Share this:

" />
Published On: Thu, Dec 7th, 2017

Shan Qodob oo Macluumaad Dheeraad ah ka Bixinaya Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa

Smiley face

Araweelo News Network

Al-Quds photo file Araweelonews.com

Al-Quds(ANN)- Maraykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda, balse waxa arrintaas lagala horyimi diidmo xoogan, waxaanna magaaladan ku yaal masjidka barakaysan ee Al-aqsa, iyadoo ay magaaladan tahay xudunta khilaafka Falastiin iyo Israa’iil.
Haddaba, maxaa sababay in colaadda u dhaxaysa Falastiin iyo Israa’iil uu xudun ugu noqday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa? Jawaabta su’aashan oo koobsanaysa shan qodob oo xog ballaadhan xambaarsan waxa warbixin ka qoray warbaahinta Al Jazeera, taas oo wargeyska Jamhuuriya u soo turjumay, una dhigan sidan:
1. Waa maxay dhismaha Masjidka Al-Aqsa, muxuuse u noqday mid muhiim ah?
Al-Aqsa waa magaca masaajid barakaysan oo leh Qudbi wayn oo ah Silfar (Silver) oo dhismihiisu ku fadhiya dhul cabirkiisu dhanyahay 35000 meter isku wareeg ah, kaasi oo ah masjidka saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, isla markaana ah halkii laga dheelmiyey Nebi Muxamed (NNKHA) markii uu Ilaahay samada kula soo kulmay. Halka Yuhuudduna ay aaminsan yihiin inuu yahay macbad muhiim u ah diintooda oo uu dhisay Nebi Saleebaan waqtigiisii.
Dhismahan Al-Aqsa ee magaalada Qudus waxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO u aqoonsatay goob taariikhi ah oo muhiim u ah dhammaan saddexda diimood ee ehlu-Kitaabka ah ee Islaamka, Kiristaanka iyo Yuhuudda.
Sidaasi darteed, masjidkani waxa uu noqday goobta loogu muranka badan yahay dhulka barakaysan ee dunida tan iyo markii Israa’iil qabsatay bariga magaalada Qudus sannadkii 1967, kana mid yihiin daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Inkastoo xiisadda goobtani soo taxnayd muddo dheer ka horraysay xataa samayntii dalka Israa’iil.
Sannadkii 1947 ayaa Qaramada Midoobay ay samaysay qorshe ay ku kala qaybisay dhulkiii taariikhiga ahaa Falastiin oo iyadoo ay xukumayso dawladdii Ingiriisku laga dhigay laba dal oo mid ay yeeshaan Yuhuuddii laga keenay Yurub iyo waddan ay reer Falastiin ah, iyadoo dalka Yuhuudda loo qorsheeyey inuu noqdo boqolkiiba 55% dhulka, halka inta hadhay oo ah boqolkiiba 45% loogu talogalay Falastiin.
Magaalada Qudus ama loo yaqaan Jerusalem oo ah halka uu ku yaal dhismaha masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa waxa waqtigaasi laga dhigay mid hoos timaada bulshada caalamka oo ay maamusho Qaramada Midoobay, iyadoo sababta meeqaamkan gaarka ah loo siiyey ahayd muhiimada ay u leedahay saddexda diimood.
Dagaalkii koowaad ee dhexmaray Carabta iyo Israa’iil ee qarxay sannadkii 1948 kadib markii Israa’iil ku dhawaaqday qaranimadeeda, ayaa keenay in ay qabsato boqolkiiba 78 dhulka, waxaanna inta soo hadhay ee ka koobnayd deegaannada Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Marinka Gaza ay gacanta ku hayeen dawladdaha Masar iyo Joordan. Hase ahaatee, dhul-ballaadhsiga Israa’iil waxa uu sii xoogaystay sannadkii 1967, kadib markii ay ku adkaatay dagaalkii labaad ee Carabta iyo Yuhuudda, kaasi oo sababay in Israa’iil gacanta ku dhigto Bariga Qudus oo aakhirkii noqday in ay la wareegto magaalada oo dhan oo uu ku jiro masjidka Al-Aqsa.
Sharci-darrada Israa’iil ku qabsatay bariga Qudus oo uu ka mid yahay Masjidka Barakaysan ee Aqsa waa mid ka horimanaya oo ku xad-gudbay qawaaniinta caalamiga ah oo mamnuucaya in dhul xoog lagu qabsaday aan laga samayn karin qaran madaxbannaan oo ka taliya.
Muddo sannadaha waxay dawladda Israa’iil waday tallaabooyin ay u qaadaysay sidii ay u maamuli lahayd, una yuhuudiyeyn lahayd magaalada Qudus dhammaanteed, waxaanay sannadkii 1980 soo saartay xeer ay ku dhawaaqday in magaalada Qudus noqonayso caasimadda Israa’iil, arrintaas oo ka hortimi shuruucda caalamiga ah, balse ilaa maanta ma jiro waddan keliya oo dunida ah oo u aqoonsan Israa’iil inay leedahay magaalada Qudus ama isku dayada ay samaysay ay beddeleen khariirada Juqraafiga magaalada.
Falastiiniyiinta degan magaalada Qudus oo tiradoodu tahay ilaa 400,000 (Afar boqol oo kun) waxay haystaan sharci degaanshiyo keliya ah, laakiin aan ahayn muwaadiniin, inkastoo ku dhasheen halkaasi, halka Yuhuudda ku dhashay magaaladu yihiin sidaa ka soo horjeedkeeda oo muwaadiniin loo aqoonsanyahay. Waxa kaloo tan iyo sannadkii 1967 Israa’iil waday inay ka mastaafuriso dadka reer Falastiin magaalada, iyadoo ku soo rogaysa shuruudo adag oo deganaanshaheeda ku xidhan.
