Araweelo News Network

CIidamadda Federaalka oo Dadka u diiday in ay ka baxaan Magaalada

Jigjiga(ANN)-Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosantay deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad, ayaa abuurtay jawi deganaansho la’aan ah, kadib markii Ciidamadda Dawladda Federaalka oo la wareegay magaalada Jigjiga todobaadkan ay xidheen Wadooyinka soo gala Iyo kuwa ka baxa magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladu faraha ka baxdo, tan Iyo markii ay Milateriga dawladda Federaalku halkaa ka kaxaysteen Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa Madaxweynihii deegaanka Soomaalida.

waxaana xilka lagu wareejijay wasiirkii Maaliyadda ee dawladda deegaanka, balse xaalada ayaan waxba ka bedelin xiisadii ka taaganayd Magaalada Jigjiga, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in xaalada la dejiyo si looga baaqsado dagaal iyo fawdo, balse sida ay sheegayaan wararka shebekadda Araweelo News Network ka heshay deegaanka kulamo u dhexeeya saraakiil ka socda dawladda Federaalka, maamulka dawlad deegaanka Jigjiga Iyo wadaadda Diimaha, ayaan weli wax natiijo ah laga gaadhin, kuwaas oo ay dhinacyadu kaga wada hadlayaan sidii loo waajahi lahaa xaalada murugsan iyo cabsida soo waajahday dadweynaha oo doonaya in ay ka baxaan magaalada, iyagoo ka cabsi qaba dagaal dhexmara Ciidamadda Federalka ee Milateriga oo ku xeeran magaalada Iyo  Liyuu Booliska oo taageersan  madaxweynaha xukunka laga tuuray oo aan si dhab ah loo ogayn halka uu ku siganayahay iyo geeri iyo nolol midka uu yahay, balse warar is Khilaafsan, ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia  ee xilka laga qaaday Cabdi Maxamuud Cumar uu  ku sugan yahay magaalada Addis Ababa oo Xabsi Guri lagu hayo, halka warar kale sheegayaan in lagu riday xabsi, walaw aanay jirin warar xaqiijinaya halka lagu hayo iyo xaaladiisa midna.

 

Dhinaca  kale, waxa Jira sheegaya  in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ay magaalada Addis Ababa kula kulmeen Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyagoo ujeedada ay halkaa u tageen tahay sidii ay ugala hadli lahaayeen xaalada murugsan ee Kilikla Soomaalida.

Maamulka cusub ee la magcaabay, ayaan waxba ka bedelin xaalada, waxayna dadka dhegaha ka furaysteen dhawaaq uu kaga dalbaday in aanay Magaalada Jigjiga ka bixin oo ay is dejiyaan, Isla markaana dadka shaqaalaha ah ay xafiisyada taagan, ganacsataduna  meherdaha at furaan, balse dadweynaha ayaa  ka cabsi qaba in xaaladu isu bedesho dagaal, waxayna Ciidamadda Federaalku xidheen Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, waxayna u diideen dadka doonaya in ay ka baxaan Magalada Jigjiga, balse dadka qaar ayaa si qarsoodi ah uga baxaya, kuwaas oo maraya qarxa Jeex ah, waxayna dadkaa qaarkood usoo talaabeen dhinaca xadka Somaliland

.Dhjnaca  kale waxa Jira warar sheegaya in ciidanka Liyuu Boolisku ka baxeen Magalada Jigjiga, Isla markaana Isku urursanayaan degaamo kale oo aan ka fogaym Jigjiga, waxay a arrintaasu dadka Jigjiga ku abuurtay cabsi xooggan.