxamed Maxamuud Aadan oo ku Geeriyooday cariga Ingiriiska.

Jaamac Maxamed Maxamuud Aadan, wuxuu ka mid aha Odayaashii mudada dheer degnaa dalka Britain ee ku noolaa Liverpool oo in ka mid ah magaalooyinka in ka baddan boqol sanadood ay ku noolaayeen Odayaashii reer Somaliland ee siimaanada ahaa, wuxuuna Marxuumku kasoo qayb qaatay halganadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay tan iyo waqtigii gobonimodoonka iyo Halgankii dalka dib loogu xoryanayay oo uu muddo dheeer hoggaaminayay Madaxweyne Siilaanyo oo ay Marxuumka walaalo ahaayeen.
Dhnabaal ka mid ahaa Tacsiyaha lagu boobay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), waxaa mid ka mid ah Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) oo tacsi U Diray Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Geeridii Ku timi walaalkii  Awgeed alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska waxa u dhigna dhambaalka tacsida ahi sidan:-

madaxweyne Silanyoxafiiska

“Anigoo Ku Hadlaya Magacayga Ka Dekeda Berbera Shaqaalaha Weynaha Dekeda, Muruqmaalka iyo Salfadooranka Waxaan halkan Tacsi ugu diraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Qoyskiisa, Qaraabada iyo Qaranka Somaliland guud ahaan, Geeridii Ku timid Madaxweynaha Walaalkii alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska Waxaan Illaahay Marxuumka u Weydiinayaa Naxariistii Jano Sidoo kalena Waxaan Qoyska Madaxweynaha, Qoyska Marxuumka iyo Guud ahan ba Qaranka Somaliland u rajaynayaa in Eebe Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Marxuumkaasi”

Allaa Mahad Leh
Maareeyaha Guud ee Dekeda Berbera
ENg Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)

Tacsi taas la mid ah waxa lagu yidhi sidan: Madaxda Qaranka JSL oo uu ugu horeeyaan Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil & Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, Madaxda Axsaabta Qaranka, Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan, Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida, Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka, Ururada samafalka Wadaniga ah iyo Qaybaha kale ee Bulsho-weynta Somaliland ayaa si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyagoo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid walaalkii Marxuum Jaamac Maxamed maxamuud oo ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Sidoo Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelonews.com. Arraweelo.com iyo Araweelonews.net Carraale Maxamuud Jaamac, weriyayaasha iyo Hawlwadeenada shebekadahaa, waxay Tacsi taa la mid ah u dirayaan Madaxweynaha Somaliland, iyagoo ka Tacsiyaynaya geerida ku timi walaalkii marxuum jaamac Bureeqa oo ahaa Oday si weyn looga yaqaanay cariga ingiriiska iyo magaalooyinka Somaliland, waxayna Illaahaay uga baryayaan inuu Marxuumka jana fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Somaliland, Qoyskii iyo Ubadkii uu ka tegey Marxuumku iyo dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Dhanbaal kale oo Tacsi ah, wuxuu ka yimi Axmed Xasan Carwo oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Malgashiga Waxaan tacsi u dirayaa Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud geerida ku timid walaalkii Jaamac Maxamed oo ku geeryooday magaalda Liverpool ee dalkan UK. Waxaan tacsida, murugada, iyo ducadaba la wadaagaya Madaxweynha,Marwada Kowaad, ubadka, ehelka,tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud ka baxay meel kasta ooy joogaan .

Jaamac oo ahaa oday dalkan UK caan ku ahaa odayiinta iyo hoggaaminta bulsho, Alle ha u naxariisto, hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws, ehel, asxaab, iyo qaraabana heyna waafajiyo samir iyo duco.

Tacsi kale waxa Madaxweynaha somaliland u diraya Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid, Xaaskiisa iyo caruurtiisa, muj. Cali Geenyo iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo Naasiir Ibraahin Maxamed (Naasir Afweyne Fiix) iyagoo ka Tacsiyaynaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo geerida ku timi walaalkii marxuum jaamac Bureeqa oo ahaa Oday si weyn looga yaqaanay cariga ingiriiska iyo magaalooyinka Somaliland, waxayna Illaahaay uga baryayaan inuu Marxuumka jana fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Somaliland, Qoyskii iyo Ubadkii uu ka tegey Marxuumku iyo dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

madaxweyne Silanyoxafiiska