Share this:

" />
Published On: Sat, Aug 8th, 2015

Siyaasiga Iyo Suldaanka Cir-Caddaaga Noqday Waa In Sumad Loo Yeela: By. Prof. Mohamed A. Farah (Jaafaa)

Smiley face

Prof JaafaaWaxaan aaminsanahay in Siyaasiga maanta jooga aanu u muuqan diyaar u ahayn inuu dhibka ka saaro shacabkiisa, isla markaana aanu lahayn aragti qaranimo umadeed iyo hogaamin dal, haduuba nool yahayna xadhigeeda ma hayo, waxase taa bedelkeeda hamigoodu yahay dan shakhsiyadeed iyo mid deegaan gaar ah. Suldaaanka iyo madax dhaqameedka maanta joogaana wuxuu noqday mid hoos fadhiya una adeega Siyaasiga.
Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta maanta jooga waxan u sheegayaa micnaha qabiil aanu ahayn sida ay u fasirteen, qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu yahay kii Allaah noo sheegay oo aan cid lagu dulmayn.. Qabiilku wuxuu qabiil yahay markuu xaqiisa rabo xaqaagana ogol yahay. Qabiilku wuxuu qabiil yahay markuu nabadaada, midnimadaada, dawladnimadaada, qaranimadaada, sharafka iyo diintaada saldhig u yahay. Qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu leeyahay xeer iyo xuduud. Qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu yahay mid baahidaada daboolaya iyo aayahaaga. Hadduu intaa cadow ku yahay, waa cudur ee qabiil ma aha, waana masiibo qaran.
Waxaan in baddan aaminsanahay in qaladka ugu weyn ee shacabka Somaliland haysta uu yahay in ay cadeyn waayeen si Dimuqraadiyadi ugu sheegi waayaan codkooda baahida iyo cida masuul ka ah, masiibada hadba dhacda ee uu Siyaasigu horseedka ka yahay. Waxaana xaqiiqa ah in markaa Siyaasigii helay sax iyo khaladba dantii uu lahaa inuu fushado.
Waxaa maskaxdii umadda kala wareegay waxaan la aqoon iyo wax aan wax aqoon. Aqoontu waxay u bahan tahay maskax qaadi karta, hagi karta ee maahan wax baan akhrin karaa qori karaa, masuuliyaduna waa lamid waxay u baahan tahay shakhsi leh maskax iyo aragti hogaamin karta, leh shuruudihii hogaamiye umadeed ee maaha waa Somalilander ayuu yahay ama aan ahay.
Waa in waxaan Cir Cadaaga noqday Sumad loo kala yeelaa.
Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)
London.
jaafaa66@yahoo.no

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face