Share this:

" />
Published On: Sun, Mar 8th, 2015

Somaliland oo Qaaday Talaabo Miiska Wadahadalka ku soo Celin Karta Dawaladda Muqdisho. WQ: Maxamed Cabdalle Cilmi

Smiley face

qoraalWadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya waa arrin u baahan in waqti la siiyo, degdeguna sidiidsaba khayr ma leh, wadahadalkuna macnaha looga jeedo waa hab iyo hannaan ay dadku ku hagaajiyaan farqiga u dhexeeya, iyadoo loo adeegsanayo gor-gortan ama heshiis la gaadho.
Bishii February ee sannadii 2012 ayey ahayd markii ugu horeysay ee Somaliland ka qayb gasho shir loo qabto dalkii Soomaliya, ka qaybgalka Somaliland ee shirkaas wuxuu fure u noqday in labada dal wadahadlaan, kana xaajoodaan xidhiidhkooda mustaqbalka waxa uu noqonayo. Dawladda Ingiriiska oo shirkaa martigelisay waxay si cad u sheegtay in ka qaybgalka shirka ee Somaliland aanu marnaba wax u dhimayn doonistooda ay ku rabaan inay noqdaan waddan madaxbannaan, arrinkaana ay ixitiraamayaan.
Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo shirkaas ka jeediyey wuxuu uga fa’iidaystay inuu ugu doodo sida ay u haboon tahay in nabadaynta iyo xasilloonida Soomaliya laga soo bilaabo hoosta, iyadoo cashar laga baranyo sidii Somaliland ugu guulaysatay arrinkaa, waxa kale oo Madaxweyne Siilaanyo fursadan uga faa’iideystay inuu soo bandhigo arrinta icitiraafka, taas oo uu sheegay inuu rumaysan yahay in haddii la taageero, lana aqoonsado Somaliland ay wax weyn ka tari doonto deganaansho iyo xasillooni ku soo laabata Soomaaliya.
Ilaa hadda sida muuqata wadahadalkan wuxuu socday muddo ku siman saddex sanno keliya, iyadoo ay dheceen qiyaastii siddeed kulan oo labada dhinac isku soo hor fadhiisteen,aniga aragti ahaan waxay iila muuqdeen kulamadaasi dhammaantood in laga lahaa ujeedo ah kalsooni dhisid oo ah cunsur lagama maarmaan u ah wadahadal kastoo la gelayo, laakiin waxa muuqata oo aan la dafiri karayn in dhinac shakisan yihiin, shakigan oo noqon kara inay ay jiraan duruufo la doonayo in arrimuhu sii jiitamaan si aan markaba loogu dhicin biyo culusta, ilaa xal laga gaadho waxyaabo qarsoon oo aan bulshada xiligaa u muuqan.
Bal aynu ku yare hakano tusaale wax inoo yara iftiimin kara. Waa dalka Sudan iyo Jabhadii SPLM ee dagaalka kula jirtey, waa labadii waddan ee Afrika ugu danbeeyay ee taariikhdan dhow ku kala baxa midowgii Dawladnimo ee ka dhexeeyay. Sannadkii 1989, bishii June toddoba toddobaad guduhood markii uu awooda qabsaday General Cumar al Bashiir wuxuu ku qabanqaabiyey kulan uu la yeeshay Dhaqdhaqaaqii Xoraynta Shacabka Sudan garabkii hubaysnaa, isla bishii Oktoobar ee sannadkaa waxa la qabtay kulan wadahadal qaran oo ay ka qaybgaleen dhammaan xisbiyada siyaasadda iyo xataa cida aan metelayn xisbi, kaas oo lagu lafa guray waxyaabaha sababay colaada iyo habka lagu xallin karayo dhibaatada taagan.
Waxyaalihii shirkaa ka soo baxay waxa ka mid ahaa in dib loo eego siyaasadda xukuumadda ee ku jihaysan koonfurta Sudan, waxa kale oo layskula qaatay in dadka aan muslimka ahayn xaq u leeyihiin in aan lagu maamulin nidaamka Islaamiga ah ee waddanka ka hirgalay, xilligaa xaqa aaya ka tashigu kama mid ahayn warqadaha miiska yaal.
Si kastaba ha ahaatee xilligaa SPLM diyaar uma ahayn inay 1989 galaan wadahadal, waxay ahaayeen kuwo ku jira xilli ay lahaayeen gacan sarayn dhinaca awooda millateriga ah,waxayna qabsadeen inta badan dhulka koonfurta Suudaan, sidoo kale waxay xilligan dedaal ugu jireen xallinta kala qaybsanaan ka jirtay jabhadaha qaarkood oo lagu daray inay dhistaan xidhiidh caalami ah.
Ciidamada Dawladda ayaa ku jawaabay gulufyo dagaal oo ay qaadeen xagaagii sannadkii 1992-kii, kuwaasoo ay dib ugu qabsadeen xataa xaruntii maamulka Jabahda ee Torit, waxana lagu qasbay SPLM/A in lagu soo celiyo miiskii wadahadalada oo dib looga bilaabay magaalada Abuja sannadihii 1992-93kii, kuwaas oo ugu danbayntii lagu soo khatimay heshiiskii Nevasha ee sannadii 2005tii.
Maxalu shaahidka tusaalahan waxa kuu soo baxay inaad fahmi kartid halka ay ka timi kala kicii shirkii u dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kulmeen, sidoo kalena ay suurtogal tahay in qolada Muqdisho arrimo qabyo ka yihiin gudohooda, waxana rajeynayaa in mowqifka Dawladda Somaliland ka qaadatay ka qaybgalka shir dambe uu ka dhignaan doono tallaabo miiska wadahadlka ku soo celisa Xukuumada Federaaliga ee Muqdisho oo si aan ka fiirsi lahayn u diiday inay u hogaansamaan fulinta shuruud muhiim u ahayd wadahadlka.