Sidoo kale, Israa’iil waxay ka dhistay 12 deegaamo sharci-darro ah bariga Qudus oo ay ka hirgelisay guryo ay degaan ilaa 200,000 Israa’iil ahi, taa beddelkeedana waxa loo diidaa Falastiiniyiinta dhismayaasha rasmiga ah iyo inay dib u casriyeeyaan guryahooda oo ay ciqaab adag ku mutaysanayaan.
2. Muhiimada Diimeed ee Masjidka
Muslimiinta waxa uu Masaajidka Al-Aqsa u yahay Masjirka saddexaad ee ugu barakada badan marka laga tago Masjidka Al-Xaraamka iyo Masjidka Nebiga ee Madiina, waxaanna la rumaysan yahay in Masjidka Al-Aqsa inuu yahay goobtii laga dheelmiyey Nebi Muxamed (NNKHA) qarnigii toddobaad.
Yuhuuddu waxay aaminsan yihiin dhismaha Masjidku yahay macbadkoodii kowaad ee uu dhisay Nebi Suleebaan, inkasta oo sharciga Yuhuudda iyo Israa’iil samaysay uu ka mamnuucayo inay galaan dhismahan oo ay ku cibaadaystaan.
Gidaarka galbeed ee Masjidka waxa Yuhuuddu rumaysan yihiin inuu yahay halkii u dambaysay ee uu ku yaalay macbadkoodii labaad, halka Muslimkuna ay u tixgeliyaan inay tahay gidaarkii Bureeqa oo ah halkii Nebi Muxamed uu ka fuulay xayawaankii uu raacay markii la dheelmiyey ee uu samada kula soo hadlay Ilaahay.
3. Meeqaamka Gaar u ah goobta
Tan iyo sannadkii 1967-kii waxa Jordan iyo Israa’iil ku heshiiyeen in guddi culimo ah ay maamulaan arrimaha gudaha ee dhismaha Masjidka Al-Aqsa, wixii ammaanka ee dibadda ahna ay maamusho Israa’iil. Dadka aan Muslimka ahayn waxa loo ogolaaday inay tagaan goobta saacadaha booqashada, laakiin looma ogola inay ku cibaadaystaan, balse dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen ururro iyo kooxo Yuhuud ahi ayaa lagaga horyimi mamnuucidda dawladda Israa’iil ka saartay Yuhuuddu inay galaan dhismaha, iyagoo hamigoodu yahay inay ka dhisaan macbad saddexaad dhismaha dhexdiisa, taasina waxay keentay in ciidammada Israa’iil ay si meerto ah ugu ogolaadaan kooxo Yuhuudda ah oo gaadhaya ilaa boqolaal inay tagaan dhismaha masjidka iyagoo la ilaalinayo.
Sannadkii 2000 siyaasigii Israa’iil ee la odhan jiray Ariel Sharon ayaa si badheedh ah u galay masaajidka Al-Aqsa isagoo ay ilaaliyaan boolis tiradoodu tahay 1,000, arrintaasina waxay dhalisay kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiintu qaadeen, kuna dhinteen in ka badan 3000 reer Falastiin ah iyo ilaa 1000 Yuhuud ahi. Waxaannay qorshayaasha Yuhuuddu soo socdeen ilaa ay soo gaadheen xannibaadda iyo tallaabooyinka cusub ay ku soo rogtay masjidka Al-Aqsa iminka.
4. Xiisadihii ugu Dambeeyey
Xiisadihii u dhexeeyey Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee dhacayey labadii sanno ee u dambeeyey waxa xudun u ahaa masjidka Al-Aqsa. Sannadkii 2015-kii isku dhac ayaa ka dhex qarxay labada dhinac kadib markii boqolaal Yuhuud ahi ay isku dayeen inay galaan gudaha masjidka si ay u ugu dabbaaldegaan xus ay lahaayeen. Sidoo kale, sannadkii 2016-kii ayaa rabshado dhaceen markii kooxo Yuhuudda la deegaameeyey ahi ay isku dayeen inay booqdan Masjidka iyadoo lagu jiro tobankii maalmood ee u dambeeyey bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Sidaasi darteed, marka lagu daro isku dhacyada taagnaa labadii toddobaad ee u dambeeyey waxa inta badan xiisadihii u dhexeeyey Israa’iil iyo Muslimiinta Falastiin ka dhacayeen agagaarka Masjidka Al-Aqsa oo ah goobta la isku hayo.
5. Macnaha ugu Wayn
Dhismaha Masjidka Al-Aqsa waa goob yar oo ku dhextaal Falastiin, laakiin waxay calaamad u noqotay colaadda u dhaxaysa dawladda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.
Inkastoo Masaajidka Al-Aqsa uu muhiimad wayn u leeyahay Muslimiinta gaar ahaan, laakiin xataa Falastiiniyiinta Kiristaanka ah ayaa sameeyey mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan xad-gudubka Israa’iil ku wado dhismaha Masjidka, waxaanay ku biireen Muslimiintii ku tukanayey dibadda dhismaha Salaaddii Jimcihii u dambeeyey.
Marka la eego xayiraadda Israa’iil ku yaranayso Muslimiinta gudaha u gali kara dhismaha Masjidka iyo baaqyada isdabajoogga ah ee kooxaha diimaha Yuhuuddu ugu baaqayaan dawladooda in Yuhuudda loo ogolaado ku tukashada masaajidka waxa in badan oo Muslimiinta Falastiiniyiintu ka cabsi qabaan suurtogalnimada in laba loogu qaybiyo dhismaha Al-Aqsa, taasi oo khatar ku ah diinta Islaamka, siina xoojin doonta colaadda iyo dagaallada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda.

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face