Araweelo News Network



Hargeysa (ANN)- Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Siciid Saleebaan Mire, ayaa soo saaray amarro aad u culus oo u ku hakiyey isticmaalka dhammaan xisaabaadka hay’adaha kala duwan ee dawladda uga furan baanka dhexe iyo bangiyada kale ee madaxbannaan ee dalka Somaliland inta ka horreysa xil-wareejinta labada madaxweyne.

Hanti-dhawre Mire oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu go’aamo adag ka soo saaray gaadiidka dawladda, mushaharka shaqaalaha iyo mashaariicda aan fulin ee ku jira miisaaniyad-sannadeedkan sii dhammaanaya ee 2017.
“Waxa lagu jiraa waqti kala-guur ah oo ay isbeddelayaan laba Madaxweyne, waxa aannu gudbinaynaa farriin khuseysa dhammaan hay’adaha qaranka Somaliland. Saaka (shalay subax) oo ay taariikhdu tahay 28/November/2017 [shalay] Hanti-dhawrka Qaranku annaga oo la socodsiinaynaa hay’adaha aannu wada shaqeynta leennahay sida Bangiga Dhexe.

Waxa kaloo aannu la socodsiinaynaa Bangiyada Dahabshiil, Salaama Bank iyo Premiere Bank waxa uu joojiyey dhammaan xisaab-socotooyinkii hay’adaha qaranka in aan waxba laga saari karin inta ka hadhay xil-wareejinta, marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaadka ah oo aannu dib ka soo sheegi doonno,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud oo ku amray baananka gaarka loo leeyahay inay hakiyaan xisaabaadkii bangiyadooda uga furnaa hay’adaha dawladda.

Waxa kaloo uu intaas ku daray;“Madax-xigeenada socon kara waa raashinka ciidammada, shidaalka, qalabka xafiisyada, mushaharka shaqaalaha joogtada ah iyo shaqaalaha aan joogtada ahayn, laydhka iyo biyaha, intaas ayuun baa socon kara, wax kale oo aan intaas ahayn ma socon karaan, wareegtadaasna way haystaan oo saaka ayaannu gaadhsiinay masuuliyiinta ay khusayso.

Sidoo kale, waxa uu ciidammada ammaanka faray inay qabtaan gaadiidka dawladdu leedahay ee sida lambarrada baabuurta shacabka, “Waxa kale oo intaa ku daraynaa, maanta oo taariikhdu tahay 28/November/2017 [shalay] ka dambeeya gaadhiga amma gaadiid dawladeed ee bilaydh shicib ee Somaliland lambar ah sita, amar waxay ku qabaan hay’adaha amnigu amma boolisku masuulkii doonaa ha wato, in gaadhigaas halkaas lagu qabto. Muddo ayaannu wadnay arrintaas oo aannu la socodsiinnay madaxda qaranka dhammaan wasaaradaha iyo madaxda gobollada iyo degmooyinka way heleen, in wax allaale wixii gaadiid dawladeed ah ee aan sidan bilaydh lambar GT dawladeed ah cidda wada iyo gaadhigaba waxay hay’adaha amnigu amar ku haystaan inay xereeyaan.

Maadaama, waqti kala guur ah tahay, wax kastaa waxay ku wanaagsan yihiin inay si xalliibnaan u dhacaan, kala wareejintu si wanaagsan u dhacdo oo masuulka sii joogaya iyo masuulka imanayaba si sugan oo hufan wax isu-beddelaan oo wax dayac ah aannu ku dhicin hantida qaranka.”

“Waxa jira gaadiid  aad u badan oo ah boqol iyo dhawr iyo toban ah oo u fadhiya oo ay leeyihiin hay’adaha qaranku. Waxa loo baahan yahay in wasaarad kasta iyo hay’ad kastaa ku soo xareyso xarunteeda oo aan la odhan; ‘Geerash hebel ayaa wax yaallaan gaadiid hebel.’ Waxa loo baahan yahay arag iyo taabasho gaadiidkaas la leeyahay way fadhiyaan inay ugu sugnaadaan xaruntooda, marka xil-wareejintu dhacayso haddii Alle ka dhigo.

Amarkaas boqollaal jeer oo hore waynu soo sameynay, Madaxweynuhuna wuu ka hadlay, Golaha Wasiirrada waa lagaga hadlay iyo shir aan caadi ahayn oo hay’adaha amniga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Gaadiidka, Wasaaradda Madaxtooyada oo Madaxweynuhu shirguddoominayey waa la isaga yimi oo in badan ayaa laga hadlay. Markaa gaadiidkaas waxaannu u baahannahay wax allaal wixii summadda shicibka in lagu dhejiyo GT, dee ciddii ku dhajin waydaa waa cid u badheedhay, waxana loo arkayaa fal-dembiyeed,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha Guud oo amray in dhammaan baabuurta dawladdu leedahay ee lambarrada shacabka leh si degdeg ah loogu xidho lambarrada gaarka ah gaadiidka dawladda.

Waxa kaloo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka uu mamuucay in qof shaqaale ah mushahar u qaado qof kale oo shaqaale ah, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Ma jiro mushahar qof shaqaale ah oo shaqaale kale u qaadi karayaa, haddii aannu ku maqnayn fasax amma xannuun, weliba aanay wehelin warqad codsi oo ah cidda mushaharka u qaadi karaysa, taasina wax dhici karta ma aha.

Ma jirto qof shaqaale ah oo laba hay’adood oo dawli ah ka wada shaqeyn karta, taasna mas’uuliyiinta qaranku iyaga ayaa ka mas’uul ah, in suggo wasaaraddiisa iyo shaqaalihiisa aanay ka shaqeyn laba hay’adood oo qaran, waa caddaalad-darro in dadka qaar shaqaale ahaadaan, qaarna laba iyo saddex shaqo isku hayaan.”

“Waxa kaloo jirta shaqaale la yidhaahdo, shaqadda ayaa laga eryey oo magacoodii cid kale ku xaadirto, taas laftigeedu waa fal-dembiyeed, qofka shaqaalaha ee la eryey amma shaqadda ka tagey cidda beddelkiisa beddeshay, waa in magaciisa si suggan oo hufan dariiqa saxda ah ee Hay’adda Shaqaalaha la soo mariyaa. Cidda la shaqaaleeyey ee cusub waa inay magaciisa/magaceeda ku xaadirtaa oo magaca qofkii tagey aannu ku xaadirin, taas laftigeeduna waa arrin qaldan, arrintaasna waxa aannu doonaynaa si wanaagsan loo eego, wixii qaladaad ah ee jirana la saxo,” ayuu sii raaciyey.
Ugu dambayn, waxa uu sheegay in gebi ahaanba la joojiyey mashaariicda aan weli la fulin ee ku jiray miisaanad-sannadeedkan, “Waxa la joojiyey dhammaan mashaariicda ku jirtay 2017 ee aan fulin, la bilaabin oo sannadka dembe ayaa loo riixayaa, wax mashaariic ah oo hadda la siidayn karaana ma jiraan. Iyada oo mashaariicda la diidin, hadday riigag tahay, dhaamam tahay, iskuullo tahay, caafimaad tahay amma cilmi-baadhis tahay, iyada oo xukuumaddu xukuumaddii uun tahay, horumarinta halkii ka sii socon doono, laakiin waqtigan kala-guurka ah waxaannu joojinnay wax allaale wixii mashaariic la bixin lahaa,” ayuu yidhi Hanti-dhawraha Guud.