socdal Madaxweyne Silanyo1

Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegay in aanu Kursiga cay iyo aflagaado kaga tegeyn ee uu banaynayo marka Doorasho lagaga qaado, isla markaana wuxuu sheegay in xuska maalmaha halganka laga dhigan gabood aflagaado iyo cay lagu xuso.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sidoo kale sheegay in uu yahay Musharax u taagan doorashada, isla markaana ay ka go’antahay inuu yahay Musharax u taagan tartanka Doorashada aan weli la cayimin.

Weedhahaa iyo kuwo kale ayuu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay qudbad uu ka jeediyay shalay Socdaal dhoola-tus ah oo uu ku maray xarumaha warbaahinta Dawlada iyo wargeyska Jamhuuritya.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqday mid dhoolatus, wuxuu kaga hadlay waxyaabo baddan oo la xidhiidha xaaladda dalka, isagoo yidhi, “Waxaan maanta jeclaystay, in aan dareenkayga idinla wadaago, waxaana hadalkaygu daarran-yahay maanta, markaan arkay sida dunidu inoogu soo qulqulayso iyo dedaalka Dawladdu waddo, iyo dadka buuqa iyo qaylada la taagan ama mucaaradada ka dhigtay cayda, habaarka iyo eedaymo aan macno lahayn oo saxaafada laysu mariyo.

Waxaa muuqata in dalku meel fiican marayo, horumar badani ka socdo, dhaqaalihii kor u socdo, waxaa laga eegaa, Korodhka ganacsiga, Dhismayaasha, Korodhka dhoofinta iyo soo dejinta shixnadaha ganacsi, korodhka shaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa baayac mushtarka.

Iyadoo ay jiraan dawlado iyo maal-qabeenno badan oo shisheeye oo danaynaya inay maal-gashadaan dalkan, waa ogaydeen shirkii ganacsi ee qiimaha badnaa ee dhawaan Dawladda Ingiriisku inoogu qabatay dalkeeda, kaasoo loo agaasimay si aad u heer sarraysa, taasoo aniga iyo Wasiiradii ila socday aanu ku soo bandhignay Khayraadka dalkeena yaalla, iyo fursadaha ganacsi ee dunidu inala wadaagi karto.

Waxaa xusid mudan, 9-kii subaxnimo ilaa 5-tii galabnimo intii shirku socday, shirku waa buuxay, hal kursi ma banaanayn dadku wuu taagnaa in badani, waxay muujinaysay xiisaha loo qabay shirka, iyo sida uu usoo jiitay Bulshada Caalamka.

Waxaa loo baahnaa in aqoon-yahanka iyo ganacsatadu la yimaadaan hal-abuur, fikrado cusub iyo dedaallo ay kaga faa’iidaysanayaan fursadaha ka dhasha shirarka noocan oo kale ah, oo gogosha u dhigtaan, gadhwadeenna u noqdaan Maal-gashadayaasha shisheeye “Balse waxaa la yaab ahayd, waxaan kusoo noqday dalka iyadoo lagu sheekaynayo Madaxweynihii Is-sharrixi maayo, wuu xanuunsanayaa iyo sheekooyin aad u daciif ah oo aan ka turjumayn wixii qarankani u baahnaa.

vWaxaan leeyahay, waar xanuunsan maayo oo Ilaahay mahaddii, dheg laygama hayo.

vWaar dhiman maayo maalinta ajashayda ka hor.

vWaar kursiga cay kaga tagi maayo ee cod baan ku imi, maalinta codka layga helo ayuun baan bannaynayaa, waxaanan haystaa kalsoonida Bulshadii i dooratay.

Waxaanan ku kalsoonahay in bulshada Somaliland si fiican u kala taqaanno cidda wanaaga iyo horumarka wadda, iyo cida af-miishaarnimada iyo qaska wadda. Waxaan arkayey, maalintii Burco-duuray qaar-qaylinaya oo leh waxaanu xusaynaa maalintii Burco-Duuray iyo Ragii ku dhintay, Waar burco-duuray halgankaba anigaa hogaaminayey intii ku shahiiday Ilaahay ha u naxariisto, umana baahna in lagu xuso xasarad, cay iyo af-lagaado, inta noolina waxay gaadheen wixii ay u halgamayeen oo waxay dhisteen Qarankan, waxaan leeyahay waa qalad in halgankii ummaddu lahayd, iyo mujaahid-baan ahay loo daliishado khaladka aan doono ayaan samaynayaa sharciguna i qaban maayo, waar ma jiro qof sharciga ka weyni “ Ka sarraya”, kii joogay iyo kii maqnaa dalkan way u siman yihiin, waxaanay ku leeyihiin xuquuq isku mida, wax kasta oo loo adeegsado in ummaddan lagu kala qoqobaa waa reebban yihiin.

