Share this:

" />
Published On: Tue, Jan 12th, 2016

Somaliland Waxay Ku Dul-kuftay Loolanka Siyaasada Sucuudiga Iyo Iran

Smiley face

Warbixin: Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network
xafladaha aroosyadayemen
Dhacdooyinka Ay Wadaagaan 47 Sucuudigu Khaarajiyay Iyo Xusuusta Shacbiga Siomaliland ee 47-kii Lagu Xasuuqay Xeebta Jaziira


Maxaa isku Xidhay Mawaaqifta Muqdisho Iyo Hargeysa Ee Xiisada Iran Iyo Sucuudiga

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa taageeray Dawlada Sucuudiga oo waqtigan loolan is muujin iyo xiisad siyaasadeed ka dhex aloosantay Iran, taas oo xiligan ay sii xoojisay dagaalka xasuuqa iyo bur-burinta ah ee Sucuudigu ka waday tan iyo sanadkii hore March 2015, dalka Yemen oo ay Bulshada Somaliland wadaagaan xuduud dhinaca Badda Cas iyo gacanka cadmeed ee ay labada dhinac wada kulaalayaan iyo sidoo kale taariikh isir, Ganacsi iyo xidhiidh qoto dheer oo ka dhexeeya Yemen iyo Somaliland.

Xiisada Iran iyo Sucuudiga, waxay ahayd mid soo taxnayd ilaa xili hore, isla markaana mararka qaar ku salaysan Khilaafka Mad’ahibta laba dhinac Bulshooyinkoodu u baddan yihiin ee Suni iyo Shiica, balse waxay sii xumaanaysay sannado ka hor dagaalkii Ururka Xisbulaah ee ka jira dalka Lubnaan la galay Israel toban sanadood ka hor 2006, kaas oo socday muddo Afartan maalmood ah.

Iran iyo Syria, waxay waqtigaa xulo ku ahaayeen dagaalka Xisbulaah la gashay Israel, halka wadamada Khaliijku ka horyimaadeen, isla markaana Boqortooyada Sucuudiga, ayaa xiligaa ku tilmaantay dagaalka mid jar-iska xoornimo ah, balse markii ay guusha dagaalku raacday Xisbulaah oo taageero ka helay Iran iyo Syria, waxay arrintasi wejigabax ku noqotay dalalka Khaliijka oo u xaglinayay dhinaca reer galbeedka iyo Israel.

Hase yeeshee wixii mudadaa ka danbeeyay waxa sii xoogaystay loolanka dhinaca awoodda ee gobolka oo ay Iran oo kaashanay Syria doonay in iyada wax laga weydiiyo gobolka, balse Sucuudiga iyo dalalka Khaliijka ee u dhega nugul reer galbeedka iyo danaha Israel, waxay u arkeen arrintaa khatar, taas bedelkeeda, waxay badhitaareen siyaasada reer galbeedka ee duulaankii Ciraaq 2003.
cadaawadii dadka reer Ciraaq loogu qaybiyay Suni iyo Shiica, ayaa noqotay ujeedooyinka ugu waaweyn e ay guusha u arkaan kuwii dabada ka riixayay weerrarkii duulaanka Ciraaq oo lagu guulaystay, taas oo dalka Reer Ciraaq u horseeday kala qaybsanaan bur-bur iyo xasiloonidaro dhiig ku qubanayay dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay tan iyo markii Hoggaamiyihii dalkaa ee Sadam Xuseen meesha laga saaray 2003, waxa ku dhintay saddex ilaa afartii sanadood ee u horeeyay dad ka baddan Nus malyuun, welina waxa socda 12 sanadoo kadib dagaalo gumaad foolxun oo ka dhacaya Ciraaq.

Kacdoonkii 17 December 2010 – 14 January xukunka lagaga tuuray Hoggaamiyihii dalka Tunisia Mr. Zine El Abidine Ben Ali oo waajahay kacdooni duufaano ah oo loo bxiyay gu’gii Carabta, ayaa ka bilaabay Tunisia, kuwaas oo galaaftay Hoggamiyayaal carbeed oo caan ka ahaa dunida, isla markaana qaarkood ka mid ahaayeen kuwo ay buuxiyeen nacaybka Yuhuuda iyo in aanay u dhega nuglaan danaha reer galbeedka.

