Share this:

" />
Published On: Mon, Feb 2nd, 2015

Somaliland:”Nina dunida kelidii Qoodh kama noqdoo Qalin horaa yaale, Waa waxa Fircoon loo qarraqay qoor la fidiyaaye”

Smiley face

qoraal

“Nina dunida kelidii Qoodh kama noqdoo Qalin horaa yaale, Waa waxa Fircoon loo qaraqey qoor la fidiyaaye”
(Gabyaa: Cabdillaahi Suldaan Max’ed-Timacade-).

Hagardaamo iyo howl joogto ah ayaa bani’aadamku kala kulmaan hayaanka maalinle ee nolosha bulshada lagu maareeyo. Waa hubaal inuu jiro kala duwanaan dhinacyo badan oo ay sabab u tahay wadciga deegaanada lagu kala nool yahay iyo dhaqamada bulshooyinka ee kala duwan; qaaradi qaarad kale la mid maaha, bulshana bulsho kale la caado maaha. Sidaa darteed furdaaminta waayaha nolosha si uma wada waajahaan bulshooyinku dunida dacal ila dacal. Sababaha ugu waawayn waxa la odhan karaa iyada oo aanay jirin caqiido ay ku midaysan yihiin ummadaha dunida maanta ku nool; qaar baa cawaan ah, qaar baa masiixi ah, qaar baa Muslim ah, qaar baa cunsuriyad u gaar ah aamisan, qaar baa buudhisam aaminsan iyo waxyaabo kale oo badan!
Haddaba, nidaamka TALO-WADAAGA (Democracy) ayaa ah mid si wayn awood ugu leh nidaamka dowladnimo inta badan dunida maanta aynu ku nool nahay, kaasi oo lagu fuliyo howl maalmeedka is-maamul ee bulshooyin badan, waayo, fursadda oo saaciday rubuc qarnigii u dambeeyey Qarnigii 20aad ee dhamaaday. Nidaamkan ayaa ah mid ay si wayn dabada uga riixaan oo ay ugu ololeeyaan hirgelintiisa inta badan dowladaha dunida ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan ee reer Galbeedka. Waxaanay arrintani sii xoogaysatay intii ka dambaysey dhammaadkii dagaalkii Qaboobaa ee u dhexeeyey Galbeedka iyo Bariga bilowgii shagaashanaadkii (1991kii).
Marka laga tago dulucda, raad-raaca taariikheed iyo sidii uu ku curtay habkan TALO-WADAAGU (Democracy system), maraaxilka uu soo maray iyo sababaha keenay inuu maanta sidan wayn u awoodaysto, waxa is weydiin leh mucda iyo xubnaha ugu muhiimsan ee uu ka kooban yahey? Inta badan nidaamkani waxa uu waajibiyaa ka qaygalka talada ummadda ee muwaadiniinta si toos ah iyo si dedban labadaba. Nidaamka dawladnimadu waa dhawr nooc oo kala ah; kow, dowladaha qaar waa baarlamaani (the parliamentary system) qaabkan dawliga ah dunida in badani waxay ku dhaqantaa nidaamka Federaalka, laba; waa hab madaxweyne (the presidential system) ama loo yaqaan habka urursan, saddex; hab Boqortooyo (Monarchy) sida Sucuudiga, halka ay jiraan kuwo boqortooyo maamuus leh sida Ingiriiska, Denmark, Sweden IWM.
Haddaba, waddankeena Somaliland waxaynu cuganay habka Madaxweyne iyo ku-xigeen oo la mid ah ka Mareykanka iyo waddamo kale iyadoo qaabka dowladdeenu yahay midkan urursan (unitary system). Sidaa darteed, waxa uu dastuurkeenu waajibiyaa awoodaha kala XADEYSAN ee waax kasta oo dowladda ka mid ah, waa awoodda Fulinta (xukuumadda), ta sharci-dejinta (Baarlamanka) iyo midka Garsoorka oo midba kan kale ka madaxbannaan tahay, isla markaana ugu filan yahay inuu xakameeyo si waafaqsan kala xadaynta dastuurku waajibiyey. Sidoo kale dastuurku wuxuu qeexayaa qaabka wada-shaqeyneed, isla-xisaabtan iyo cugashada masuuliyadda oo xilliyeysan inta badan sida doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka, doorashada goleyaasha sharci-dejinta iyo midka dowladaha hoose.
Bal aynu si fudud u jaleecno sida dastuurkeenu u kala xadeeyey awoodaha dowladn:-
Awooda Fulinta:-
Waaxda fulinta oo ka mid ah saddexda tiir ee ku qeexan nidaamka dowladnimada qarankeena ayaa dastuurku siinayaa awoodahan sida ku cad Qodobka 90aad ee dastuurka:-
AWOODAHA MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka dowladda. Si uu u gudan karo xillalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:-
1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee xukuumadda.
2. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada.
3. Magacaabidda iyo xil-u-kala wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:-
a. Hanti-dhowraha Guud.
b. Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
c. Guddoomiyaha iyo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawadda;
d. Xisaabiyaha Guud;
e. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha;
f. Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
g. Danjirayaasha;
h. Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo
i. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-u-kala wareejintooda.
4. Hoggaaminta ciidamada Qaranka, maadaama uu yahay Taliyaha Guud (Commander-in-Chief).
5. Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda oo ay ka reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda Shareecadda lslaamka iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, kadib marka uu la tashado hay’adaha ku shaqada leh.
6. Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.
7. Ka qaybgelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.
8. Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials).
9. Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah, urrurada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.
a. Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.
10. Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg ah.
11. Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;
12. Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.
13. Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.
Qodobka 91aad ayaa isna qeexaya awooda Madax-weyne xigeenka sidatan:-
Madaxweyne-ku-xigeenka Qaranku wuxuu awood u leeyahay:-
1. Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.
2. Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.
3. Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-
b. Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.
t. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;
j. Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo
x. Geeri ku timaada.
Awooda Sharci-dejinta:-
GOLAHA WAKIILADA:

