Share this:

" />
Published On: Sun, Dec 20th, 2015

Somaliland: Guddida Xal U Raadinta Mushkilada Sixir Barbarka Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Shirkaddaha Dahabshiil Group

Smiley face

Araweelo News Network

 Muuqaalka kulanka guddida xukuumadda ee xal u raadinta sixir babarka  iyo masuuliyiinta Shirkaddaha Dahabshiil Group

Muuqaalka kulanka guddida xukuumadda ee xal u raadinta sixir babarka iyo masuuliyiinta Shirkaddaha Dahabshiil Group

Hargeysa (ANN) Waxa si xidhiidha u socda Kulamadii ay Guddida Sicir bararka Madaxweynuhu u magacaabay ay maalmahan shirar kala duwan la yeelanayeen Masuuliyiinta Sarsare ee Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Shirkadaha xawaaladaha iyadoo ay galabtana guddidu la kulmeen Maamulka iyo Masuuliyiinta sare ee Shirkadda Dahabshiil Group.

 Muuqaalka kulanka guddida xukuumadda ee xal u raadinta sixir babarka  iyo masuuliyiinta Shirkaddaha Dahabshiil Group

Muuqaalka kulanka guddida xukuumadda ee xal u raadinta sixir babarka iyo masuuliyiinta Shirkaddaha Dahabshiil Group

muhiimada shirarka ay Gudidii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xilsaaray inay soo baadho kana soo tallo bixiso sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) oo weli ku guda jira u kuurgelida xaalada sicir bararka, iyagoo ku hawlahan sidii ay uga gun-gaadhi lahaayeen, xogo dheeraadana uga heli lahaayeen ilaha u dhuun daloola suuqyada iyo sarifka lacagaha kala duwan ee suuqyada ku jira ayaa halkii ka sii wada dedaalkoodii iyagoon tan iyo markii la magacaabay aan ka daalin arrimahaasi.

hadaba kulankan galabta oo ka qabsoomay Qasriga madaxtooyada ayaa lagu lafa-guray arrimo dhawra iyadoo la is dhaafsaday fikiro muhiima oo furre ama dariiq u noqon kara xal u helida sababaha keenay in sicirku kor u kaco.

Shirkan ayaa la xidhiidha ama daba socda shirar dhawra oo gudidu hore ula yeelatay Sariflayaasha, Shirkadaha & dad ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo sicirka lacagta, iyagoo halkaa ka sii wadi doona dedaalka ay ugu jiraan shirar noocan ah, iyadoo guddidu shirar la yeelan doonto cid kasta oo ay u arkaan in ay fikrado iyo talooyin la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa sicir bararka dalka ka jira, ujeedada guddiduna taasi ku qotonto ama salka ku hayso.

Ugu danbayn waxa halkaasi lagu falanqeeyey oo ay guddida iyo Masuuliyiintii ka socday Shirkada Dahabshiil Group kaga wada hadleen arrimo muhiima oo la isla qaatay in ay xal u noqon karto in halkiisi lagu soo dabaalo sicir bararka saameeyey suuqyada waa weyni iyo dhaqaalaha dalkaba.” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay kulankaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face