Share this:

" />
Published On: Thu, Jan 15th, 2015

Saaxiibbadaydii Fiicnaa ee Aanu ka Wada Shaqayn Jirnay Bangiyada. W/Q: Rashiid Sulub Caalin

Smiley face

rashiid sulub
Waxay ahayd aakhirkii ama horraantii sannadkii 1993-kii mar uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal uu Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland u magacaabay Barre Cumar Askar, iyadoo wakhtigaas ka hor aannu shaqaynayn baanka dhexe. Maalintaas la magacaabay abaarro 4:30pm galabnimo ayuu marxuumkaas Barre Alle ha u naxariistee iigu yimid goob aan ku qayilayey oo u dhowayd gobolka xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa, wuxuuna igu yidhi; ‘Rashiidoow ii soo kac.’ Markaan u kacayna wuxuu igu yidhi; ‘sidan aad waraqadda ku aragto wuxuu Madaxweynuhu ii magacaabay maanta Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Somaliland, maadaama aanay dowladdi shaqayn karayn bangi la’aan, waxaannu intaas raaciyey, waxaan u baahanahay qorshihii hawlgalka furidda bangiga dhexe iyo siddii hawsha loo bilaabi lahaa, markaa waxaan doonayaa inaad igala shaqaysaan oo aad qorshe soo dhistaan adiga iyo Axmed Cabdi Badhaf Alle ha u naxariistee, kadibna waxaan bilaabay inaan Axmed u tago, una sheego qorshaha si aannu si dhakhso ugu bilowno hawsha.
Sida aad fahmi kartana nin habeenkii qayila inay taladiisu ka halowdo waa wax layska yaqaano, markaan laba jeer u tegay Axmed Cabdi Badhaf waxaan muquurtay hawlahaygii oo jaadkii ayaa dib ii jiiday, anigoo soo bandhigaya xaqiiqda ah in jaadku dhib wayn i gaadhsiiyey si wax loogu qaato, inkastoo ay wada shaqayn naga dhexaysay Barre (Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe) Muddo markii uu Barre maamulayey Baanka Dhexe, ayuu geeriyooday. Waxaana loo magacaabay Goddoomiyaha Baanka Dhexe Axmed Cabdi Badhaf, markii uu muddo dhowr iyo toban sannadood ah uu maamulayey, ayaa loo dhiibay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale oo ahaa nin mar walba i soo dhoweeya oo shaqadayda jeclaa, maadaama uu madax noogu ahaa Bangigii Ganacsiga iyo Kaydka qeybta xisaabaadka dibadda ee wixii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Saddexdoodaba Alle ha u naxariistee waxay ahaayeen halyeeyo ka soocan Soomaalida inteeda kale marka la eego hawlaha baannanka, waxaana ka mid ahaa sifooyinkooda:
1. Waxay ahaayeen niman buhuu-bahaa-da Soomaalida aan dheg u dhigin oo aaminsanaa caqligooda iyo gacmahooda.
2. Waxay ahaayeen saddex nin oo shaqooyinka baanka waayo-aragnimo xoog leh oo gaadhaysaa ilaa 35 sanno u lahaa.
3. Waxay ahaayeen niman soocan oo shaqooyinkooda baanka ku toosan mar walba.
4. Waxay ahaayeen niman af-gaaban oo mar walba ku foognaa shaqada ay hayaan oo qudha.
5. Waxay ka fogaayeen inay sameeyaan is-dhaaf-dhaafin xisaabaad oo wax laga faa’iido ama loola yimaaddo.
6. Anniga iyo iyaguba waxaannu shaqayn jirnay saacado badan oo dheeriya wakhtiga shaqada, halka shaqaalahayagii kale badankoodu ay wakhti horeba carari jireen, taasi oo i siisay inaan isku soo dhowaano.
7. Waxay ahaayeen niman hufan, aqoontooda iyo garashadooduna dheer tahay, isla markaana aan lahayn hunuu-hunuu ka buuxday shaqaalaha baananka.
Ilaahay ha u naxariisee, ninmankaas oo wanaagga aan ku sheegay iyo ku kaloo ka badanba lahaa, halkana aan ku soo koobi karayn, waxaan Ilaahay ka baryeyaa inuu siiyo naxariistiisa oo uu u dambi dhaafo dhammaantood.
Haddaan si gaar ah u soo qaato markii marxuum Barre Cumar Askar bilaabay shaqada baanka Somaliland oo aanan anigu hawshaas la bilaabin, maadaama ay hawlahaygii I jiiteen, waxa muddo yar ka bacdi oo aan ku qiyaasi karo 4 bilood la keenay lacagtii cusbayd ee Somaliland, iyadoo dagaalkii sokeeyena uu soo yeel-yeeshay, kadib wakhtigaas waxa isa soo urursaday ilaa 200 shaqaale oo ka shaqayn jiray saddexdii bangi ee Soomaaliya jiri jiray oo ka koobnaa Bangigii Dhexe, Bangigii Ganacsiga iyo Kaydka iyo Bangigii Horumarinta, wakhtigaasna waxaan annigu iska daayey qaadkii aan cuni jiray, waxaanan ku soo noqday noloshii caadiga ahayd, kadibna waxa shiray shaqaalahaas ilaa 200 ahaa, oo iskugu yimid inay shaqadii halkii ka sii wadaan oo ay jaanis kale ka helaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan markaas isla qaadanaay inaanu si wada jir uga qeyb-qaadano ama aannu ka hawlgalno shaqooyinka baanka laga bilaabayo, iyadoo ay ku jireen rag badan oo waddanka u soo dagaalamay, waxaanay aniga iyo guddi la saaray oo aan guddoomiye u ahaa aanu ku tashanay in si wadajir ah aanu u doonano shaqooyinkii baanka ee la rajaynayey, inkastoo ay hawlahaas dhabqiyeen dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay.
