askarkenyan ah

Nairobi(ANN)Tiro ka mid ah Askarta Dalka Kenya, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay gudaha dalka Kenya, waxaana sidoo kale la waayay ku dhowaad laba dersin oo ka mid ah Askarta ciidamada Kenya.

Hawlagal ay Ciidamada Kenya ka fuliyeen Deegaanka Turkaana ee Woqooyiga Kenya, ayaa sababay dhimashada 7 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka oo hawlgal dhinaca nabada ah u tegey deegaankaa, waxaana la waayay ku dhowaad 17 Askari, kuwaas oo aan raq iyo ruux la hayan meel ay mareen. Kadib markii Malayshiyo deegaankaa kasoo jeeda weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Deegaanka Turkaana, waxaa inta baddan ku dhaqan dad Xoolo dhaqato ah, kuwaas oo Lo’ley ah, isla markaana waxa mararka qaar ka dhaca deegaankaa weeraro lagu kala dhaco Lo’ada, taas oo sababta khasaare dhimasho iyo dhawaac ah oo soo gaadha Ciidamada loo diro deegaankaa si ay amaanka usoo celiyaan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

ifo@araweelonews.com