Haddaba, marka akhris deg-dega aan ku sameeyay fal-celintii ka soo noqtay hakadka ku yimi wadahadalada labadii wefti ku yeelan laahaayeen Turkiga, waxa ii soo baxday in arinka ay kala kiciyeen ragga ka yimi dhinaca Muqdisho, si ay wax u dheceenba waxa aan qarsoonayn in doorkan walaalaha Muqdisho aanay daacad ka ahayn in wadahadlku guulaysto, arrimo dhowra ayaana u sibir saarayaa.
Ugu horayn, waxaynu ka war qabnaa in heshiisyadii hore labada dhinac u gaadheen qodobo ka mid ah ay ka biyo-iideen xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Muqdisho fadhiya,waxayna xujadooda daliil uga dhigeen in bunnuuda qaarkood laga dheehan karo macno loo fahmi karo in Somaliland tahay dawlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale,waxana xildhibaannadii xilligaa arrinkaa diidanaa ka mid ahaa Mudane Cali Khaliif Galaydh, hase ahaatee, aragtidoodaa waxa lagu muquuniyey cod ka dib markii arinkaa dood la geliyey,waxana maalintaa fadhiga baarlamaanka guddoominayey Mahad Cawed guddoomiye-xigeenka labaad, sida la dareemi karona gacan xukuumadda Xasan Sheekh meesha kama madhnayn oo iyadu arrinka riixaysay si goluhu u ansixiyo heshiiska.
Ka soo gudub, Isbedelo siyaasi ah ayaa ka dhacay Dawladda Federaalka dhexdeeda muddadii u dhaxaysay shirarkii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo shirka hakad ku ku yimi,waxa dhacday in isbeddeladaa yimi ay saamayn ku yeesheen Golaha Xukuumadda, isla markaana meesha ay ka bexeen wasiirro shirarkaa hore ee labada dhinac kaalin hormuud iyo xog ogaalnimo ku lahaa,waxa meesha soo gashay xukuumadd ay gacanta sare leeyihiin koox intooda badan, iyagu la olog ahayn madaxweyne Xasan Sheekh, una badan raggii ay iska hor yimaadeen xukuumadihii Saacid iyo Cabdiweli marka la joogo baarlamaanka gudihiisa, xilligana ku tirsan xayndaabka raysal-wasaaraha Cumar Cabdirashiid.
Taariikhdu markay ahayd 3 March 2015 oo ku beegnayd maalmihii lagu kala kacay shirka Turkiga,waraysi idaacada BBC la yeelatay Md. Cali Khaliif Galaydh wuxuu ammaan huwiyey xubnaha cusub ee golaha wasiirrada xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ku jiraan rag dhallinyaro ah oo maskax furan, waxana filayaa inuu u jeedo dar ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo isagu qayb ka qaatay kala kicii labada dhinac marka lagu qiimeeyo hadaladii iska hor iyo daba imanayey ee uu mariyey warbaahinta, waxana meesha ka soo baxday in dhacdadani marag fur u tahay in doorkan madaxweyne Xasan Sheekh wax badan gacanta ugu jirin.
Shaqsiyan waxan qabaa oo aaminsanahay in Cali Khaliif yahay siyaasi abaal badan ku leh Somaliland, marka laga yimaad dhalashada, wuxuu door shariif ah ka soo qaatay yag-leelidii Qaranka Somaliland oo ay saldhig u ahayd nabadayntii beelaha walaalaha ah ee waddanka wada degga, waxana filayaa inuu tabasho uun kaga maqan yahay dalkiisa iyo dadkiisa Somaliland, maalin maalmaha ka mid ahana u soo noqon doono, hase ahaatee in kastaba ha leekaatee waxa la saadaalin karaa inuu talo ku lahaa ku darista xubno Somaliland ka soo jeeda inay tagaan wadahadalka Turkiga, natiijadii ka dhalatayna ay noqotay in Somaliland ku dhawaaqdo inay hakiso wadahadladii u socday Soomaaliya, arrintan oo Cali Khlaiif ku noqon karo nin aan la mahadin taladii uu bixiyey.
Marka laysku soo xooriyo, waqti xaadirkan Somaliland waxay taagan tahay mowqif looga garaabi karo in aanay ku ceebaysnayn diidmada ay ku dedefaysay inay hor faadhiistaan weftigii Muqdisho ee Wasiir Maareeye budhtuurka u ahaa, haddana way dhici kartaa in galaangal dhinaca dublamaasiyada ah la yimaad culayskiisa, gaar ahaan waddamo mandaqada qaarkood oo xidhiidh dhaafsan is xulufaysi la leh Muqdisho, kuna taageeri kara gar iyo gardaraba, sidaa darteed, waa lagama maar maan in Somaliland isticmaasho laba farsamo oo midna ay ugu caqli celinayso Dawladda Muqdisho inay ku soo laabtaan xayndaabkii wadahadlka, ka kalena ay raadsanayso gaashaan buur dublamasiyadeed oo ay iskaga difaacdo cidhiidhi kasta oo ka soo waajaha waddamada danaha ka leh Muqdisho haddiiba la soo dhaq-dhaqaajiyo.
WQ: Maxamed Cabdalle Cilmi

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face