Share this:

" />
Published On: Wed, Mar 23rd, 2016

Shan Xubnood Oo Ahaa Siyaasiyiinta Kooxdii La Baxday Isbedel doonka Oo Xisbiga KULMIYE Laga Saaray Iyo Waxyaabaha Loo Cuskaday

Smiley face

Araweelo News Network
gaafaadhi

Hargeysa(ANN)Xisbiga KULMIYE, ayaa ka caydhiyay shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda siyaasiyiinta la baxay Isbedel-doonka dumuqraadiyada ee Xibsiga KULMIYE.

Xubnaha laga saaray xisbiga KULMIYE, waxay sidoo kale ka mid ahaayeen dhawr iyo toban wasiir oo xukuumadda iska casilay kal hore markii ay ka cadhoodeen doorashadii golaha dhexe ee lagu doortay Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka uga qaygelaya tartanka doorashada xisbigaa.

Qoraal kazoo baxay Xisbiga KULMIYE, caawa oo lagu socodsiiyay Hay’addaha dawlada, isla markaana ujeeddadiisa lagu sheegay “ Lumin Xil iyo Xubinimo Xisbi” ayaa u qoraana sidan:-

“Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin laga bilaabo maanta oo bishu tahay 23 March 2016 ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta.

Waxa kaloo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wadahadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi. Maanta laga bilaabo waxay u madaxbannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku matalaan.

Xubnahaasi waxa ay kala yihiin:

1. Dr. Cabdi Aw Daahir Cali – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.
3. Xusseen Axmed Caydiid – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
4. Faarax Cilmi Geedoole – Waxa uu waayey Xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
5. Cali Cabdi Saa’iq – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga, kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.

Xubnaha kale ee waajibaadkooda Xisbinimo muddada ka maqnaa, waxa aannu ugu yeedhaynaa in uu mar walba Xisbigu gacmo-furan ku qaabilayo walaalahooda bahweynta Xisbiga KULMIYE, kaalintoodiina ay sugayso.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face