Araweelo News Network

Yuusuf Mire Maxamuud (Boos)

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Yuusuf Mire Maxamuud (Boos), ayaa waxba kama jiraan ku sheegay go’aan wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi ku kala diray dhalinyaro Ciyaartoy ah, kuwaas oo u kala ciyaari jiray Wasaaradda Maaliyada iyo Ciidanka Asluubta.

Hase yeeshee Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Yuusuf Mire Maxamuud (Boos), ayaa sheegay in go’aanka wasiirku aanu ahayn mid waafaqsan barnaamijka iyo xeerka KULMIYE, isla markaana ahmiyada koowaad ee siyaasada xisbiga KULMIYE tahay  in dhalinyarada la dhiiri geliyo, mana jirto wax la baabinayaa ayuu yidhi, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo la hadlay HCTV.

 

“in la kordhiyo Naadiyada ayaa noo qorshaysan,  wasaaraddihii lahaa Naadiyada lahaa in ay sii kordhiyaan oo ay sii habeeyaan mooyee, ma jiro wax la baabiinayaa, waad arkayseen Madaxmeynuhu, wuxuu la ordayay Mo. Farah, waxay ku tusaysaa ahmiyada uu Ciyaaraha u hayo” ayuu yidhi, Wasiir Boos, wuxuuna xusay inuu jiro isfaham la’aan u dhaxaysa isaga iyo wasiirka Maaliyadda, balse go’aanka Ciyaaraha uu isagu ka wasiir ahaan leeyahay.