Araweelo News Network

Dadka inta badan wax ku qora kombuyuutarada casriga ah iyo Ipod shaashada laga isticmaalo, ayaa ay ka cawda muruqyo xannuun iyo dhabar-xannuun, sida cilmi-baadhis cusub lagu iftiimiyey.

Khubarada daraasadan samaysay waxay sheegeen in qofku haddii uu muddo badan wax ku qoro kombuyuutarada laptop-ka la yidhaa, buuggaagta, Ipod-ka ay keenaan in jidhka qaybo ka mid ah noqdaan qaar si xawli ah u shaqeeya, gaar ahaan maqaarka iyo muruqyada, haddii muruqyadu nasasho waayaan inta badana waxay keentaa in qofku uu daalo, garbihiisuna noqdaan qaar xannuun dareema, sida ay iftiimiyeen cilmi-baadhayaashan ka tirsan Jaamacadda Northern Illinois ee dalka Maraykanka.

“Muruqyadu haddii ay nasan waayaan oo daal dareemaan badan muddo xidhiidh ah waa arrin khatar ku ah qaab-dhismeedka muruqyada, qofkana waxa ka lumi karta dheeli tirka jidhka, haddii qofku uu isticmaalo muddo badan kombuyuutar, waxna ku qoro waxay keentaa in dhabarka iyo garbaha qofka xannuun ka soo asiibo,” ayuu yidhi Jeong Ho Kim oo daraasadan khubarada qortay hoggaaminayey.

Daraasad ay sameeyeen khubaradan qalliinka ku takhasustay waxay bedka soo dhigeen in haddii qofku madaxiisa hoos u yahoo xagal 60 degre ah amma marka uu wax qoraayo ah waxay la mid tahay isagoo culays aad u badan saaray laf dhabarta, taasina ay keento in laf-dhabartu madhato.

Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada la yidhaa Applied Ergonomics, ayaa khubaradu ku sheegeen in dadka ay baadhitaanka ku sameeyeen oo aan lahayn markii hore dhabar xannuun ay yeesheen markay muddo badan isticmaalayeen kombuyuutarada , waxna ku qoraayeen.