Araweelo News Network

European Union

 

Hargeysa (ANN)- 13 ka mid ah Dalalka caalamka ee la saaxiibka ah Somaliland iyo Ururka Midawga Yurub, ayaa ka hadlay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13 Nov 2017, waxayna sheegeen in doorashadii Madaxtooyadu si nabadgelyo ah oo nidaamsan uga qabsoontay geyiga Somaliland.

 

Qoraal ay ku saxeexan yihiin dalalka Belgium-ka, Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Norway, Holland (Netherlands), Switzerland, Sweden, Ingiriiska, Maraykanka iyo Ururka Midawga Yurub oo la soo saaray markii lagu dhawaaqay natiijada, ayaa lagu sheegay in Daneeyayaasha Caalamku ogyihiin in aanay jirin khaladaad dhacay oo wax u dhimi kara sumcadda iyo kalsoonida doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxayna ku baaqeen in ciddii wax tabasho ah qabtaa ay xalkeeda u marto dariiqa sharciga ah.

Qoraalka dalalka caalamku soo saareen oo nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriya helay, waxa ay ku bilaabeen sidan; “Daneeyayaasha Caalamiga ah, waxa ay si dhaw ula socdeen hannaankii doorashada ee Somaliland, taas oo keentay in la doorto Madaxweyne cusub. Wefti heerkiisu sareeyo ayaa booqasho ku tegay qaar ka mid ah goobaha codbixinta doorashada ee Hargeysa taariikhdu markay ahayd 13 November 2017, si ay u muujiyaan taageerada daneeyayaasha caalamiga ah ka gaystaan hannaanka dimuqraadiyadaynta ee Somaliland.”

Waxa kaloo ay intaas ku dareen; “Daneeyayaasha caalamku waxa ay ogyihiin in goob-joogayaal tiradoodu dhan tahay 60 xubnood ay markhaati ka noqdeen bilawgii codbixinta, xidhitaankii goobaha codbixinta iyo tirinta codbixiyeyaasha in ka badan 350 goobood oo codbintu ka dhacday Somaliland. Waxa kaloo jiray 620 xubnood oo goob-joogayaal maxalli ah, kuwaasoo awood u yeeshay inay joogaan in ka badan 40% goobaha ay codbixintu ka dhacday. Waxa ay goob-joogayaashu ammaaneen hannaanka doorashadu u dhacday oo ahaa mid nidaamsan oo nabadgelyo ah, inkastoo ay jireen waxyaabo tabashooyin ah, haddana waxay sheegeen in aanay la kulmin, isla markaana aanay jirin wax khaladaad muuqda oo minjo-xaabin kara quruxda iyo kalsoonida hannaanka doorashadu u dhacday.”

Sida lagu sheegay qoraalka uu helay wargeyska Jamhuuriya, saaxiibada caalamka, ayaa tilmaamay in aad uga xun yihiin, kana qoomamoonayaan rabashadii dadku ku dhinteen ee ka dhacay qaybo ka mid ah magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo.

“Waxa aannu bogaadinaynaa doorka muhiimka ah ee ay ciyaareen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanan ognahay in Komishanku si hordhac ah ugu dhawaaqeen in murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ay guushu ku raacday doorashadii Madaxtooyada, haddaba iyadoo aannu ka duulayno dhawaaqan ka soo baxay Guddida Doorashooyinka, waxa ay daneeyayaasha caalamku ugu baaqayaan dhammaanba xisbiyada inay door ka qaataan ixtiraamka kala dambaynta iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland, wixii tabasho amma cabasho ah ee ka soo baxay natiijada doorashadana loo maro dariiqa sharci ee u yaal iyo hay’adaha ku shaqada leh,” ayey yidhaadheen dalalka saaxiibka la ah Somaliland.

“Waxa aanu leenahay waa in ilaalinta sharciga iyo ku dhaqankiisu ay noqdaan ujeedooyinka guud ee la wada la leeyahay si loo dammaanad qaado tixgelinta rabitaanka muwaadiniinta codbixiyeyaasha ah ee reer Somaliland. Waxa aannu jecelnahay in aannu dhammaanka bulshada Somaliland ku hambalyeyno sida nabadgelyada ah ee  masuuliyaddu ku dheehan tahay ee ay xuquuqdooda codbixineed u guteen 13 November 2017.” Ayaa lagu soo xidhay qoraalka dalalka caalamku ka soo saareen doorashada Somaliland ee natiijadeeda lagu dhawaaqay shalay.