Araweelo News Network

Baydhabo(ANN)-Al Shabaab, ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan oo aad u hubeysan ay dagaal kula wareegeen deegaan ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Wararka ka imaanaya Bay ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 19 KM ujira magaalada Baydhabo, halkaas oo ciidamadda dawladda Federaalka Xarun u ahayd.

Dadka deegaanka oo goobta ka dhowaa.  ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen saldhigyo melleteri oo ay ku sugnaayeen Ciidanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ciidamo Ethiopian ah oo dhanka Amxaara ka taageera maamulka  Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidmadda Al shabaab Sheekh Abuu Muscab, ayaa  sheegaya in Al shabaab ay daabusheen saanado hub ah iyo agab melleteri oo ay ka carareen ciidamadda maamulka Koonfur galbeed, wuxuuna xusay in ay Maamulka ‘Koonfur Galbeed, 4 askari laga dilay, iyadoo dhaawacyo soo gaadheen toban kale, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay daabusheen saanado melleteri kadibna ay dib uga gurteen deegaanka.