Share this:

" />
Published On: Sun, Mar 1st, 2015

Wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia Ee Turkiga Oo Lagu Kala Kacay

Smiley face

gudidawadahadalada2Istanbul(ANN)Wadahadaladii la filay inay maanta Caasimada Dalka Turkiga ee Istanbul, ayaa lagu kala kacay, kadib markii khilaaf ka dhashay xubnaha ay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Somalia usoo dirtay oo inta baddan kasoo jeeda Somaliland, taas oo ka cadhaysiisay xubnaha wefdiga Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Dawlada Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo xildhibaano oo dhamaantood kasoo jeeda Somaliland, ayaa xukuumadda Somalia u dirtay inay uga qaybgalaan wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee la filay inay maanta ka furmaan Istanbul, balse waxa lagu kala kacay markii ay xubnaha ka socda Somalia noqdeen kuwo kasoo jeeda Somaliland.

Qodobada la filayay in lagu soo qaado wadahadalada oo maraya kulankii sideedaad, ayaa ah in markan loo gudbo arrimaha Siyaasada, iyadoo laga duulayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014.

 

Wefdiga Somaliland waxa hoggaaminaya Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxayna xubnana la socdaa ka yihiin Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Beeraha . Faarax Xirsi Geedoole, Duulista Hawadda . Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada. Baashe Maxamed Faarax, Ku-xigeenka 1aad ee Guurtida. Siciid Jaamac Cali, Wasiirkii Xannaannada Xoolaha oo hadda laga dhigay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir.Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Xildhibaan Kijaandhe oo ka tirsan golaha wakiiladda Somalialnd iyo labada xildhibaan oo guurtida iyo Lataliyaha Wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland Mr. Siqiiro.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Somalia , ayaa lagu yidhi sidan:-

“Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.

Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

About the Author

-

Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor.

2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance.

contact:
Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

+ 252 63 442 5380

+ 252 63 4764409

+ 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face