ARRIMAHA DOORASHOOYINKA IYO DIIWAANGALINTA

1) Waxaan labada Gole ka ballan-qaaday in aan diyaar u ahay in la qabto doorashooyinka oo wakhtigooda ku qabsooma.

2) Waxa aan qoraal ugu gudbiyey Deeqbixiyayaasha in aanu diyaar u nahay doorasho wakhtigeeda la qabto, ma cidbaa nagu khasabtay in aan qoraal ku bixino oo labada Gole ka hor caddeeyo.

3) Waxa la wada ogyahay in dhammaan miisaaniyaddii ku bixi lahayd labada doorasho iyo labada diiwaangelinood aanu ku diyaarinay Miisaaniyadda 2015 ee Baarlamaanka la taala.

4) Waxaanu diyaarinay Xeerkii Diiwaangelinta Madaniga iyo Codbixiyaha oo aan u gudbinay Golaha Wakiillada. Waxa la wada ogaa murankii Xisbiyada Mucaaridku ay ka keeneen qodobo ka mid ah, Waxaanan u saaray Guddi saddexda Xisbiga iyo Xukuumadda ka kooban, waxay isla garteen in qodobo wax laga bedelo waanan aqbalay.

5) Xukuumad ahaan, waxaanu gudbinay Xubnihii Komishanka Doorashooyinka, waxaana Xukuumadda iyo Xisbiyaduba ay diyaar u yihiin in la ansixiyo.

DIIWAANGALINTA MADANIGA AH

Waxaa dhammaan ka warhaysaan, in ay socoto diiwaangelintii madaniga ahayd, diiwaangelinta madaniguna, waa sugista muwaadinka. Waxay muhiimad u leedahay Nabadgelyada dalka, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan Qaranimada iyo Madax-banaanida dalka, waa sumadda lagu kala garanayo dadka reer Somaliland ee dalka xaqa ku leh iyo dadka ajaanibka ah, waa sumadda lagu reebayo dadka qalaad ee dalkan dhibaato iyo Nabadgelyo darro la doonaya ama doonaya inay si khaldan uga faa’idaystaan, waa sumadda qofka lagu siinayo waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah oo uu ka helo qaybaha adeega bulshada ee dawladda, waa shayga u suurtagelinaya in uu helo kaadhka codaynta si uu wax u doorto loona doorto, waa waxa suuragalinaya in aad lacagta kaga qaadataan bangiyada iyo xawaaladaha, asal ahaan ma jiro dal aan aqoon muwaadiniintiisa, inagana waa inagu ceeb in aynu garanweyno yaa muwaadin ah, yaanse muwaadin ahayn.

Arrintani ma aha wax laga dhigto, dheel-dheel, ee waa waajib dastuuri ah, waxaanan muwaadiniinta ugu baaqayaa in ay is diiwaangeliyaan oo tagaan goobaha diiwaangelinta. Waxay hadda ka socotaa Hargeysa iyo Gabiley, waxaana toddobaadkan laga bilaabi doonaa Boorama iyo Berbera, dhakhsana waxaa dalka oo dhan loogu dhamaystiri doonnaa si buuxda. Waxaanan farayaa dhamaan Hay’adaha Dawladda iyo ciidammadu in ay gacan buuxda siiyaan hawl-wadeenada ku hawlan Diiwaangelinta Madaniga ah, Insha Allaahu waxay ku dhammaan doontaa guul.

CABASHADII ODAYADA DHAQANKA EE BOORAMA

Waa hubaal in odayada dhaqanka ee Boorama ii soo gudbiyeen cabasho hufan oo ceebla, xaq bay u leeyihiin Bulshadu wixii dhibaato jirta iyo wixii cabasho ay dareemayaan in ay ii soo gudbiyaan, anigana waxaa igu waajib ah in aan dhegaysto, derso oo uga jawaabo. Isla maalintii ayaan u magacaabay Guddi arrintan soo baadha, oo iiga keenta xaqiiqada jirta iyo wixii talo ay u arkaan in wax lagu saxayo. Sidaan ka warhayana, guddigii xil bay iska saartay, waana soo bandhigi doonaa dhawaan.

Balse, waxaan ogahay dad leh ujeedooyin kala duwan oo doonaya inay arrintan ka faa’idaystaan, waxaa jira qaar aan reer Boorama ahayn oo jecel qaska oo doonaya inay fursad ka dhigtaan, waxaa jira qaar aan aaminsanayn qaranimada Somaliland oo doonaya in ay arrintan ka dhigtaan food saaro ay dalka khal-khal ku geliyaan dadkana iskaga hor keenaan.