Hoggaamiyihii Liibiya Mucmar Al-Qadaafi, ayaa ka mid ahaa kuwa danaha reer galbeedka iyo Yuhuuda sida weyn uga horyimi, isla markaana dalalka khaliijka iyo Jaamacada Carabta ku tilmaami jiray kuwo ugu wacan bahdilaada iyo bur-burka shucuubta Islaamka, balse Qadaafi iyo kuwo kaleba waxa la jiidhsiiyay Kacdooonada duufaanka ahaa ee loo bixiyay Gu’gii Carabta, waxaana ugu danbayntii kacdoon hubaysan oo kooxaha xagjirka ee taageerada ka helayay reer galbeedka , Israel iyo dalalka khaliijku si foolxun oo waxashnimo ah ugu dileen 20 Oct, 2011 Mucmar Al Qadafi iyo wiil uu dhalay galbeedka magaalada Sirta ee Libya.

Markaa kadib waxa si weyn loo gil-gilay dalka Suuriya si meesha loo saaro xukunka Bashaar Al Asad oo uu dhalay Hoggaamiye dunida Carabta magac weyn ku lahaa, isla markaana ka mid ahaa xabkaha isu hayay siyaasada Baridha dhexe, natiijada dagaalkii Xisbulaah 2006, dhexmaray Israel, ayaa sababtay in Syria laga bilaabo kacdoon dibadda laga hagayay oo isu bedelay dagaalka socday dhawrkii sanadood ee danbeeyay, kaas oo sababay kumaan qof inay ku nafwaayaan, isla marakana ay maalayin dadka reer Suuriya u qaxaan dunida kale, waxa la dumiyay xadaaradii iyo taariikhdii dhawr kun oo sanadood ku kaydsanayd Dimishiq (Damascus) oo ahayd caasimad kumanaan sanadood jirtay, taas oo markii u horaysay inta la hayo Taariikhda laga qaxay.

“gacantii burburisay Ciraaq ayaa haddana dooneysa iney burburiso Syria, waxa ka socda Syria maaha Dalab dimoqraadiyadeed, ama kacdoon Shacab ee waa duminta Jiritaanka dalka Syria” sidaa waxa yidhi, Higgaamiyaha Ururka Xisbulaah Sheekh Xasan Nasrulaah oo bilawgii kacdoonka Suuriya ka hadlay.

Xasan Nasrulaah, wuxuu ku eedeeyay xiligaa Israel iyo reer galbeedka iyo dowlado ka tirsan gobolka inay gacan siiyaan kooxaha mucaaradka Siiriya, kuwaasoo sida uu sheegay ujeedada iyo hadafka ay ka leeyihiin yahay inaan garab lasiin kooxaha Lubnaan iyo Falastiin ee dagaalka kula jira Israel.

Sucuudiga iyo xulufadiisu waxay dagaalka Syria kala mawquf noqdeen Israel iyo reer galbeedka oo doonaya in meesha laga saaro Bashaar Al-Asad, si taas loogu guulaystona waxa loo muujiyay rayal caamka Bulshada islaamka in dagaalka Suuriya la xidhiidho oo sal ku leeyahay Suni iyo Shiica, balse xaqiiiqda ayaa ka duwan sidaa, mana jirto wax guul ah oo laga gaadhay dagaalka Suuriya oo aan ka ahayn bur-bur iyo colaad kusii fida mandaqada, isla marlaana loosoo waarido dhinaca dalka Yemen oo xulufada Sucuudigu ku bilawday dumuqaymo dhinaca Cirka ah March 2015, laakiin weerarada dhinaca Cirka ee sucuudiga iyo Xulufadiisu waxba kama bedelin awoodda kuwa kasoo horjeeda Madaxweyne Cabdirabbo Mansuur oo Magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta lagu soo celiyay Sep 2015, kadib markii xulufada Ciidanka Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Salaax iyo Malayshiyada ay teegeerto Iran oo inta baddan dalku gacanta u galay iskood uga baxeen halkaa.

