Share this:

" />
Published On: Thu, May 3rd, 2018

27-Guurada Lasoo Noqoshada Madax-Bannaanida Somaliland Oo Xuskeeda Lasoo Qadimay, Xukuumaddii U Horaysay, Dhawaaqii 18-ka May Ee Maalintaa Iyo Liiska Xukuumadii U Horraysay

Smiley face

Araweelo News Network

Warbixin: By. Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

27-guurada lasoo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 18-ka May 2018, oo maalmo inaga xigaan, ayaa sanadkan ku beegantay maalin ka mid ah maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan ugu horreeya, waxaana xuska maalintaa qiimaha badan lasoo qadimay, iyadoo xukuumaddu u qorshaysay in la xuso 15 May oo lasoo qadimo.

Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Kaahin Axmed, ayaa loo saaray qaban-qaabada munaasibadaa oo ah maalinta qiimaha weyn ee magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay  dib-u-la soo noqoshada madaxbanaanida jamhuuriyadda Soomaaliland oo ahayd, 18-kii May 1991-kii, iyadoo xiligan laga joogo 27 sannadood, isla markaana Somaliland soo martay muddooyinkaa marxalado iyo duruufo kala duwan oo kacaa-kufkooda lahaa, balse Somaliland oo qaadatay nidaamka dumuqraadiyada ee doorashooyinka xorta ah iyo Axsaabta, ayaa dunidu si weyn ugu majeerataa dhabaha nidaamka geedi-socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, waxaana dhawr bilood ka hor xukunka iyo talada dalka la wareegay Madaxweynihii Saddexaad ee ku yimaada rabitaanka shacbiga ee doorashada Hal Qof iyo Hal cod oo noqday Muj. Muuse Bixii Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay halgankii dhiiga badan ku daatay ee SNM, halgankaa oo sabab u ahaa lasoo noqoshada qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland, wuxuuna xukunka kala wareegay Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aas-aasay Xisbiga KULMIYE, isla markaana ahaa Hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM, wuxuuna Madaxweyne Muuse Bixii noqonayaa Madaxweynihii labaad ee madaxweyne doorasho ku yimi oo kasoo jeeda hoggaamiyayaashii halganka qaranimada 27 jirsatay, iyadoo Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo oo ahaa Madaxweyinihii labaad ee ku yimaada doorasho ee kasoo jeeda hoggaamiyayaashii halganka SNM, isla markaana ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa hoggaamiyaashii soo maray Ururka SNM, muddadii uu halganka qadhaadh kula jiray Taliskii Maxamed Siiyaad Bare xiligii siddeetanaadkii.

Madaxbanaanida Somaliland yo lasoo noqoshadeedu waxay ka dambaysay markii  ururkii SNM, ku guulaystay in uu gacanta ku dhigo dhammaan goboladii Waqooyi oo uu ka xorreeyey taliskii siyaad Bare halgan dheer oo dhiig ku daatay kadib, iyadoo ururkii SNM,  durabdiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Soomaaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, isla markaana  gunaanadkii shirarkaa, ayaa magaalada Burco lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada madaxbanaanida Soomaaliland.

 

Go’aanka dhawaaqa  gooni isu taaga Somaliland, waxa  lagu ansixiyay kal fadhigii 2aad ee golihii dhexe ee SNM oo la socday magaalada Burco, iyadoo la tixraacayo go’aamadii ka soo baxay shirweynihii beelaha Soomaaliland, waxaana khudbada ka jeediyay gudoomiyihii  ururkii SNM  ee xiligaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), gudoomiyihii golihii dhexe ee SNM,  Ibraahim Maygaag Samatar, Guddoomiyihii hore ee SNM ugu mudada dheeraa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyihii  golihii dhexe ee xiligaa Ururka SNM,  Ibraahim Maygaag Samatar, ayaa yidhi, “goloha dhexe ee SNM waxa uu go’aansaday in talooyinkii ka soo baxay shirweynihii beelaha Waqooyi dhamaantood sidooda ku aqbalo waxaanay arrintaasi ku saabsantahay markii la eegay taariikh dheer oo lasoo maray gobolada Waqooyi, markii la eegay halgankii dheeraa ee ay u soo galeen gobanimadooda inay helaan oo calankooda taagaan kana xoroobaan gumaysigii shisheeyaha, markii la eegay hilawgii ay u hiloobeen inay la midoobaan walaalahoodii kale ee iyagana uu gumaysigu haystay oo ay la wadaagaan gobanimadooda, markii la eegay taariikhdii dheerayd ee la soo maray iyo hungawgii arintaa ka raacay, markii la eegay in Waqooyigu waligii dulmanaa hadana marnaba aanu raali ka noqon dulmigaa, markii la eegay dadku markuu is yidhi xaq ku dhawaaq oo ay yidhaahdeen ummaddu ha sinaatoo Waqooyi iyo meel walba ee la maqli waayey iyada oo arinta uu sii dhooqeeyey melatarigii xukunka qabsaday, iyada oo la ogyahay halkay arintu gaadhay magaalooyin dumay 150 sanno wixii ay ummaddu dhisaysay ay baaba’een, diyaarad magaaladii ay ka kacday duqaysay xoolo la boobay dad la xasuuqay dumar la kufsaday dhiidhigii ay dadku ka dhiidhiyeen ee ay halgameen gobanimadoodiina dib u soo ceshadeen, waxaas oo dhan markii la isku soo duuduubey dadweynaha waqooyiga ku dhaqani waxay garteen inay xaqtahay oo ay mudantahay inay dawladooda gaarka ah dhistaan iyada oo uu ku raacay golaha dhexe ee  SNM taasi waa mid ay xaq u lahaayeen oo ay markii horeba  dhashadeen markii ay gumaysigii  eryeen, israacii ay keeneena mid gabi ahaanba aan sharci lagu xaqiijin buu ahaa mid aan dadka afti laga qaadin buu ahaa markii afti laga qaadayna sannad dabadii 90% dadka gobolada Waqooyi raali ka may noqon wixii ka danbeeyey-na  af-duub ayaa lagu haystay shacbiga halgamay xaqbay u leeyihiin inay dawladooda gaarka ah dhistaan, koonfurna dad Soomaaliyeed oo taliskii faashiga ahaa ee Siyaad Barre uu dulmayey baa jira iygana lidi kuma aha dawlada gaarka ah ee waqooyiga dhistay, waxay ahaanayaan laba dal oo  jaar ah oo walaalo ah oo is aqoonsada inaanu noqono ayaanu ugu baaqaynaa.” Ayuu yidhi Ibraahim Maygaag.

