Share this:

" />
Published On: Tue, Sep 22nd, 2015

Somaliland: Xukuumad U Xuub-siibatay Ganacsato, Golle Dillaaliin Ah Iyo Guurti Garrab Taaggan

Smiley face

By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
HaamahaBerberaXaallad siyaasadeed iyo xiisad ayaa maalmihii u danbeeyay ka dhextaagnayd qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo aqalka ay jaarka yihiin ee golaha wakiilada, taas oo ka dhalatay qorshe xukuumaddu ku doonayso in heshiis hoose si qarsoodi ah loogu wareejiyo Haammaha Kaydka Shidaalka ee Berbera shirkado ganacsato ah oo gaar loo leeyahay.

Hase yeeshee golaha wakiilada Somaliland, ayaa go’aan gole oo ay soo saareen 30 August 2015, ku laalay heshiiska qarsoon ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Haammaha Kaydka Shidaalka ku wareejinayso shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay, balse qoraal Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay golaha 3 Sep 2015, waxa lagu sheegay in xukuumaddu xaq u leedahay tallaabada ay doonay inay ku wareejiso shirkado gaar ah Kaydka Haammaha Shidaalka, waxayna dooddeeda xukuumadda Madaxweyne u cuskatay qodobo dastuuri ah, balse waxay meesha ka saartay tilmaamaha ku cad qaanuunka iyo xeerarka dalka ee loo marayo habka loo wareejin karo, ama loo iibin karo hantida ummadda.

In kasta oo gollaha wakiiladda Somaliland muran iyo khilaaf gacanta laysula tegey ka dhashay fadhi la doonayay in mooshin lagu taageerayo heshiiska xukuumaddu ku wareejinay Haammaha lasoo dhigo,kaas oo daba socday mooshin hore gollaha Wakiiladdu go’aan oo ku taariikhaysan August 30, 2015, isla markaana muranka iyo xiisada arrintaasi ka dhalisay golaha dhexdiisa ay sababtay in guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ay gacanta isu qaadeen, balse muranka dhinacyada mudanayaasha ee la xidhiidhay arrintaa ayaa u muuqday mid aan ku salaysnayn ilaalinta hantida ummmadda iyo inay si daacad ah dabar u noqdaan tallaabooyinka khaldan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse waxa loo fasirtay murankaa mid salka ku haya danno gaar iyo mooshino ujeedooyin dilaalnimo aan ka fogayn.

Sababtoo ah golaha wakiiladdu mooshinka ay bilawgii la sara kaceen, waxay ku laaleen heshiis aanay wax macluumaad ah ka hayn, isla markaana aanay ogayn nooca uu yahay heshiisku, cimrigiisa, shirkadaha ay xukuumaddu la gashay ee la siinayo kuwa ay yihiin iyo in la mariyay nidaamka sharci ee dalka oo loo bandhigay ka hor inta aan cid gaar ah heshiis lala gelin muwaadiinta sida uu tilmaamayo dastuurka dalku si marka ay xaqiiqsadaan in aan heshiiska ka hor la marin dastuurka iyo qaanuunka sharci ee dalka ay golaha wakiiladdu dooddooda uga dhigaan mid sharci oo si cad u tilmaamay in la jebiyay qodobo dastuuri ah iyo qaanuunka nidaamka sharci ee ay ku dhisantahay Hay’adda qandaraasyada dalka, balse taas bedelkeeda golahu wuxuu samaystay buuq iyo sawaxan aanay ka muuqan ilaalinta sharciga iyo qaanuunka dalka oo aan horeba looga baran, waxaana mooshinada kala ujeedooyinka ah sababeen gacan ka hadlakii labada guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo ku xigeenkiisa Baashe, kuwaas oo si fawaaxish ah milgaha , sharafta iyo haybadda karaamada qaranka ugu faraxumeeyay shacbiga hortiisa, isla markaana sabab u noqday in goluhu kulankii ku xigay fadhigaa ku galay fasax maalmihii lasoo dhaafay.

Arrimahan ayaa fursad u siiyay xukuumadda Madaxweyne inay sii wadato qorsheheedii ay ku doonaysay inay ku wareejiso Kaydka Haammaha Shidaalka ee Berbera kooxo ganacsato ah, kuwaas oo ka kooban dhawr shirkadood oo ay ugu madax weyn yihiin shirkaddaha Hass patrolman, Red Sea iyo shirkaddo yar yar oo dhowaan la sameeyay, isla markaana qaarkood lala xidhiidhiyay Qoyska Madaxtooyadda iyo Haweenka guurtida Awoodda baddan ee Madaxtooyadda (Seven stars) iyo shaqsiyaad kale oo si gaar ah loogu naas nuujinayo hantida ummadda iyo illaha dhaqaallaha dalka.