Dagaalka Yemen, wuxuu Sucuudiga ku noqday Laf Dhuun gashay, wuxuuna ku guuldaraystay inuu burbura dalka iyo dadka reer Yamaneed ka sokow uu ka hirgeliyo halkaa qorshaha Israel iyo xulufada reer galbeedka ee ku salaysan kala qaybinta shucuubta Islaamka, waxaana meel mari waayay in shacbiga Yemen loo qaybiyo Suni iyo Shiico, Malayshiyada Xuutiyiinta oo dagaal kula jiray Madaxweyniha ay waqtigan xulufada yihiin ee Cali cabdalla saalax oo kacdoon sucuudigu dabada ka riixayay lagu khasbay inuu xukunka ku wareejiyo ku xigeenkiisii Cabdirabbo Mansuur 27 February 2012.

Malayshiyada Xuutiyiinta ilaa ugu yaraan sideed jeer dagaal dhexmaray Madaxweyne Saalax ka hor intii aanu xukunka wareejin, waxay xuutiyiintu taageero ka heli jireen dalka Sucuudiga ee ay dhinaca xadka ka kulaalayaan, balse waxa jirtay xili ay dawlada Sucuudigu dhinacooda weerar kusoo qaaday Buuraleyda dhinaca xadka ee fadhiisinka u ahaa Xuutiyiinta ka hor intii aanay soo gelin magaalada Caasimada ee Sanca, waayna mar keliya dawlada Sucuudigu bdeshay mawqifkeedii. kadib markii Madaxweyne Saalax meesha ka baxay, iyadoo la safatay Madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdirabbo Mansuur ee uu xukunka ku wareejiyay, kaas oo awoodi waayay inuu sii wado hoogaaminta dalka, isla markaana malayshiyada Xuutiyiinta iyo Askarta Madaxweynihii hore taabacsani maxbuus ahaan ugu haysteen Sanca, balse aakhirkii usoo cararay dhinaca Koonfurta uu kasoo jeeday ee Cadan.

Xiisada colaada dalka Yemen, waxay iba-furtay loolanka Sucuudiga iyo Iran ee gobolka, iyadoo Iran si weyn u canbaaraysay duulaanka xulufada Sucuudiga ee Yemen, isla markaana ku tilmaantay inuu yahay ka hagaya dagaalada ay kooxaha ISIS iyo Al-Qaida ka wadaan meelo baddan oo dunida Islaamka ah.

Sucuudigu, waxay kala kulmeen weerrarkii aan laga fiirsan iyo duulaankii Yemen weji gabax iyo fashil kasoo waajahay dagaalka Yemen ee uu kala kulmay guuldarada, taas oo lagu sifeeyay inay sabab u tahay dilka todobadkii hore 47 Culimo waaweyn ay ku jiraan iyo Daaciyiin, kuwaas oo ujeedada keliya ee ka danbaysay dilkooda ay ahayd sidii loo khaarajin lahaa Sheekh Caan ka ahaa dalka Sucuudiga iyo Dunida Islaamka oo haystay Mad’habta Shiicada. sheekh Nimar Al Numar Iyo 46 qof oo kale.

Waxay tallaabadani u muuqatay mid ujeedada keliya ee laga lahaa ahayd in Sucuudigu doonayo inuu ku qariyo guuldarada siyaasadeed ee kasoo waajahday dalka Yemen iyo hirgeli la’aanta kala qaybinta shacbiga Yemen oo u qaybsami waayay Shiico iyo Suni.

Arrintaa, ayaa sababtay inuu Sucuudigu waajaho Canbaarayn caalami ah oo kaga timi qaar baddan oo ka mid ah dawladaha waaweyn ee dunida iyo hay’addo caalami ah, isla markaana waxay tallaabadan cirka ku shareertay xiisada u dhaxaysay labada dal, iyadoo dalal baddan oo ka mid ah kuwa Islaamka ee la saftay Sucuudiga xidhidhka u jareen dalka Iran. kadib jawaabtii ay dad shacab ah oo Iran u dhashay kaga fal celiyeen arrintaa, kuwaas oo gubay safaaradii sucuudigu ku lahaa Tehran.

