Share this:

" />
Published On: Mon, Sep 21st, 2015

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Dalka Imaaraadka Carabta Dhanbaal Tacsi Ah u Diray

Smiley face

presidentSilanTacsi ImaraadkaHargeysa(ANN)Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maanta u gudbiyey xukuumada Imaaraadka Carabta tacsi Madaxweynaha Somaliland ugu diray geeridii Sheekh Rashiid bin Maxamed bin Makhtuum.

Mr. Baashe Cawil oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay inuu maanta u gudbiyey xafiiska Raysal-wasaaraha Dubai Sheekh Maxamed bin Rashiid al Makhtuum, tacsidii Madaxweyne Siilanyo ugu diray geerida inankiisi Sheekh Rashiid bin Maxamed oo dhowaan si kedis ah wadnahu u istaagay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah maanta u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta.

Dhambaalka tacsida Madaxweyne Siilanyo oo afhayeenkiisu soo saaray ayaa lagu sheegay, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweynaha iyo Shacbiga imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Sheekh Rashiid bin Mohamed bin Rashid Al Maktoum oo uu Madaxweyne ku-xigeenka dalka Imaaraadka Carabta isla markaana ah xaakinka Dubai Sheekh Mohamed bin Rashid Al Maktoum uu dhalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo madaxda imaaraadka carabta gaar ahaana aabihiina uu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face