Hargeysa(Arraweelo) Boqolaal qof Lix caanamaal baadidoonayay Maydka Marxuum Nuux Imaaciil Samatar, Kadib markii Daad ka qaaday Dooxa dacar-budhuq sadex maalmood ka hor 8 Oct, 2014, ayaa ku guulaystay maanta in ay helaan maydkiisa.

Marxuumka, ayaa dadku ka qaaday isaga iyo Axmed Xuseen Samatar oo watay Gaadhi Lancruser ah, balse Axmed, ayaa laga badbaadiyay daadka, waxaana ugu danbayntii la geeyay Cusbitaalka Hargeysa oo weli lagu dawaynayo.

Hase yeeshee Gaadhigii ay wateen iyo Marxuum Nuux Ismaaciil Samatar, ayaa la waayay, waxaana ugu danbayntii saaka laga helay meel aan ka fogayn halka uu Dooxa dacar-budhuq Badda kaga daro.
“Sadex maalmood,ayaanu ku jiraa Baadidoonka, waxaanu nahay ilaa 200 qof oo dhalinyaro u baddan, weli waxa soconaya Biyaha, laakiin waxaan rajaynayaa in aanu helaynoi subaxnimada” sidaa waxa xalay saacadihii danbe u sheegay Araweelo News Network Naasir Afweyne Fiix oo ka mid ah dadka baadidoonayay Maydka Marxuumkaa, balse saaka ayaa la xaqiijiyay in la helay maydka Marxuumka oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.

Labada Nin ee daadku qaaday, ayaa ka yimi dhinaca Qurbaha, waxayna waqtiga maqaadiirtu la kulantay u socdeen dhinaca Magaalada Burco.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com