Ujeedada maqaalkan maaha inaan anigu is-faaniyo ama aan wax ku doonayo, laakiin wuxuu igu dhashay mar aan sii fogayn oo aan tegay Xarunta Bangiga Dhexe ee Somaliland, dabadeed markii aan fadhiistay kuraasta loogu talo-galay in lagu nasto, ayaa waxaan arkay laba arrimood.
• Dadkii bangiyada kasoo shaqaynayey oo aad ugu yar iyo dhallinyaro badan oo ku soo biirtay shaqooyinka baanka, kuwaasoo haddii la weydiiyo masuuliyiintii iyo waayo-arraggii ruug-caddaagga ahaa, gaar ahaan saddexdaa guddoomiye ee soo maray oo aanay garanayn baddankoodu, iyadoo aanay ceeb ahayn inay garan waayaan dhallinyaradaasi oo ay wax iska dhaca tahay, oo lays daba-gurayo.
• Nimankaas oo niman qiimo leh ahaa oo mar walba u taagnaa wax-dhisida iyo horumarinta shaqada, oo sida imika dadka qaarkood ka dhacda aan lugta jiidi jirin hawlaha shaqada.
Labadaas qodob markaan garaswsaday, ayaan mar kaliya intaan si degdeg ah u kacay aan u galay Guddoomiyaha Baanka ee wakhtigan Cabdi Dirir Cabdi, ninkaasoo aanan hore u arag, isla markaana aad iyo aad u mashquul ahaa, ayaa waxaan ku idhi ‘raggii halkan kaaga horreyeey Alle ha u naxariistee wax lagu xusuusto marka la soo galo baanka sidaan arkayo ma jiraan, markaa waxaan idiin soo jeedin lahaa inaad saddexdaas nin ee maytida ah ee soo maray xilka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, in sawirkoodu uu bangiga ka muuqdo meel ay indhuhu ku dhacayaan si kolba loogu daro masuuliyiinta soo marta baanka.’
Nasiib-wanaag, anigoo uga mahadcelinaya arrinkii wuu iga qaatay guddoomiyuhu, waxaana sida la ii sheegay lagu soo dhajinayaa sawiradooda meel wajahad ah toddobaadka soo socda iyo qolka shirarka, anigoo rajaynaya maqaalkan iyo sawirradaasba in lagu xasuusan doono nimankaas qiimaha leh.
Marka aan ka imaaddo intaas, waxaan ka dhicin nimankaas aan ka sheekeeyey dhowr nin oo imika mansabyo muhiim ah ka haya shirkaddo iyo hay’addo Somaliland ka mid ah, nimankaas oo uu ka mid yahay Saciid Maxamed Cali (Gar-seef) oo dhowaan loo magacaabay Maareeyaha Bangiga Dahabshiil Xaruntiisa Hargeysa iyo sidoo kale Kayse Haybe Maxamuud oo isaguna ka madax ah xawaaladda Kaah Express ee Somaliland. Waxa kale oo aan wanaag iyo khayr u rajaynayaa masuulkii madaxda noogu ahaa Bangigii Ganacsiga iyo Kaydka Qeybtii Xisaabaadka Dibadda Axmed Idiriis iyo Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa isla bangigaasi Mudane Sheef ee haybadda iyo karaamada badan lahaa iyo Xaaji Aadan Cumar Ileeye oo isaguna ka mid saraakiishii Bangiga Dhexe ee xarunta Xamar, kuwaasoo aan dhammaantoodba u rajaynayo guul iyo wanaag.
Dhinaca kale, 20 sanno ka bacdi waxa jira rag oo badan oo dhintay, kuwo dhul-yaal ah iyo kuwo kale oo xannuuno waaweyn ku dhaceen oo hawl-gab noqday, kuwaasoo ka hawlgali jiray bangiyada, anigoo inta dhimatay Ilaahay naxariis u waydiinaya, inta noolna caafimaad iyo wanaag u rajaynaya.
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, soona jeedinayaa in wasaaraddaha iyo hay’adaha dowladda la sameeyo sida Bangiga dhexe ee Somaliland uu samayn doono, isla markaana sawiradii masuuliyiintii xilalaka kasoo qabtay goobaha ay joogeen lagu dhajiyo wajahadaha xafiisyadaas si loogu xasuusto kolba masuulka ka tegay, waxaanay wanaag soo kordhinayaan:
• In shaqaalaha iyo madaxda joogtaa qalbigooda ay naxariisi gasho mar walba oo ay jaleecaan indhahoodu inaanu adduunkan qiimo lahayn, oo raggaas horena ay ka baxeen adduunkan. Sidaas daraadeed cisi iyo sharaf ay ku joogaan, kuna shaqeeyaan.
• In shaqaalaha Ilaahay iimaankooda ku xoojiyo inay madaxdaas taxan ee inaga hoosaysa ama ka baxay shaqadu inay dhammaantood shaqada ku soo bilaabeen xaalado qalafsan markii waddanka la soo galay.
• In dadka soo booqanaya wasaaradaha ama hay’adaha dowladdu ay xusuus u noqoto raggii halkan kasoo shaqayn jiray, kadibna ay cilmi kala baxaan sidii ay u kala horreeyeen iyo hawlahoodii waxqabad intii xasuusan karta oo ay wax ku qaataan.
Ugu dambayntii waxaan soo jeedinayaa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ahba, in xaaladaha imika taagan ee noloshii ay adkaatay ee ay qallafsanaatay loo samro, oo ay hagaajiyaan shaqada inta ay hagaajin karaan oo ay ilaaliyaan Ilaahayna ka cabsadaan.
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Tel:0634426781 Email:fatxisulub@gmail.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face