Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mid ah madaxdhaqameedka ugu caansan geyiga Soomaalida oo muddooyinkan ku xidhnaa Xabsiga, ayaa maanta loo celiyay xoriyadiisa. Kadib markii uu muddo laba Bilood Iyo dheeraad ah ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Boqor Cismaan oo maanta warbaahinta la hadlay markii lasoo daayay, ayaa ka hadlay dareenkiisa ah inuu helo xoriyadiisa iyo xadhigiisa muddadii uu xidhnaa.

Halkan ka Daawo Boqor Cismaan Aw Maxamuud  Buur-madaw oo warbaahinta qaarkood  la hadlay markii lasoo daayay.