Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Guddida Qaran ee gurmadka Fatahaadaha webiga oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisal  wasararaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa  yeeshay Kulankii ugu horeeyay oo uu shir gudoominayay Kusimaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ah gudoomiyaha guddida Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha , ayaa  kulanka kadib saxaafadda kula hadlay Hoteelka SYL oo kulanku uu ka dhacay, wuxuuna sheegay in guddidu samaysay Afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, wuxuuna  baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Bulshada Soomaaliyeed.

“Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, haddii ay dhaqaale bixinyaan, haddii ay raashin bixinayaan iyo haddii ay dhar bixinayaanba. Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoogta waana in aan si wada jir ah uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadino walaalaheen.”, ayuu yidhi kusimaha Ra’iisal wasaara Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddida wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ku baaqay in cid kasta oo wax heysata ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaadato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo.

“Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa, dhibaato weyn oo dad badan saamaysay oo geeri sababtay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shacab weynaha Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan walaalahooda fatahaadu heshay oo maanta banaanka daadsan ee Hoy la’aanta ah, cunnna la’aanta iyo biya la’aanta ah, oo caafimaadkoodu khatar ku jiro”, ayuu yidhi, Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddida heer Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoon xisaabeedyo  ay ka sameeyeen Bangiyada iyo Numberada Telefoonada leh EVC, kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo.

—DHAMMAAD—-

Maxamed Cabdicasiis Dhuub
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya