Share this:

" />
Published On: Tue, Jan 16th, 2018

Shirkadda Telesom Oo Shaqaaleheeda U Qabatay Koob Kubbadda Cagta Ah

Smiley face

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Garoonka Power League, ayaa lagu qabtay xaflad kooban oo lagu daah furay Koob loogu tala galay kooxaha kala duwan ee shaqaale weynaa  Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom.

Koobkan oo loo bixiyay “Koobka Kubbadda Cagta  ee Kobcinta iyo Isdhex-galka Shaqaalaha Shirkadda Telesom” ayaa waxa ka qayb geli doona lix kooxood oo u kala safanaya qaybaha iyo waaxaha guud ee ay ka kooban tahay shirkadda Telesom Group.

Kooxahaas, ayaa kala ah Kooxda ku ciyaaraysa magaca Telesom Comp. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Dara-Salam Bank. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Zaad Service. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Telesom Electric ee TEC. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Somgas iyo Kooxda ku ciyaaraysa magaca xawaaladda Taaj.

Koobkan oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Xarunta arrimaha bulshada ee Ummah Community Center ayaa xalay lagu daahfuray garoonka Power League waxana madashaas ka hadlay Maxamed Cabdi Giirre oo matalayay Shirkadda Telesom, waxana uu Mr. Giire sheegay in ujeeddada loo qabtay koobkan ay tahay in la dhiiri-geliyo Sports-ka, sidoo kalana ay shaqaale waynaha Shirkaddu isku bartaan, dhanka kalana waxa uu caddeeyay Mr. Giirre in koobkan aanu noqon doonin kii ugu danbeeyey ee Shirkaddu ay shaqaalaha u qabato, balse ay joogtayn doonaan, xooggana ay saari doonaan sidii caafimaadka shaqaalaha loo ilaalin lahaa iyagoo ciyaarahan iyo kuwa la mid ka ahba xoojinaya.

Xamse Cumar Kujoog oo isna matalayay bahda qabanqaabada ee Ummah Center ayaa sheegay in koobkan ujeeddadiisu ay tahay sidii dhalinyaradu ay ugu dhiirran lahayd Sports-ka, sidoo kalana waxa uu sheegay in Caqliga caafimaadka qaba laga helo jidh caafimaad qaba, sidaas awgeedna ay ka xarun ahaan diyaar u yihiin qabanqaabinta wax kasta oo caqliga iyo jidhka dhalinyarada lagu ilaalinayo.

Sidoo kale Xamse Cumar Kujoog ayaa sheegay in xarunta Ummah Community Center ay u taagan tahay horumarinta bulshada iyada oo dhinacyada aqoonta, horumarinta, cilmibaadhista iyo ka shaqaynta arrimaha bulshada xoogga saaraysa. Ugu danbayn Mr. Xamse ayaa u rajeeyay dhammaan kooxihii kasoo qayb galay koobkan guul iyo gobannimo.

Xafladdii furitaanka kaddib ayaa waxa kulankii ugu horreeyay iskaga hor yimi labada kooxood ee u kala ciyaarayay Dara-Salam Bank iyo Zaad Service. Ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badnayd oo labada kooxood ay soo bandhigeen kaddib waxa ay ciyaartaasi kusoo idlaatay barbarro 4 gool iyo 4 gool ah. Caawana waxa isla garoonkaas isku arki doona labada kooxood ee u kala ciyaaraya Telesom Comp. iyo Xawaaladda Taaj.

Xafiiska warbaahinta Telesom.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face