Baarlamaanka Somalia

Mogadishu(ANN)Mooshinka la doonayay in Xilka Lagaga Xayuubiyo Raysal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh, ayaa markii sadexaad guuldaraystay fadhi ay maanta yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Somalia.

kulamo goo-goos ah iyo shirar labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho oo Xubnaha wada Mooshinku la lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa loogu balamay in Isniintii maanta oo taariikhdu ahayd 24 Nov 2014 daaqada laga saaro Raysal Wasare Cabdiweli. Kadib markii ay guuldaraysteen dedaaladii beesha Caalamku ku doonayeen in ay ku badbaadiyaan oo Madaxweyne Xasan Sheekh dhegaha ka furaystay.

Hase yeeshee Kullankii Baarlamaanka ee maanta ayaa markii sadexaad ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan. Kadib markii Xildhibaanda diidan mooshinka ka bilaabeen Golaha Buuq iyo Qaylo, kuwaas oo diiday in ay fadhiistaan, isla markaana sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo lagu diidan yahay Mooshinkaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa kulankaa oo qabsoomi waayay ka dib soo saaray War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari , kaas oo lagaga hadlay Mooshinka iyo saamaynta uu ku yeeshay hawlaha Baarlamaanka iyo Ha’addaha xukuumadda shaqadoodii.

Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay nidaam-darrada iyo buuqa hadheeyey golaha, waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku marar kala duwan isku dayey in khilaafka kala irdheeyey xildhibaannada lagu xalliyo hannaan isfaham isla markaana la abuuro guddiyo labada dhinac ah oo arrintan ka wada hadla hase ahaatee arrintaasi ay suuro geli wayday.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay guddoonka golaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in in mooshinka la yaalla Guddoonka aan la guda-geli karin ajendaha ilaa iyo inta xal looga helayo xasilooni darrada iyo nidaam-darrada baaxadda weyn ee ay sababtay arrinta mooshinka.

Warar kale ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari uu Amray in Mooshinka aan mar danbe Baarlamaanka la horkeeni doonin tan iyo inta laga Xalinayo Khilaafka Baarlamanka u dhaxeeya iyo Xaalada ka jirta Dalka.

Fadhiga Baarlamaanka, ayaa loo diiday Warbaahinta, waxayna wararka qaar sheegayan in Xildhibaanada Mooshinka watay iyo kuwa taageersan xalay loo qaybiyay, balse ay suurta gal noqonweyday in fadhiga lagu qaybiyo. Kadib markii buuq hadheeyay madasha Baarlamaanka.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ah Xildhibaanada diidan Mooshinka, ayaa warbaahinta u sheegay in Xildhibanada aan Mooshinka loogu qeybin Xarunta Baarlamanka, wuxuuna ku dooday in Xalay si hoose loogu qeybiyay, balse Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka wata ayaa ku dooday in Xarunta Baarlamaanka dhexdeeda lagu qeybiyay Mooshinka.

Warbaahinta, ayaa loo diiday in ay u dhowaadaan dhismaha Baarlamaanka oo ciidamo la dhoobay. Sidaa darteed ma jiraan cadaymo muujinaya in xarunta Baarlamaanka ee golaha dhexdiisa lagu qaybiyay mooshinka maadaama ay ku dhamaatay buuq iyo qaylo lumiyay nidaamkii iyo kala danbayntii fadhiga.
magaaladaa Muqdisho waxa hadheeyay xiisada ka aloosan muranka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Somalia, kaas oo ay wadamada daneeya arrimaha Somalia u waayeen xal. Kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkaystay in sharciga lagu kala baxo oo ay Baarlamaanka ku kala calaf qaadaan isaga iyo raysal wasaare Cabdiweli Sheekh oo muranka iyo khilaafkoodu soo jiitamay, iyadoo Baarlamanka oo ku kala qaybsan arrintaa fadhigii sadexaad suurta gal noqon waayay in la keeno mooshinka, waxayna khilaafka Madaxweynaha iyo raysal wasaarihiisu sababeen xaalad kala qaybsanaan oo fidhiidh ka dhigtay nidaamkii boocda ku tukubayay ee Hay’addaha dawlada Federaalka Somalia iyo hawlihii Baarlamaanka.

Halkan Ka Daawo Buuqa Baarlamaanka Somalia ee fadhiga dhicisoobay

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com