Share this:

" />
Published On: Thu, Aug 27th, 2015

Suxufiyiin Maraykan Ah Oo La Khaarajiyay Xili Ay Warar Tebinayeen Gudaha Gobolka Virginia

Smiley face

weriyayaalmaraykan ah oo la dilayVirginia(ANN)Warbaahinta Maraykanka iyo kuwa Caalamiga ah ayaa laga soo daayay dhacdo lagu khaarajiyay Laba wariye oo u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo lagu toogtay gobolka Virginia ee Maraykanka, iyagoo si toos ah waraysi u siinaya telefishinka oo ka waramaya dhacdo ay tebinayeen.

Alison Parker iyo Adam Ward, oo ah wariye iyo sawir qaade telefishin oo u shaqaynayay telefishin la shaqeeya CBC ee magaalada Moneta ee Bedford County, ayaa la rakayay tacshiirado rasaas ah oo haleelay, iyadoo dadkii daawanayay dhacdada ay baahinayeen ka hor intii aan la toogan toos ula socdeen.

Boliiska gobolka Virginia ayaa sheegay ninkii dilay wariyayaasha, Vester Lee Flanagan, inuu is dilay isagoo boliiisku eryanayaan dhowr saacadood kadib.

Vester ayaa horay uga shaqayn jiray telefishinka uu weeraray. Wuxuu dilay Alison Parker iyo Adam Ward iyagoo xilligaa waraysanaya Vicki Gardner oo ah ganacsato ah, isla markaana dhaawac culus uu kasoo gaadhay weerarkaa Ninka hubaysan ee galaaftay labada weriye.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dadkii daawanayay ee la socday waraysiga ay weriyayaashu soo tebinayeen, waxayna dadka ku abuurtay argagax.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face