Deldelaada 47 qof ee uu ku jiray Sheekh Nimar Al Numar, waxay Bulshada Somaliland xusuusisay mid ka mid ah Xasuuqyadii Caanka ahaa ee xukuumaddi uu Sucuudigu hormoorka ka ahaayeen kuwa taageera Maxamed Siyaad Bare xiligii sideetanaadkii ku fulinaysay shacbiga Somaliland, iyadoo sidan oo kale 17-kii July ee 1989, Xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho lagu xasuuqay 47 qof oo loo dilay keliya Isirkooda iyo nacayb ku salaysan dadka kasoo jeeday xiligaa Wqooyiga Somalia oo hadda ah qaran Madaxbanaanidiisa dib ula soo noqday kadib dagaal dhiig baddan ku daatay 18 May 1991.

waxayna tallaabooyinkii xasuuqa iyo gumaadka ahaa ee xiligaa taliskii Milateri ka wadeen gobolada Woqooyi soo dedejiyeen bur-burka Xukuumaddii Somalia ee Milateriga ahayd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare. sidaa awgeed waxay u muuqataa in tallaabada uu qaaday Sucuudigu ay tahay mid shacbiga Somaliland xusuusisay xasuuqaa, isla markaana soo dedejinay inuu meesha ka baxo xukunka gabaabsiga ah ee Boqortooyadda Sucuudiga.

Balse waxay doodo ka taagan yihiin sababta Hoggaamiyaha Xukuumadda Gacan ku rimiska ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isku mawqif uga noqdeen taageereerada mawqifka Sucuudiga iyo xulufada uu doonayo inuu mujtamaca Islaamka ugu qaybiyo dabka uu batroolka uga dhigay Madaa’hibta Shiicada iyo Suniga, taas oo ay qaar ka mid ah dalalka islaamku dhegaha ka furaysteen.

si kastaba ha ahaatee Somaliland lagama filayn inay arrinta Sucuudiga iyo Iran kala mawqif noqoto Xukuumadda Somalia ee gacan ku rimiska ah, balse waxa la filayay inay Somaliland, iyadoo ka faa’idaysanay istiraatiijiyada ay ku taal, isla markaana ku xisaabtamay doorka siyaasadeed ee ay ciyaari karto iyo fursada uga bannaan inay taageero ugu hesho qadiyadeeda arrimaha gobolka oo aanay dabaalan siyaasada habawsan ee sabaynay mandaqada gasiiradda Carabta iyo bariga dhexe oo waqtigan la doonayo in loosoo waarido geeska Afrika si meesha looga saaro xasiloonida aan cagaha baddan ku taagnayn ee ka jirta dhawr dal oo gobolka ah oo Somaliland ku jirto, waayna u muuqataa dhawaaqa Madaxweynaha Somaliland ee taageerada arrintan mid ay qayb kayihiin kooxo wadaado ah oo mabaadiida siyaasadeed ee Sucuudiga uga wakiil ah gobolka, kuwaas oo Xukuumadda u jiheeyay dhinaca safka Sucuudiga iyo Khaliijka, waxase aan la dafiri karin in rayal caamka shacbiga Somaliland aanay jeclaysan mawqifkaa xukuumadooda oo ay u arkaan mid lagu degdegay oo aan laga firsan iyo sida ay u muuqato khatarta in arrintani dab kusii shiday collaadihii uu hore ula ildarnaa gobolku ee nus qarniga ka socday Somalia, kuwaas oo isugu jira kuwo diimeed, kuwo dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed oo aan la ogayn halka ay isugu biyo shubanayaan, balse waxaynu eegi doona natiijada collaadaha qori isu dhiibka ah ee Sucuudigu kusoo waariday geeska Afrika iyo halka ay Somaliland dhigto taageerada Siyaasadeed ee ay kula kuftay Sucuudiga.

Warbixin: Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelo News Network Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 063 476 4409

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face