Qodobka 53aad ayaa tilmaamaya AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA oo ka mid ah labada qeybood ee baarlamaanka JSL mid ahaan:-
1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo wasiir, wasiir-ku-xigeen iyo madaxda hay’adaha dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.
2. Golaha Wakiilladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta barnaamijka xukuumadda.
3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda ama keenaya soo-saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinayaa Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
5. Ku-soo rogida dalka ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole {Golaha Wakiilada & Golaha Guuritada} oggolaansho.
6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay wasiirka ama madaxda hay’adaha dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka oo ay hawshoodu khusayso, inay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.
Intaasi waxaa dheer oo qodobka 54aad tilmaamaya awoodo kale oo dhinaca maaliyada ah:-
Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:-
1. Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor loogu qaadayo dakhliga.
2. Aasaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu urrurinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya.
3. In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qiimo dammaanadeed.
4. Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.
GOLAHA GUURTIDA:
Qodobka 61aad ayaa tilmaamaya AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA GUURTIDA sidatan:-
1. Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.
2. Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shirguddoonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.
3. Ka-talo-bixinta dhaliilaha maamul ee xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha Wakiilada.
4. Ka-gacan-siinta xukuumadda arrimaha la xidhiidha Diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madaxdhaqmeedka beelaha.
5. U yeedhidda xubnaha xukuumadda iyo wax-ka-waydiinta gudashada xilkooda.
6. Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u leeyahay inuu Golaha Wakiilada u gudbiyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go’aana uga gaadho.
AWOODA GARSOORKA:-
QAYBTA AFRAAD XUBINTEEDA 1AAD AYAA TILMAAMAMAY WAAXDA GARSOORKA.
Qodobka 97aad oo isla qeybtani afraad ka bilaabanto ayaa sheegaya Awooda Waaxda Garsoorka sidatan:
1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor oo hawsheedu tahay u garnaqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.
2. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.
QODOBKA 98AAD ayaa sii faah-faahinaya Doorka Garsoorka sidatan:-
1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:-
a. In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.
b. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
c. Inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.
3. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.
4. Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya.
Haddaba, waxa isweydiin leh howlaheenu ma saxbaa mise khalad ayaa jira ummad ahaan, gaar ahaan sida aynu awoodda dowladnimada u jilno mar hore, shalay iyo maanta oo aynu joogno oo saadaal u ah fooraha mustaqbalka nolosheena? Waa mid u baahan u fiirsasho, dhugasho iyo ka warhayn mug iyo miisaan leh si aynu isu saxno wixii arrinhaan ka qaldan ka hor inta aan talo-faro ka bixin. Waa waajib ina wada saaran guud ahaan, gaar ahaan inta xilka ummadda u heysa derajo kasta oo ay tahey!
Gunaanad, xaqiiqdu waa inay jirto isu-milan xooggan oo ka muuqda dhammaan waaxyaha dowladnimadeena; fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorka. Arrintani waxay si weyn u soo shaacbaxdey intii dowladan Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada qabatay, mana qarsoona sida taladu gacan keliya ugu ururtey. Sidaa darteed, waxa Madaxweynaha la gudboon inuu sixitaan deg-deg ah ku sameeyo inta aanay xaaladu sii murgin, isla markaana gaadhin meel aan dabiib lahayn sida cudurrada aan dawada lahayn Alle inaguma keeno eh.
Aan kaga baxo odhaahdan; SOMALILAND: MAXAA HOWL INOO QABYO!
Qalinka:
Mustafe Suleymaan Cilmi (Cajuul),
Hargeysa, Somaliland.
Cell: 00252 (0) 63 4137470.
Email: mustafe72@gmail.com

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor.

2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance.

contact:
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

+ 252 63 442 5380

+ 252 63 4764409

+ 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face