Araweelo News Network

Maroodi Qiiq afuufaya

India(ANN)-Muuqaal laga duubay Maroodi ku nool dalka India, ayaa ku abuuray khubarada Dunnida layaab, kaas oo muujinaya isagoo qiiq iyo dambas afuufaya, oo  afka ka sii daynaya, wuxuuna amakaag ku noqday khubarada aduunka ee daryeelka duur joogta.

Vinay Kumar oo ah saynisyahan ka tirsan wakaaladda daryeelka duur joogta India ee Wildlife Conservation Society, ayaa duubay muuqaalka oo 48-ka il bidhiqsi ah mar uu socdaal shaqo ku tagay bishii April ee sanadkii 2016-dii kaynta Nagarhole ee gobolka Karnataka.

wuxuuna BBC-da u sheegay in uu muuqaalkaa hada uun faafiyey oo aanu hore “markii hore dhaadanayn muhiimadda uu leeyahay”.

Saynisyahannada ayaa sheegay in aanay weli garawsan waxa sababay in dambaskaa uu maroodigu afuufayaa uurkiisa galo.
Warbixin ay soo saartay wakaaladda daryeelka duur joogta India ayaa lagu sheegay in “dhacdadani tahay tii u horraysay ee muuqaal laga duubay maroodi dabcigaasi ka muuqdo, waana arrin khubarada iyo saynisyahannadu la amakaageen”.

‘Dhuxul bakhtiday ayuu malaha cunay’
Kumar waxa uu sheegay in isaga iyo kooxdii la socotay ay kaynta tageen aroor hore si ay u soo eegaan muuqaallada ay duubeen kamarado qarsoon oo ay kaynta ku rakibeen oo ay doonayeen in ay ku ogaadaan hab dhaqanka shabeellada. Waxa uu markaa arkay qalanjadan oo qiyaastii 50 mitir u jirta, ka dibna waxa uu muuqaalkan ku duubay kamarad uu sitay.

Warbixinta ayaa waxa kale oo lagu sheegay in maroodiga muuqaalka laga duubay  “la moodaa inuu dhuxul bakhtiday” oo halkii dabka lagu shiday lagaga tagay taallay cunay oo “dabeetana dambaskii dib u soo afuufaya”.

“Maalintaa markaanu aragnay waxaa la moodayey in qalanjadaasi qiiq afuufayso. Intay dambas gacankeeda ka buuxa kolba afka ku shubto ayay afuufaysay, sidii wax sigaar cabbaya oo kale!” ayuu yidhi Kumar.
Varun R Goswami, oo ah khabiir ku takhasuusay dabciga iyo samayska maroodiga, isla markaana muuqaalka darsay ayaa sheegay in uu rumaysanyahay in “ay aad suurto gal u tahay in maroodigu doonayey in uu liqo dhuxul bakhtiisan oo uu qaatay isagoo dhulka xaabaya, ka dibna dambaskii gacanku soo qaaday iska afuufayo, wixii kalana liqayey”.

Waxaanu intaa ku daray “xaabada marka la shido dambaska dabka ka hadha waxa ku jira maado suntan la dagaalanta oo dawo ah, in kasta oo aanay wax nafaqo ah lahayn, hadana duur joogtu way jecel yihiin oo waxay ogyihiin in ay dawadaa ka helayaan oo way cunaan. Sidoo kale dambaska way ku xadhaadhaan, waana sababta ay dambaska gubadka u cunaan”.ayuu yidhi Kumar.

source: (BBC.com)