 

Gudoomiyihii  ururka SNM,  Cabdiraxman Axmed Cali (Canbdiraxmaan Tuur) oo ka mid ahaa  hoggaamiyaashii ee ka hadlay madasha, ayaa yidhi, “Sidaa uu sheegay Mujaahid: Ibraahim Maygaag Samatar, waxa golaha dhexe ee SNM go’aansaday in Waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlad madax banan, taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga  oo aad ;a socoteen  shirarkii u socoday, ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen talooyin waaweyn golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in Waqooyigu gooni isu taago,  taas macnaheedu maaha in colaad cadaadaw iyo calool xumo ay jirayso Koonfur iyo Waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka golaha dhexe iyo ummadda Waqooyiga ku nool in walaalahayaga Koonfureed in aanu la yeelano cilaaqad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed kawada hadli kara, annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaan-yihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladdaha kale ee aanu jaarka nahayba sidaas ayaanu annagu jecelnahay, waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga Koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara” ayuu yidhi gudoomiyihii SNM.

 

Sidoo kale  waxa khudbad ka jeediyay halkaa Muj. Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa guddoomiyihii muddada dheer soo hogaaminay Ururka SNM, wuxuuna ka waramay go’aanka la qaatay ee ay ansixiyeen golaha dhexe oo ka turjumaya halgankii dheeraa ee naf iyo maalba loo huray oo ahaa halgan hubaysan oo Taliskii Siyaad Bare lagula dagaalamay, isla markaana ugu danbaytii lagu guulaystay oo xukunka lagaga tuuray, sidaa awgeed lala soo noqday madax-bannaanidii iyo xoriyadii qaranimada dadkii gobolada Woqooyi  ka qaaten Mustacmaradii Boqortooyadii Britain 26 Jun 1960-kii, balse ay Afar maalmood kadib kula midoobeen walaalohoodii Talyaanigu haystay ee Koonfurta , isla markaana midawgaasu noqday mid ay ku khasaareen oo xoriyadoodii iyo dawladnimadoodii ku luntay dadka Woqooyiga.

Markii lagu dhawaaqay go’aankaa taariikhiga ahaa 18 May 1991, waxa markiiba magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada madax-bannaanida  jamhuuriyaddii luntay ee Somaliland Madaxweyne loogu doortay  Guddoomiyihii xiligaa ee SNM, Cabdiraxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) iyadoo Madaxweyne ku xigeenna loo doortay Muj. Xasan Ciise Jaamac, waxaana  lagu dhawaaqay dhismaha golaha wasiiradda ee dawladii u horeysay, taas  oo ay ansixiyeen golihii dhexe ee SNM.

Xubnihii golaha Wasiiradda ee xukuumaddii u horaysay 27 sannadood ka hor 18 May 1991-kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa ahaa sidan:-

 

Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaan Dhiga.

Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa), Maaliyadda.

Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar, Arrimaha Dibadda.

 

Xasan Aadan Wadaad-diid, Wasiirka Dib-U-Dajinta iyo Dib-U- Dhiska.

 

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose.

 

Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi), Diinta & Cadaaladda.

 

Daahir Maxamed Yuusuf, Warshadaha & Ganacsiga.

 

Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo Cad), Caafimaadka & Shaqaalaha.

 

C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Dhalinyarada & Ciyaaraha.

 

Cumar Ciise, Kaluumaysiga  Horumarinta Xeebaha & Dekeddaha.

 

Siciid Maxamed Nuur, Beeraha & Deeggaanka.

 

Jaamac Rabiile Good, Qorshaynta & Horumarka.

 

Maxamed Cali Caateeye, Macdanta & Biyaha.

 

Mahdi Cabdi Amarre, Hawlaha Guud & Guriyaynta.

 

Cismaan Aadan Dool(Quulle), Warfaafinta & Dalxiiska.

 

Yaasiin Axmed Cabdi-Nuur,  Xanaanada Xoolaha.

 

Maxamuud Cali Cabdi Bayr, Wasiirka Gaadiidka & War-Isgaadhsiinta.

By. Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face