Tallaabadan iyo kuwo kale oo ka horeeyay oo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday, isla markaana la xidhiidhay qandaraasyo shaqsiyaad iyo ganacsato shirkaddo gaar loo leeyahay oo loo gacan geliyay Hanti ummaddeed, iyadoo aan hore u dhicin, isla markaana laga filayn in xukuumaddu u marto dariiqa sharci iyo nidaamka qaanuunka dalka ma jirin dood iyo sawaxan laga maqlay golaha wakiiladda Somaliland ee toban jir dhaafay, iyadoo la xuuusan yahay wareejinta sidan oo kale loogu wareejiyay ganacsato gaar ah Wakaaladdihii Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera
Sidoo kale kumanaan qondaraas oo la xidhiidha mashaaariic lagu qiyaasay malaayiin dolar, waxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si u siisay shaqsiyaad gaar ah, iyadoo aan la marin Hay’adda qandaraastada qaranka ee magac u yaalka noqotay, waxayna arrimahaa iyo kuwo kale oo marar baddab shacbigu su’aalo iska weydiiyeen noqdeen kuwo niyad jab ku keenay bulshada saboolka ah ee u han weynayd xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xiligii Ololaha doorashada shan sanaood ka hor, balse haatan xaqiiqsatay dhibaatooyinka dhaqaalle iyo kuwa nolosha ijtimaaciga ah ee ay abuureeb tallaabooyinka iyo hab dhaqanka xuukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo sababay inay nolosha bulshadda Somaliland u qaybsanto laba dabaqadood , isla markaana koox yar lagu kordhiyay dhaqaallaha dalka ee bulshadu ka filaysay in si waafaqsan qaanuunka iyo dastuurka dalka si siman loogu qaybiyo bulshada, balse taas bedelkeeda ay xukuumaddu abuurtay koox yar oo ku kobacday dhaqaallaha dalka iyo hantida ummmadda iyo Bulshadii kale oo ay hadheeyeen duruufo dhaqaalle iyo kuwo nololeed, isla markaana xiligan si dhab ah loo dareemay inay nolosha bulshada Somaliland u qaybsantay laba dabaqadood, taas oo meesha ka saartay jiritaanka dabaqada dhexe ee ugu muhiimsan.

Dhibaatooyinka noocan ah ee ka dhashay qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo marba Koox gaar ah awoodeedu ugu gacan gelaysay shantii sannadood ee u danbeeyay, marka laga reebo sanad iyo badhkii u horeeyay, ayaa sabab u noqday inay kumanaan dhalinyaro ah ka haajiraan dalka, iyagoo niyad jab kala kulmay rajadii iyo yidiiladii ay naaweliyeen xiligii kaanbaynka ee ay ka filayeen xukuumadda Madaxeyne Siilaanyo shan sanadood ka hor, kuwaas bilawgii xukuumadda Siilaanyo garwaaqsaday in ay qaaday jiha khaldan, isla markaana xaqiiqsaday in aanay xukuumaddu ahayn tii danta caamka ah ee dhinacyada horumarka bulshada, abuurista shaqooyin iyo fursado loo siman yahay abuuri lahayd, balse si cad ugu xuubsiibatay xukuumad u addeegay shirkaddo iyo abuuritaanka shaqsiyaad iyo burjuwaasiyiin ah oo si gaar ah loogu kobciyay dhaqaallaha dalka, taas oo meesha ka saartay tallaabooyinka laga filayay iyo balanqaadyadii quluubta bulshada soo jiidanayay ee xiligii ololaha doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee 2010.
Dhacdooyinka iyo dhammaan arrimahan , waxay dhacayeen iyadoo ay markhaati ka yihiin golaihii sharci dejinta ee Wakiiladda oo la filayay in dabar u noqdaan xukuumadda, balse waxa ay waqtigan bulshadu xaqiiqsatay inay gebi ahaan golahaasi isu bedelleen golle muraayado madaw ka xidhtay dhaqamada ay horseedka u tahay xukuumadda Madaxweyne iyo dhibaatooyinka dhaqaalle ee nololeed, waxayna golaha u muujiyeen arrimahaasi kuwo isugu biyo shubtay dilaaliin, iyadoo golaha Guurtidu u muuqda kuwo ku garab taagan dhibaatooyinka soo wajahay bulshada ee xukuumaddi waajibka loo doortay ahaa inay u adeegto bulshada noqotay mid u xuub siibata shirkaddo ganacsi iyo in dhaqaalle loo abuuro kooxo iyo shaqsiyaad gaar ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa lumay adeegii iyo haykalkii dhismaha qaran, haybadii iyo nidaamkii dawladnimo oo u gacan galay Kooxo yar yar oo is dhaqaalle doon ah, waxayna dhacdooyinka noocan ah iyo hab dhaqanka guracan ee ay dhaqmeen Xukuumadda, gollaha wakiilada iyo guurtidu sababi karaan dhibaatooyin ka dhasha duruufaha nololeed ee hadheeyay bulshada, kuwaas oo sabab u noqon kara gedeed shacbi oo aan natiijadiisa la saadaalin Karin, isla marakana aanay qaadi Karin Somaliland marka la eego duruufaha siyaasadeed iyo dhinaca amaanka ee ku xeerran waqtigan.

By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face