Share this:

" />
Published On: Tue, Jan 19th, 2016

Shaaracyada Magaalada Hargeysa Oo Dadweynuhu Ka Ururiyeen Dadka Kasoo Jeeda Oromada Kadibna Booliska U Gacan Geliyeen Iyo Xukuumadda Mar Kale Hanjabaad U Dirtay

Smiley face

Araweelo News Network
Dadkaraafka1
Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa boqolaal ka mid ah dadka qomiyad Oromada ee ku sugan Somaliland ka ururisay maanta. kadib markii saaka Ciidamada Booliksu dadka ku bilaabeen raaf, iyadoo laga buuxiyay Saldhigyada.

Dadweynaha Magalaada Hargeysa, ayaa ciidamada Booliska ka gacan siiyay sidii dadkaa looga raafi lahaa dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa iyo Burco oo ah meelaha ay ugu baddan yihiin.

barxadasaldhigahortiisa

Baabuurta lagu daabulay Oromada laga ururiyay shaaracyada Hargeysa

Baabuurta lagu daabulay Oromada laga ururiyay shaaracyada Hargeysa

Ku dhowaad 500 (shan boqol) oo qof oo u dhashay dalka Ethiopia, kuwaas oo u baddan qomiyada Oromada, ayaa saaka laysugu geeyay xarunta laanta socdaalka, iyadoo dadkaa loo kala saaray laba qaybood, isla markaana wixii haysta waraaqo qoxootinimo ee ka diiwaan gashan Hay’adda qoxootiga ee UNHCR., xoriyadoodii loo celiyay, halka kuwa aan sharciga haysan lagu daabulay isla maanta baabuur, isla marakaana dhinaca xadka Ethiopia loo gudbiyay si loogu wareejiyo dawlada Ethiopia.

barxadasaldhigahortiisa

Dad shacab ah oo u badan dhalinyaro, ayaa Booliska ku wareejinayay qofkii ay u arkaan inuu yahay mid kasoo jeedaa dalka Ethiopia, waxaana saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo suuqyada u dhow lagu arkayay saaka dhalinyaro koox koox u socota oo marba dad ay soo kaxaysteen saldhiga ku wareejinayay Booliska.

Dadka la ururiyay, ayaa ka xoogsan jiray magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, kuwaas oo inta badan qaban jiray shqaooyinka aanay muwaadiniintu qaban.

Dadkaraafka1
Ma jirto inta badan wax lagu garanayo dadka dhinaca Ethiopia kasoo gala somaliland, gaar ahaan kuwa qomiyada Oromada oo luqada Soomaalida iyo lahjada galbeedka Somaliland si fiican u bartay, isla markaana shacbiga Somaliland, ayaan wada qaadan waqada Aqoonsiga ee dhowaan muwaadiniinta Somaliland la siiyay, waxayna qaadasha la’aanta muwaadiniinta Somaliland ee aqoonsigu saamayn ku yeelatay in la kala garan waayo qofka Somalilanderka ah iyo dadka kale ee ku dhex milmay bulshada, kuwaas oo habtooda keliya lagaga sooci karo.
dadweynesaldhigakuwada dadkasoojeedaoromada

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ku celiyay digiin ku waajahan dadka aan u dhalan Somaliland inay kaga baxaan dalka muddo kooban, wuxuuna ku hanjabay kuwa aan shariga haysan ee ka dhega adayga fariintaa inay ciqaabi doonaan oo sharciga la tiidsanayaan.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Warancade, wuxuu ku hanjabay in sheeganaya inuu yahay Somaliland ee aan haysan warqadaa Kaadhka muwaadiinka la raafi doono xataa dadka ku abtirsada Somaliland ee sheegta muwaadiniinta.

Arrintan ayaa la rumaysan yahay inay ka dhalatay xaalada dalka Ethiopia ee dhowaan mudaharaadyada ay ka bilaabeen qomiyada Oromia, taas oo cabsi gelisay dawlda Federaalka ee Ethiopia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face