Waxaan ogahay qaar leh ujeeddo shakhsiya, oo doonaya in halkan xil iyo xoolo ka qodaan, Waxaan leeyahay dhammaan dhib-wadayaasha halkan jaanis ugama bannaana, aniga iyo Odayada dhaqanka ee reer Boorama waxaanu leenahay ujeeddo kaliya oo ah, sidii Boorama iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland u heli lahaayeen xuquuq-dooda, una gaadhi lahaayeen cadaalad iyo sinnaan. Wax kasta oo khaldan ama wax laga tabanayo waxaan jecelnahay in aan wax ka qabto sida ugu fiican, iyo xiliga ugu habboon, waxaanan Bulshada guud ahaan leeyahay noo sabra idinkaanu idiin shaqaynaynaa, isu sabra wixii dhexdiina yaala, hana loo dulqaato wixii qoonsi ka yimaadda shaqadaas.

NABADGELYADA

Walaalayaal, nabadgelyadu waa shayga ugu muhiimsan, waana hantida ugu qaalisan ee qarankani haysto. Waxaan dhamaan Bulshada reer Somaliland u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabadgelyada meelna uga soo wada jeestaan, cid kasta oo ku kacda wax nabadgelyada wax-yeelaya. Hay’adaha ammaankana waxaan farayaa in ay u feejignaadaan cadawga gudaha iyo ka dibeddaba, gacan adagna ku qabtaan, ciddii isku dayda inay nabadgelyada dhaawacdo.

Waxaa dhawaanahan dhacday, in Askar Ciidanka ka tirsani ay laayeen Saraakiishoodii ay Madaxda u ahayd, waa dhacdo inagu cusub oo aad u fool-xun, waa khalad in Ciidankii loogu talogalay inay cadawga difaacaan, in uu saaxiibkiisii ay godka ku wada jireen uu dilo ama looga werwero, ma aha arrintani wax la aqbali karo. Dambiilayashii wixii la qabtayna, waxa sharcigu yidhaahdo ayaa lagu qaadayaa, mana jiro wax laga dabcinaayo iyo cid u hiilin kartaa, wixii aan markaa la qaban, kama hadhi doono wax-kasta oo ay qaadato iyo wakhti kasta oo ay gaadho.

Balse waxaan ka digayaa in Ciidamada la reereeyo oo qabyaalad lagu qaybiyo, in arrimahaas saxaafadda lagula banbaxo, oo lagu qodqodo maaha, askari kasta, askariga kale ayaa walaalkii ah, taliyihiisaa u waalid ah, Ciidamadiisaa u tol ah, wixii ka khaldamana sharciga iyo Maxkamadaha ciidanka ayaa lagu saxayaa.

Walaalayaal, Ciidammadu wa astaantii qaranka iyo ilaaliyayaashii qaranimada, ee yaan qolo lagu tilmaamin, arintaasi waa ceeb, waa dawladnimo la’aan. Waxaan ahay, Madaxweyne ahaan, Taliyaha Guud ee Ciidammada, waxaan ku hawlanahay daryeelkooda, ilaalintooda iyo kor u qaadista awooddooda iyo haybadooda. Waxaad ogtihiin in aan Miisaaniyadda Qaranka kula wareegay $46 Milyan oo dollar, maantana Mushaharka Ciidamada oo keliya ayaa maraya $55 Milyan, waa marka aan lagu darin saanada iyo agabka Ciidanka, sanadkan oo kaliya ayaanu usoo iibinay in ka badan boqol gaadhi oo gaashaaman.

Waxaa maalmahan iiga muuqatay saxaafadda mucaaridka oo hadallo xanaf leh, iyo ereyo ka caagan siyaasadda aad ugu xoog xoogsanaya. Waar caydu waa ceeb ee siyaasad ma aha, hadalka xumi qofka leh, ayuun buu wax yeelaa.

Mucaarad iyo Muxaafad dhaliishu waa u furan-tahay, toosintu waa u furan-tahay, taladu waa u furan-tahay waanunu soo dhaweynaynaa.

Somaliland waa dal dimuqraadi ah, dhaliil iyo dhaleecaynba waad samayn kartaa, balse aan ilaalinno anshaxa siyaasadda iyo akhlaaqda suubban.

Golaha Wakiillada waxaan kula dardaarmaya inay isu tanaasulaan, saxdaan wixii ka khaldan, iyagoo nidaamka iyo shuruucda raacaya oo ilaalinaya, arrinkooda hoos iyo wada hadal, haku dhamaystaan” ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com