Published On: Tue, Nov 11th, 2014

Taliyihii Socdaalka Madaarka Muqdisho Oo Toogasho Lagu Dilay Badhatama Muqdisho

Smiley face

araweelonews-300x168Mogadishu(ANN)Taliyihii Ciidanka Laanta Socdaalka Madaarka Muqdisho Maxamuud Cabdi Caddow oo ku magac dheeraa (Dhabareey), ayaa si badheedh ah loogu toogtay Badhtamaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah, ayaa sheegat in sarkaalkaa ay toogasho la beegsadeen dablay hubaysan, kuwaas oo tacshiirad rasaas ah Taliyaha Amaanka Madaarka la beegsaday kadibna uu sidaa ku geeriyooday.

Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay weerarkaa oo ay ku tilmaameen mid ay fuliyeen ciidamadooda hawlgalada khaaska ah fuliya.

Waa weerarkii labaad ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Maanta, iyadoo Xildhibaan Dalxa ka badbaaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo Xamar Jajab, waxayna weeraradani kusoo beegmeen xili ay si weyn u ruxayso Magaalada Muqdisho xiisad ka taagan khilaafka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo maanta Baarlamaanku ku guuldaraystay in ay cod u qaadaan. Kadib markii kulankaa la xidhay khilaaf gacan ka hadal ah oo dhexmaray xildhibaanada labada dhinac ee mooshinka ku kala aragti duwan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 63 4764409 + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face Smiley face