Share this:

" />
Published On: Fri, Mar 4th, 2016

Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo Baaq la Xidhiidha Dilkii Taliye Casayr u Kala Diray Xukuumadda iyo Shacabka

Smiley face

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, ayaa baaq la xidhiidha dilkii Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) u kala diray  xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland.
Labada masuul ee ka tirsan Shirguddoonka Wakiillada oo la hadlay saxaafadda shalay waxay tilmaameen sida looga xumaaday dilka taliyahaasi, waxaanay soo jeediyeen in laga hawlgalo sidii gacan-ku-dhiiglayaasha dilkaas gaystay sharciga loo horgayn lahaa, kuwaas oo ciidammada ammaanku ku guulaysteen qabashadooda galinkii dambe ee shalay. Waxa kaloo ay ku baaqeen in la ilaaliyo nabadgalyada oo arrinta lagu galo deganaan.
Ugu horreyn Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Md. Baashe Maxamed Faarax oo hadlay, waxa uu yidhi, “Xukuumadda iyo reerkii ay ka dhasheenba waxaan leenahay nimankii gacan-ku-dhiiglayaasha ahaa ee dilkaa gaystay waa inay soo qabtaan oo meel kastoo ay joogaan loogu tago, waliba ninkii gacan-ku-dhiiglaha ahaa. Reerkii uu taliyuhu ka dhintayna waxaan leeyahay taliyuhu reer kama dhiman ee qaran ayuu ka dhintay oo isagoo shaqo qaran gacanta ku haya ayuu dhintay markaa ha ku samraan.”
Waxa kaloo uu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgalyada dalkooda iyo jiritaankiisaba, isla markaana arrimaha qaranka laga daayo qabyaaladda, “Dalkeenu maanta 25 sanno ayuu jiraa xiligii madaxbaanidisa lasoo noqday kadib, maantana inaynu qabaa’il iyo reero ku noqonno maaha oo arrinka in la qabyaaladeeyo maaha, haddii sidaa lagu sii socdana dhibaataa imaan doonta oo ninkii la dilaba in loo nisbeeyo qabiil ayey noqonaysaa, waa in arrinka la dajiyo oo waanwaan lagu soo dabbaalo,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed, ayaa isaguna ugu baaqay shacabka in aan laga farxin cadowga Somaliland, arrintana lagu galo sidii dhaqanka u ahaan jirtay Somaliland.

“Waa in dambiga ay leeyihiin lagu qaado kooxda gacan-ku-dhiigleyaasha ah. Dadweynahana waxaannu ka rajaynaynaa in si nabadgalyo ah arrinta loo dhigo. Berbera waa halbowlihii waddanka oo haddii ay qasanto waxa qasmaya waddanka oo dhan ee waa in la qaboojiyo, taliyuhuna reer kama dhiman ee qaranka ayuu ka dhintay. Markaa waxaan leeyahay arrintaa cadowgu yaanu ku farxin, Somaliland had iyo jeer wadatashi, wadahadal iyo arrimaha oo dhulka la dhigo ayey ku soo caano-maashay, iminkana waa in arrintan loo gurmado oo halkaas lagu joojiyo,” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf Axmed.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face